“Golahayaga Guurtida Xiligii Uu Hogaaminayey Sheekh Ibraahin Sh.Yuusuf Sh. Madar Waxa Uu Ku Shaqayn Jiray Dhaqan Iyo Sharci Dejin, Labadii Midna Ma Hayno” Guddoomyaha Gudida Nabadgelyada Guurtida Axmed Muuse Obsiiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Golahayaga Guurtida Xiligii Uu Hogaaminayey Sheekh Ibraahin Sh.Yuusuf Sh. Madar Waxa Uu Ku Shaqayn Jiray Dhaqan Iyo Sharci Dejin, Labadii Midna Ma Hayno” Guddoomyaha Gudida Nabadgelyada Guurtida Axmed Muuse Obsiiye
September 20, 2013 - Written by Wariye:

Axmed Muuse ObsiiyeHargeysa, -(Wajaale News) – Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Gudaha iyo Nabad-gelyada Guurtida Axmed Muuse Obsiiye ayaa sheegay inay jiraan 21 dhacdo oo isugu jira dilal iyo iskudhacyo beeleed oo dalka ka dhacay aan ilaa hadda wax xall ah laga gaadhin, isla markaana aanu jirin xidhiidh wadashaqayneed iyo isku xidhnaan ka dhaxaysa golahooda iyo xukuumadda, kaas oo intaa ku daray in markii golahooda ay ka geeriyoodeen Guddomiyahoodii hore Marxuum Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar iyo guddoomiye ku xigeenkii kowaad Marxuum Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure doorkii xil gudasho ee golahoodu ku lahaa qaranka uu hoos u dhacay.

Guddoomiyaha gudidaasi Md Obsiiye oo shalay Wargeyska Haatuf xogwaran kooban siiyey ayaa sidoo kale sheegay in talaabadii

golahoodu guddoomiyaha ugu doortay Saleeban Maxamuud Aadan uu isagu lahaa soo jeedintaas, balse wixii shaqo gaabis ah ee ka yimi uu isagu dambigeeda leeyahay. Md Obsiiye oo ka hadlaya arimahaasi waxaa uu yidhi “Xukuumadda iyo golaha Guurtidu iskuma xidhna wax xidhiidh ahina kama dhexeeyo waxaanu haynaa 21 dhacdo oo isugu jira dilal iyo isku dhacyo beeleed mid keliya oo wax laga qabtay ma jirto beelahii Qori- lugud iyo Buuhoodle shaqaaqadii Kalshaale ka dhacday lama heshiisiin 12 dil oo Caynaba iyo Oog inta u dhaxaysa ka dhacayna waxba lagama qaban, golahayagiina meel kasta xukuumaddii baa nooga dheeraynaysa oo shaqadayadii ayay moorsatay”

Md Obsiiye mar aanu waydiinay in golahooda Guurtidu mudadii uu ka geeriyooday Marxuum Sheekh Ibraahin lagu tilmaamo golahooda mid xilgudashadiisi hoos u dhacday waxaa uu yidhi “Horta arinkii guddoomiyaha Saleebaan loogu doortay hogaaminta golaha taa anigaa dambigeeda leh oo waxaan ahaa guddoomiyihii u ololeeyey in loo doorto jagadaasi marxuum Sheekh Ibraahin ka geeriyooday, Sheekh Ibraahim iyo Saleebaana waxay kala yihiin laba nin oo aan lays bar bar dhigi Karin golahayaguna xagii hogaaminta agoon buu ka yahay Sheekh Ibraahin iyo Sheekh Axmed Nuux waxay nagu hogaamin jireen dhaqan, kitaab iyo gole sharci dejineed ayuu ku shaqayn jiray golahayagu labdii arimoodna maanta midna ma hayno, labadaa nina way naga geeriyooden xitaa xeer hoosaad ma lihin”.

Wajaale News
Hargeysa Office
wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS