|
|||||
WAJAALE NEWS
Hadii Siilaanyo Talinayo Waxan Maanta Dhacayaa ma Dhaceen waxaas Oo dhan waxa Sabab u ah Inaanu talinayn Madexwene Siilaanyo”Faysal Cali Waraabe
September 30, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadley Munaasibadii Qalin jabinta Jaamacada Hargeysa oo maanta laga reebay Liiska hadalka isagoo Gudoomiyihu xusey in ay Sanado badan ka hadlayeen Jaamacada Hargeysa Munaasibadaha noocan oo kale ah ee qalin-jabinta Ardeyda, waxaanu Xusey inaan baratakool jirin oo markii hore xaga dambe la fadhiisiyay haseyeeshee, uu kasoo Kiciyay Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire kadib markii uu Soo galey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo halkii Caadiga aheyd ee madaxda loogu talagaley la fadhiisiyay Sida uu hadalkiisa u dhigay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid. Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu ka hadley Dhambaal Hambalyo ah oo uu u gudbinayo Ardeydii ka Qalin jabisey Jaamacada Hargeysa ee uu maanta la hadli lahaa isagoo carabka ku dhuftey in ay jiraan dad sigaar ah loo keenay Jaamacada Hargeysa gaar ahaan dhiinka oo uu Sheegay in uu yahey ninka ka reebay Liiska hadalka, Dhinaca kalena waxa uu Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Sheegay in ay Warqad Qoraal ah ugudbiyeen maanta Guud ahaanba Maamulka Gobolka Saaxil, iyo Wasaarada Arimaha Gudaha qoraalkaas oo uu ku Sheegayo in ay Xubinimadii Xisbiga Ucid ee Golaha Deegaanka Degmada Berbera ku buuxinayaan Xisbi ahaan Maayaraka iyo Xildhibaanka ku Biirey Kulmiye labadii Xubnood ee cod ahaan kusoo xigay, arintaasi oo uu ku Sheegay Dhinaca Sharciyada in ay u raacayaan, Waxaanu Sidaa ku Sheegay Wareysi taf dheer oo uu Siiyay Shabakada Wararka Hadhwanaagnews, Waxaana kamid ah hadaladiisii. “Waxaan Fursadan uga faa,ideysanayaa inaan halkan Hambalyo uga diro Dhamaanba Ardeydii ka Qalin jabisey Jaamacada Hargeysa ee maanta loo Qabtey Xafladii qalin jabintooda, Jaamacadn Hargeysa anigu waan la kowsadey Foosiya Xaaji Aadan wey igala tashatey Tobankii Dufcadood ee ka baxeyba waan ka Qeyb galey, doorkana waxey aheyd doorkii ay ugu nidaam xumeyd, markaanu soo galey meel aanu fadhiisanaanu weynay Cid na fadhiisisana waanu weynay meel dambe ayaanu iska fadhiisanay, markii dambe Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa soo galey oo naga dambeeyay waxaa la fadhiisiyay halkii madaxdu laheyd ee loogu talagaley, kadibna Sacad Cali Shire ayaa iga soo kiciyay halkii aan fadhiyay oo i fadhiisiyay halkii loogu talagaley Madaxda, kadibna waxaan aragney inaanan kujirin liiska hadalka waxaanay arintani i xasuusey maalin dhaweyd anigoo fadhiya Xafiiska Xisbiga ayaa waxa ii tuimid gabadh yar oo Ardayada ah waxaanay ii Sheegtey in Aabaheed oo kamid ah Saraakiisha Ciidanka Boolisku uu koomo kujiro si safaarada Itoobiya fiisa looga qaado oo Cusbitaal loo geeyo, waxaan soo kexeeyay Waxaan ukeenay Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Taliye Kuxigeenka oo Xafiiskii jooga waan u sheegay arintii wey aqbaleen inantiina waan kaga tagey , marakaan anigu ka tagey ee aan ka baxey Xafiiskii ayaa inantii la qabsadey oo lagu yidhi Maxaad Faysal Cali Waraabe ugu tagtey oo aad usoo kaxeysay oo inantii lagu hadiday”Ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe. Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa ” Waxa waxaa loo sameynayaa Waxey ku Xasuusineysaa in waxa laga cararayaa tahey Waar Madexweyne waxbaa inaga qaldane aan qaladka dalka ka ilaalino aan ka hadalno Shirarka Beelaha , aan ka hadalno intaanay Doorashada gaadhin aynu dalka kawada tashano oo dastuurka kawada hadalno Sharciga dhowrno, aan Guurtida ka hadalo aan ka hadalo Siyaasadeena dibada aan ka hadalno laba iyo Sideetan kursi ee Baarlamaanka, ee uu intuu tow yidhi anagii dacaayad nagu bilaabay waxaan kuu Sheegayaa horta dalka waxaasaa ka socda Madexweynahana haduu sharafta diido oo uu diido inaanu isku nimaadno waxaa iman doonta maalin isagoo Odey Reereed ah in Komishanka la isugu yimaado,hadii Sharciyadii duuduubo uu koox u dhiibo dalkii aan meelna ka soo galin awooda dalka”Ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe. Waxaanu Sheegay in Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi aan Loo Diidin hadalka haseyeeshee, isaga loo jeeday “Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ma aha anigaa la ii jeeday waa lagu sadqeeyay isagana, waxaana loo baahan yahey in Ardeyda Qalin jabisey ay helaan Fariinta Mucaaridka iyo Tahniyada aanu tahniyadeyneyno waa inaanu u sheegno meesha waxa joogay akadamigii aqoonyahankii, ma aha in Jaamacada la afduubo afduubkii umada lagu sameeyay ayaa Jaamacadiina laga sameeyay hadaanu weyno sharaftii iyo maamuuskii aanu dalkan ku laheyn, waxa weeye waxa taagan wixii lagula dagaalamay Maxamed Siyaad Barre eexdiibaa ka socota qabyaaladiibaa ka socota Musuqmaasuqiibaa ka socda cagajugleyntiibaa lagu darsadey dalkani hadaan waxan laga deyna ilaahay balankii waxaan ka baqanayaa in ay nimankani dalka qalalaase galiyaan, arintan cida sameysay waala ogyahey inanka dhiinka ah ee la keenasday oo la yaqaano weeyaan inanku Mareykan ayuu joogay intaasoo qof oo aqoonayahn dalka jooga ayaa gaar loogu yeedhay,waanu garaneynaa cida waxan Sameysay Wasaarada Tacliinta ayay waxani ka yimaadeen ninba meesha uu joogo ayuu siduu doono ka dhigayaa, nidaamkii dowaldnimo iyo siday aheydba waa laga tagey waad aragtaa Tvga Qaranka waxa ka socda ee habeen walba anaga nalaga caayayo, waxaas oo dhamina waxa weeyaan Siilaanyo ayaan talinayan haduu Siilaanyo talinayo waxani ma dhaceen ayaan leeyahey”Ayuu yidhi . Waxa kale oo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Qoraal ay sameeyeen arinta Maayarka Berbera Cabdishakuur Cidin iyo Xildhibaan kale oo katirsanaa labaduba Xisbigooda Mucaaridka ah ee Ucid ee Xaflad Loo Qabtey “Waxaan doonayaa inaan ka hadlo arinta Berbera shaley ka dhacdey anagu qoraal ayaanu qorney waxaanu ku hagaajinay Komishanka, Maxkamada, Wasaarada Arimaha Gudaha, Maamulka Gobolka Saaxil, waxaanu ku badelaynaa labadii Xubnood ee kusoo xigay waxaananu la tiigsaneynaa Sharciga hadii sharciga la aqbali waayo anaguna Sharci ma aqbaleyno, oo wadanka kal dambeyntii iyo nidaamkii ma jiro. Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu ka hadley Miisaaniyada ay Wasaarada Maaliyadu gudbisay isagoo Sheegay in Cashuuraha la kordhiyay libinlaab balse, aanu jirin wax kordhey iyo dhaqaale wadanka yaala midna taas, oo ah been la buunbuuninayo sida uu hadalkiisa u dhigay Waxaanu xusey in Danyarta iyo Gancsatada la saarey culeysyo cashuureed oo aanay Qaadi karin. Gudoomiyaha Xisbiga Ucid waxa uu gabagabadii hadalkiisa ku sheegay in markii ay Mucaaridka ahaayeen isaga iyo Madexweynuhu(Siilaanyo) uu Madexweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin ka Xishoon jirey talaabada maanta ku dhacdey oo kale. Wajaale News Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|