Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa Oo Cod Aqlabiyada Ku Meel Mariyey Ajandaha Kal-fadhiga 3aad Ee Golahaasi Oo Si Rasmiya U Furmay Iyo Qodobada Uu Ajanduhu Ka Kooban Yahay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa Oo Cod Aqlabiyada Ku Meel Mariyey Ajandaha Kal-fadhiga 3aad Ee Golahaasi Oo Si Rasmiya U Furmay Iyo Qodobada Uu Ajanduhu Ka Kooban Yahay
September 22, 2013 - Written by editor

 

 

Hargeysa(WJN):-Kalfadhigii 3aad ee Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta Dawlada Hoose ee Magaalada Hargeysa.

Kalfadhigan oo uu shirgudoominayey Duqa Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan SOLTECO) oo uu wehelinayey Maayar Kuxigeenka Caasimada Hargeysa Cabdicasiis Cagaweyne ayaa waxa ka soo xaadirey 19-Mudane oo ka tirsan 25-Xildhibaan ee Golaha deegaanka Caasimada Hargeysa ka kooban-yahay,waxaana mudanayaasha Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa loogu qeybiyey ajandeha kalfadhiga 3aad ee Golaha Wakiillada.

Maayarka

 


Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan SOLTECO) oo furitaankii kalfadhiga ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inuu maanta si rasmi ah u furmay kalfadhigii 3aad ee Golaha deegaanka Caasimada,waxaanu xusay inuu  Xildhibaanada Golaha deegaanka loogu qebiyey ajendaha kalfadhiga 3aad ee Golahaasi, kadib cod gacan-taaga oo ay u qaadeen anjendaha waxay xildhibaanada Golaha deegaanku cod aqlabiyad ah ku meel-mariye ajandaha kalfadhiga 3aad ee golaha deegaanka Caasimada Hargeysa. Waxa ogolaaday inuu ansaxo 19-Xildhibaan oo Golaha deegaanka Maayarkuna muu codeyn, hal xildhibaana uu ka aamusay sidaanaa waxa ku ansaxay ajendaha kalfadhiga 3aad ee Golaha deegaanka Caasimada Hargeysa, Qodobada uu ka koobna ajendaha kal-fadhigu waxay kala ahaayeen sidan:

Ajandaha Kalfadhigan 3aad ayaa waxa uu ka kooban yahay

1.       Xeer hoosaadka Golaha Deegaanka

2.       Qaab dhismeedka Dawlada Hoose

3.       Gobonimo

4.       Public Private Partnership (PPP)

5.       Ansixinta go?aamadii fulinta iyo Joogtada

6.       Tacriifada.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

CONTACT US: Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS