|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Guddida Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Somaliland Oo Faah Faahin Ka Bixisay Kufsi Fariina U Dirtay Madax Dhaqameedka Somaliland.
September 28, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News):-gudoomiyaha guddida xuquul iinsaanka qaranka somaliland Fadxiya Xaaji Xuseen ayaa ka hadashay xukun lagu qaaday dhalinyaro tiradoodu tahay 21 oo lagu soo eedeeyey inay kufsi wadareed u gaysteen laba hablood kaas oo ka dhacay magaalada Hargeysa. Gudoomiyaha guddida xuquuqal iinsaanka qaranka Somaliland waxay ka war bixisay sidii uu dhacay kufsigaasi waxaanay baaq u dirtay guud ahaan dhalinyarada Somaliland oo ay u soo jeedisay inay iska ilaaliyaan falalka la xidhiidha kufsi wadareedka. Sidoo kale waxay sheegtay gudoomiyaha guddida xuquuqal iinsaanka qaranka Somaliland inay dhalinyaradan kufsi wadareedka gaystay ay ku jiraan dhalinyaro ka timid wadamada qurbaha waxaanay tidhi ?waxa ku jira laba wiil oo walaalo ah oo qurba joog ah laakiin xukunka ma laha qurbo joog iyo qaran joog waayo haddii uu qofka fal danbiyeed gaysto sida uu yahay ayuunbaa loogu qaadayaa, waxaanan ku sababayn karaa dhalinyarada oo ay ku badatay balwadu taas oo sabab u ah in falalka noocan ahi bataan.? Sidoo kale gudoomiyaha gudoomiyaha guddida xuquuqal iinsaanka qaranka Somaliland waxay ka war bixisay kufsi wadareed ka dhacay magaalada Hargeysa balse dhalinyaradii loo soo qabqabtay lagu waayey kiiskaasi waxaanay tidhi ? kiiskaasii waxa uu ahaa shan bilood ka hor ayuu dhacay waxaana lagu eedeeyey 18 inamood ka dibna maxkamadu si toos ah ayey u gashay arinkaas inamadaana waa lagu waayey kiiskaas, falkuna wuu dhacay oo inantaas(gabadh) tacadi aad u weyn oo xun ayaa loo gaystay laakiin dadkii loo soo eedeeyey may noqon kuwii gaystay falka sida ay maxkamadu noo sheegtay.?ayey tidhi gudoomiyaha guddida xuquuqal iinsaanka qaranka. Sidoo kale waxay sheegtay inay adeeg caafimaad iyo adeeg sharciyeed ka caawiyaan hablaha loo gaysto kufsi wadareedka waxaanay tidhi ?iyaga iyo kuwo kalaba waxaanu siinaa talooyin , waanad garan kartaa inan ay falalka noocan ah u gaysteen oo 21 wiil ay falkaas oo kale u gaysteen waa la garan karaa dhibaatada ay ku reebi karto dhaqankeena, waxyaabo badan oo ay ka mid tahay dhinaca dhakhtarka iyo sharciga ayaanu ka caawinaa markaa runtii wax badan ayaanu arinkaa kaga hawl galnaa.? Sidoo kale waxay tilmaamtay inaan hada wixii ka danbeeya kufsi wadareedka loo gaysto hablaha aan lagu dhamayn karin dhaqanka waxaanay fariin u dirtay guud ahaan madax dhaqameedka Somaliland waxaanay tidhi ?Arinkaasi wuu jiray oo horeba waa loogu dhamayn jiray markaa maxkamada ayaa arin cad ka gaadhay waxaanan ku hanbalyeynayaa xeer ilaalinta guud oo ka hadashay iyo maxkamada sare oo laftirkeedu ka hadashay arinkaas wax dhaqan ah oo lagu dhamayn karaa ma jirto, oday dhaqameedyadana waxaan ugu baaqayaa inay ka baxaan falalka noocaas ah, waalidiintana waxaan leeyahay ka war haya ubadkiina, dhalinyaradana waxaan leeyahay ha ku ciro qaataan xukunkaas ku dhacay dhalinyaradaa 21-ka ah.?ayey hadalkeeda ku soo xidhay gudoomiyaha guddida xuquuqal iinsaanka qaranka marwo Fadxiya Xaaji Xuseen. Wajaale News COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|