Gudoomiyaha Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka Somaliland Oo Ka Jawaabay Eedayntii Uu U Soo Jeediyey Madaxweynaha Somaliland, Sheegayna In Madaxweynaha Looga Fadhiyo Inuu Baarlamaanka Horkeeno Heshiiska Shirkada Genel. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka Somaliland Oo Ka Jawaabay Eedayntii Uu U Soo Jeediyey Madaxweynaha Somaliland, Sheegayna In Madaxweynaha Looga Fadhiyo Inuu Baarlamaanka Horkeeno Heshiiska Shirkada Genel.
September 15, 2013 - Written by Wariye:

madasha wadatashigaHargeysa(Wajaale News):-gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland mujaaahid Xasan Guure ayaa jawaab ka bixiyey dhaliilo uu u soo jeediyey madaxweynaha Somaliland siyaasiyiinta ku midoobay madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka.

Gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland waxa uu sheegay in madaxweynaha looga fadhiyo inuu ka hadlo xaalada uu dalku ku sugan yahay, isaga oo sheegay inaan madasha wada tashiga iyo toosinta qaranku aanay ka hadal arimaha shirkada Genel Energy waxaanu yidhi ? eeda waxa uu
noogu soo jeediyey inaanu shirkada Genel Energy iyo shirkada Ethiopian Airline aanu been ka sheegnay tagitaankooda, labada midna anagu kamaanu hadal balse imika ayaanu ka hadli doonaa oo aanu soo bandhigi doonaa wixii cadaymo ah ee aanu hayno.? Ayuu yidhi gudoomiyaha madasha wada tashiga mujaahid Xasan Guure oo u waramayey HCTV.

Sidoo kale gudoomyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranku waxa uu sheegay inaan golayaasha sharci dejinta ee dalka iyo shacabkuba aanay ka war hayn nooca heshiiska ay xukuumadu la gashay shirkada Genel Energy, waxaanu madaxweynaha u soo jeediyey in heshiiskaa la hor keeno golaha sharci dejinta Somaliland waxaanu yidhi ?Shirkadii Genel Energy markii ay dalka timid heshiiska ay ku timid muxuu ahaa, heshiisyada qaranka lala galo inta aanu anaga noo jawaabin baarlamaanka ayaa u baahan inuu geeyo wixi heshiis ah ee uu galo ee ha geeyo anaga,shacabka Somaliland iyo xukuumadaba waxa noo dhaxeeya baarlamaanka, baarlamaankana ha geeyo wixii heshiisa ee uu dalku galo, waxaanay ahaayeen wixii aanu Rayaale ku caayi jirnay markii aanu xisbiga Kulmiye ahayn xagay maantana qabteen.?

Gudoomiyaha madasha wada tashiga oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaan la garanayn heshiiska ay shirkada shiidaalku ku timid dalka waxaanu yidhi ?shirkada Genel Energy markii ay dalka timid maanu ogoyn markii dalka ka baxdayna maanu ogayn laakiin imika ayaanu ogaanay wixii ay ku baxday  waxaanay sheegtay inay nabad galyo daro la soo daristay taasna waxaan u malaynayaa inaanay been ka sheegayn oo waynu ognahay ilaa maalintii ay timid ilaa maanta waxa ka taagan,?

Ugu danbayntiina gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranku waxa uu si weyn u dhaliilay masuuliyiinta ugu sareeya qaranka oo dhamaantood ka wada maqan magaalo madaxda dalka Somaliland arintaas oo uu ku tilmaamay mid aan loo baahnayn waxaanu yidhi ? dalka yuu kaga tagay madaxweynuhu, waxaana lay sheegay in wasiirada oo dhami ay raaceen madaxweynaha, waxaana jirta in maalinta uu baxayo madaxweynuhu aanu agaasime ku hadhin xafiisyada dawlada, waxay ahayd inuu arimahan ka jawaabo, maalintii uu dalka yimid ee uu madaxweynaha ka noqday dalkana waxa jiray wadamo badan oo u soo hanqal taagayey inay ictiraafaan somaliland labada dal ee inoogu dhawaana waxay ahaayeen ingiriiska iyo Ethiopia labadii midna ma hayno.? Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka mujaahid Xasan Guure.

 

Wajaale News

Hargeysa Office

wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS