Fadeexada ka dhacday madaarka Hargaysi waa tii aduunka ugu xumayd waxaana madaxweyne Siilaanyo!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fadeexada ka dhacday madaarka Hargaysi waa tii aduunka ugu xumayd waxaana madaxweyne Siilaanyo!!!
September 12, 2013 - Written by editor

Ka dib waxaa dhawaan dowlada Kuwait ay inoogu deeqeeqday lacag tiradeedu aheyd $10 milyan oo dollars.

Si aynu meelaha muhiimka ah ee dadweynaha noloshooda saameynta ku leh wax looga qabto, sida biyaha, wadooyinka, madaarada,IWM. waxa kale oo iyana la filaayey in wali mucaawimada dowladahaasi sii socdaan, balse nasiib darada ugu weyn waxaa weeyey xukumad ku sheegta uu siilaanyo hogaamiyo oo xadhkaha musuqmaasuqa goosatey, sababtoo ah waxaa jirta in ninkii dalka loo doortey uu isagu xalaaleeyey in cidkasta ay waxey doonto lunsato, taasina waa ta maanta keentey in uu wasiiradiisu lacagtey doonaan cunaan cidina waxba weydiin, tusaale ahaan, wasiirka madaxtooyadu waxa uu maamulaa sharkado iyo hey’ado aanu awood ahaan shaqo ku laheyn balse ah in maamulkii iyo dowladnimadii la galiyo qaraabo kiil, wasiirka maaliyada isna waxa uu lunsadey malaayiin dollars, oon cidi waxaba weydiin, waxsi oo dhana waxaa masuuliyadeeda leh waa madaxweynaha lagu hungoobey ee siilaanyo.

Hadaba arinta ugu foosha xun een abdi xitaa wadamada ay ka taliyaan kaligood taliyaasha aduunku kama dhacdo in qof ama masuul si cad u xalaashado hanti qaran, waa wax runtii murugo xanaabrsan in madaarka hargeysa oo loo qoondeeyey lacag ka badan $5 milyan dollars in ay maanta la yidhaado waa hungo madhan, waana wax loo baahanyey in ay ummada somaliland ama reer hargeysa arintaasi ka dhiidhiyaan.

Codsigeygu waxaa weeyey, culumo-diinka, aqoonyahanka, dhalinyaradaba, arintan waa arin xun oo dalkii, sumcadiisii iyo dhaqaalahiisba la burburiye, markaasi waa in aydaan waxba xeerin, ee waa in aad miidaanka keentaan, wasiirka duulista iyo madaxweyne ku sheega siilaanyo, sababtoo, ah wax uu xitaa mugdi galiyey maanta mustqabalkii dadkan iyo dalkan, mana jiri doonto cid danbe oo shilin lacag ah somaliland siisaa, sababtoo ah tii la siiyey ayaa la iska leexsadey, xitaa Ethiopiankii ayaa sheegey oo yidhi lacagtii waa la xadey, nin madaxweyne sheeganaya ee dulmigaasi iyo tuugnimadaasi difaacaya maanta ee guriga uu dhex fadhiyo kaasi la joogaa cidhib malahan isga iyo waxa la joogaaba ee waa in dalka laga qabtaa, wax kasta ha ka dhacaan yaan ummada xoolaheeda lagu xalaashan nabad been ah oo hantidii ummadu laheyd lagu xalaashey, ardeyda jaamacadaha iyo iskuuladu waa in ay ku baaqaan mudaharaado ceebta siilaanyo lagu bidhaamiyaa,

WQ: Tahir hussein(xumandiid)

Email:waayo_aragman@yahoo.com

COMMENTS
LINKS