Gudoomiyaha Jimciyada Mujaahidiinta Ee Sooyaal Oo Guddida Bixinaysay Darajooyinka U Soo Jeediyey Dhaliilo La Xidhiidha Darajooyinka Ay Siiyeen Mujaahidiintii SNM, Uguna Baaqay Inay Dib U Eegis Ku Sameeyaan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Jimciyada Mujaahidiinta Ee Sooyaal Oo Guddida Bixinaysay Darajooyinka U Soo Jeediyey Dhaliilo La Xidhiidha Darajooyinka Ay Siiyeen Mujaahidiintii SNM, Uguna Baaqay Inay Dib U Eegis Ku Sameeyaan.
September 15, 2013 - Written by Wariye:

gudoomiya sooyaalHargeysa(Wajaale News):-gudoomiyaha jimciyada mujaahidiinta SNM ee Sooyaal Xasan Cabdi Maxamed ayaa guddida bixinaysa darajooyinka ciidamada somaliland ku dhaliilay habka ay u mareen darajo bixinta ciidamada, isaga oo sheegay inay cadaalo daro badan tirsanayaan mujaahidiintii SNM ee ciidanka ku jira.

Gudoomiyaha jimciyada mujaahidiinta Sooyaal Xasan Cabdi Maxamed oo maanta la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa waxa uu kale oo uu ka hadlay dumar ka tirsanaa ururkii SNM oo cabasho ka muujinaya qaabka loo bixiyey darajooyinka ciidamada Somaliland.

Gudoomiyaha jimciyada mujaahidiinta Sooyaal oo ugu horayn ka hadlaya qaabka loo bixiyey darajooyinka ayaa waxa uu yidhi ?qaabkan darajada loo bixiyey iyo biladaha SNM sugayso wali cabasho ayaa ka taagan , qolada guddida ah ee gacanta ku haysay bixinta darajooyinka waxaanu ku heshiinay inay SNM bilado u keenaan, si biladaas loogu qiimeeyo dadka SNM ku abtirsada ama shicib ha ahaado ama askariye, taana wali waanu ka sugaynaa?

Gudoomiyaha jimciyada Sooyaal oo hadalkiisa sii  wata ayaa sheegay inaan si cadaalad ah wax loogu qaybin ciidamadii ururkii SNM ee ku guulaystay xoraynta dalka iyo askartii ka tirsanaan jirtay dawlada Somaliya waxaanu yidhi ?Lama qiimaynan nimankii ku jiray ururkii SNM  ee darajada qaatay ninkii talaabay 1989 ilaa maantana Ganbadha jooga ee ciidanka Qaranka ka mid ah waxba looma soo qaadin laakiin ninkii dawlada somaliya ka tirsanaa ee Aluf lahaan jiray   waa lagu qiimayey alufkiisii, halkaana guddida aad ayaan ugu dhaliilayaa oo may qiimaynin ninkii ururka SNM ahaa  wadanka Xoreeyey ee dagaalkii uu u soo galay dalka jaamacada u ahaa markaa waxaan leeyahay nimankaa xuquuqdoodii lama marin? ayuu yidhi gudoomiyaha jimciyada mujaahidiinta Sooyaal.

Sidoo kale gudoomiyaha Sooyaal waxa uu ka war bixiyey dumar ka tirsanaa ururka SNM oo ka mid ah ciidamada qaranka kuwaas oo uu sheegay inaan la siin wax darajooyin ah waxaanu yidhi ?saaka waxa ii yimid dumar SNM-ta ka mid ahaa oo milatariga ahaa waxaanay ka cabanayeen inaan la siinin wax darajo ah sida ay ii sheegeene qaarbaa lahaa darajooyinka dawladihii hore, taana waxaan leeyahay taliyaha ciidanka qaranku wax ha ka qabto oo dumarkaana xuquuqdooda ha mariyo oo ha siiyo darajadoodii wixii ay qaban karaana haw diro,?

Gudoomiyaha jimciyada Sooyaal waxa uu u soo jeediyey guddida qiimaynta darajooyinka inay dib u eegaan darajooyinka ay siiyeen ciidamadii SNM ee dalkan xoreeyey, isaga oo tilmaamay in arinta darajooyinku ay culays badan ku hayso jimciyada mujaahidiinta Sooyaal.

 

Wajaale News

Hargeysa Office

wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS