Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Oo Jawaab Ka Bixiyay Arday Mudaharaad Ka hordhigay Jaamacadda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Oo Jawaab Ka Bixiyay Arday Mudaharaad Ka hordhigay Jaamacadda
September 22, 2013 - Written by Wariye:

Guddoomiyaha-Jaamacadda-Hargeysa-300x298Hargeysa (Wajaale News)-Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Dr Cabdi Xuseen Gaas, ayaa jawaab ka bixiyay mudaharaad ay maanta qaar ka mid ah ardayda Jaamacaddu ka dhigeen barxadda hore ee dhismaha Jaamacadda, taasi oo ay kaga cabanayeen wax ay ku tilmaameen lacago lagu kordhiyay Fee-ga Jaamacadda.

Guddoomiye Prof. Gaas oo la hadlay saxaafada ayaa jawaab ka bixiyay cabashada qaar ka mid ah ardaydu sameeyeen, waxaanu yidhi “Arday aad u yar ayaa ka cabanaysaa wixii aanu ardayda ka qaadaynay oo aanu kordhinay, su’aasha meesha imanaysaa ayaa ah, maxaad u kordhisay, sidee u kordhisay, maxaad ku kordhisay? Ardaydii sannadkii hore dhammaystay sida ardayda jaamacada kale-ba 200 oo dollar ayey ku bilaabeen sibistarkii.”

“Labadii boqol ee dollar ayuun-baanu nidhi ha lagu wado oo aanay soddon dollar ama dhowr iyo soddon dollar hoos u dhicin si nidaamka cusub ee jaamacada ee aanu wadno iyo in tayada tacliinta loo xoojiyo,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Prof. Cabdi Xuseen Gaas.

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in tallaabadan oo ay u qaadeen kamaaran-waa, waxaanu ku dooday inay dejiyeen qorsheyaal kor loogu qaadayay tayadda tacliinta jaamacadda oo macalimiin waaweyn la keenay.

Haseyeeshe, mudaharaadka ardaydaas waxa dejisay isla markaana u ballan-qaadday inay maamulka Jaamacadda Hargeyska kala hadlayso arrintan Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo kooxdaas ardayda ah ugu tagtay Jaamacadda Horteeda oo ay taayirro ku gubeen.

COMMENTS
LINKS