Gudoomiyaha Guddida Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Somaliland Oo Faah Faahin Ka Bixisay Kufsi Fariina U Dirtay Madax Dhaqameedka Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Guddida Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Somaliland Oo Faah Faahin Ka Bixisay Kufsi Fariina U Dirtay Madax Dhaqameedka Somaliland.
September 28, 2013 - Written by Wariye:

gudoomiyaha xuuqul iinsankaHargeysa(Wajaale News):-gudoomiyaha guddida xuquul iinsaanka qaranka somaliland Fadxiya Xaaji Xuseen ayaa ka hadashay xukun lagu qaaday dhalinyaro tiradoodu tahay 21 oo lagu soo eedeeyey inay kufsi wadareed u gaysteen laba hablood kaas oo ka dhacay magaalada Hargeysa.

Gudoomiyaha guddida xuquuqal iinsaanka qaranka Somaliland waxay ka war bixisay sidii uu dhacay kufsigaasi waxaanay baaq u dirtay guud ahaan dhalinyarada Somaliland oo ay u soo jeedisay inay iska ilaaliyaan falalka la xidhiidha kufsi wadareedka.
Ugu horayn gudoomiyaha guddida xuquuqal iinsaanka qaranka oo ka hadlaysa sida uu u dhacay kufsi wadareedka loo gaystay labada hablood ayaa waxay tidhi ?Kufsigani waxa uu ahaa kufsi wadareed waxaanu ku dhacay  laba hablood kuwaas oo si afduuba goor habeenimo ah looga kaxaystay meel u dhaw gurigooda waxaanay u gaysteen kufsi wadareedkaasi foosha xun, markii uu dhacayey xukunka lagu qaaday inamadii gaystay kufsi wadareedkan waanu joognay guddida sare ee xuquuqal iinsaankana waxa ka joogay sadex xubnood kiiskaani intii uu socdayna il dheeraad ah ayaanu ku haynay xukunkana goob joog ayaanu ka ahayn, inamadaasina way heleen qareeno u dooda wax alaala wixii loo baahnanaa waa la helay.?ayey tidhi gudoomiyaha guddida xuquuqal iinsaanka oo u waramaysay BBC-da.

Sidoo kale waxay sheegtay gudoomiyaha guddida xuquuqal iinsaanka qaranka Somaliland inay dhalinyaradan kufsi wadareedka gaystay  ay ku jiraan dhalinyaro ka timid wadamada qurbaha waxaanay  tidhi ?waxa ku jira laba wiil oo walaalo ah oo qurba joog ah laakiin xukunka ma laha qurbo joog iyo qaran joog waayo haddii uu qofka fal danbiyeed gaysto  sida uu yahay ayuunbaa loogu qaadayaa, waxaanan ku sababayn karaa dhalinyarada oo ay  ku  badatay balwadu taas oo sabab u ah in falalka noocan ahi bataan.?

Sidoo kale gudoomiyaha gudoomiyaha guddida xuquuqal iinsaanka qaranka Somaliland waxay  ka war bixisay kufsi wadareed ka dhacay magaalada Hargeysa balse dhalinyaradii loo soo qabqabtay lagu waayey kiiskaasi waxaanay tidhi ? kiiskaasii waxa uu ahaa shan bilood ka hor ayuu dhacay waxaana lagu eedeeyey 18 inamood ka dibna maxkamadu si toos ah ayey u gashay arinkaas inamadaana waa lagu waayey kiiskaas, falkuna wuu dhacay oo inantaas(gabadh) tacadi aad u weyn oo xun ayaa loo gaystay laakiin dadkii loo soo eedeeyey may noqon kuwii gaystay falka sida ay maxkamadu noo sheegtay.?ayey tidhi gudoomiyaha guddida xuquuqal iinsaanka qaranka.

Sidoo kale waxay sheegtay  inay adeeg caafimaad iyo adeeg sharciyeed ka caawiyaan hablaha loo gaysto kufsi wadareedka waxaanay tidhi ?iyaga iyo kuwo kalaba waxaanu siinaa talooyin , waanad garan kartaa inan ay falalka noocan ah u gaysteen oo 21 wiil ay falkaas oo kale u gaysteen waa la garan karaa dhibaatada ay ku reebi karto dhaqankeena, waxyaabo badan oo ay ka mid tahay dhinaca dhakhtarka iyo sharciga ayaanu ka caawinaa markaa runtii wax badan ayaanu arinkaa kaga hawl galnaa.?

Sidoo kale waxay tilmaamtay inaan hada wixii ka danbeeya kufsi wadareedka loo gaysto hablaha aan lagu dhamayn karin dhaqanka waxaanay fariin u dirtay guud ahaan madax dhaqameedka Somaliland waxaanay tidhi ?Arinkaasi wuu jiray oo horeba waa loogu dhamayn jiray markaa maxkamada ayaa arin cad ka gaadhay  waxaanan ku hanbalyeynayaa xeer ilaalinta guud oo ka hadashay iyo maxkamada sare oo  laftirkeedu ka hadashay  arinkaas wax dhaqan ah oo lagu dhamayn karaa ma jirto, oday dhaqameedyadana waxaan ugu baaqayaa inay ka baxaan falalka noocaas ah, waalidiintana waxaan leeyahay ka war haya ubadkiina, dhalinyaradana waxaan leeyahay ha ku ciro qaataan xukunkaas ku dhacay dhalinyaradaa 21-ka ah.?ayey hadalkeeda ku soo xidhay gudoomiyaha guddida xuquuqal iinsaanka qaranka marwo Fadxiya Xaaji Xuseen.

Wajaale News
Hargeysa Somaliland Office
Contect:Wajalenewa@gmail.com

COMMENTS
LINKS