|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
WAJAALE NEWS
ENG: Maxamed Xaashi Cilmi oo Warbixin uu soo saaray Ku Naqdiyay In Khayraadka Dalku Dihin Yahay Balse Tamar la,aan Dawlada Dadkuba Ay Jirto;;;;;
September 23, 2013 - Written by editor
D)
22/9/2013Waxa in badan la sheegaa, in SOMALILAND SABOOL TAHAY. MA DALKAA KHAYRAADKU KU YAR-YAHAY mise, DAWLADDAAN TAMAR LAHAYN? Arrintan marka loo kuur-galo, waxa innoo caddaan ah halka cilaaddu tahay. Bal aan ku horeyno xaaladda dhaqaale ee Dalka.A) KHAYRAADKA DALKU, wuu badan yahay, Waxa ka mid ah:- 1. Xoolaha nool ( geel, lo’ iyo adhi ), oo ah laf-dhabarka dhaqaalaha ee Maanta. 2. Macdan iyo petrol buu leeyahay weli DIHIN . 3 Wuxu leeyahay Bad Xeeb dheer 850 km. oo KALUUN badan kujiro. 4. Dhul-beereed aan la intifaacsan oo badan ayaa jira. 5.Dhuxul dhagax buu leeyahay weli DIHIN.
Xaaladda Dhaqaale ee Maamulkani dhaxlay, August 2010 waxa ay ahayd khasnad madhan:- Xisaabta Dawladda dhexe a/c 08, oo madhan. Xisaabta dawladda Hoose a/c156, oo madhan. Xisaabta 2% ee horumarinta gobolada Bari oo madhan. Xisaabta Hay’dda wadooyinku (SRA) oo madhan. B) Dhinaca dakhliga; Cashuurta la qaaday, Muddadii Madaxweyne Axmed, Aug 2010 ilaa 2013. Waxa ay inno iftiimin xaqiiqda dhabta ah ee tilmaamaysa in cashuurta la qaaday aad u yarayd 16%. Waxa isweydiin leh, maxaa sababtu tahay? Cashuurta berriga ee DIHIN markaa waa 84%. Sida shaxdan ka muuqata.
C ) Cashuuraha kale ee DIHIN:
D) Cashuuro mugg leh ee DAA-YACAN: 1. Macdanta iyo Petrolka. 2. Is-gaadhsiinta. 3. Xawaaladaha. 4. Kaluunka. 5. Cashuurta qaadka 6. Cashuurta berriga 84 %. Aan soo xeroon. 7. Xoolaha dhoofka. 8. Dekedaha. 9. M/Macaashka shirkadaha Ganacsatada. 10. Hay’adaha. 11. VAT. Hotelada waa-weyn. 12. Madax iyo M/Xige, loo isticmaalo DANO KA DUWAN talagalkii, oo aan Goluhu ansixin. MIISAANIYADDA DALKU, WAXAY GAADHI SANNADKII AMA KA BADAN $ 500 Milyan. CILLADDU MAXAY TAHAY ? Dal waxa lagu hogaamiya Dastuur iyo sharci. Madaxda J.S.L. Waxa ka GUURTAY QARAN. Waxa ay u GUURTAY QABIIL. Qabiilkuna wuxu u adeegaa danaha Gaarka ah. Sidaa darteed, Dhibaatada Dalka haysata waxa sal u ah Qabiil xambaarsan: Eex, Musuq-maasuq, maamul xumo, Karti darro iwm. Bal aan dhawr tusaale soo qaato; 1. Warshadii sibidhka oo shaqo badan laga kasbi lahaa, waxa ay muddo dheer u fadhidaa, dhawr qof, oo sad-bursiimo isku haya. Khayraadka Dalka sida sharcigu dhigayo, Ummadda Somaliland way u siman tahay. Waxa haboon in saamiyo (shares) dadweynaha laga iibiyo. 2. Tirada Lix iyo affartan (46) wasiir oo mushahar koodu yahay sannadkii $ 877,299 Dalku uma baahna. Kow iyo soddon Cagaf-cagaf oo biyo-xidheeno iyo beero lagu qodo ayaa ka mudda karsan Kow iyo soddonka wasiir. Hawsha xukuumadda waxa ku filan Shan iyo toban (15) wasiir. 3. Kala xadeynta Gobolada iyo Degmooyinka, waxa xukuumaddu uga meeraysanaysaa waa reero iyo karti-darro. 4 Ku tagrifalka Haantida Qaranku waxa ay iyana salka ku haysaa waa Qabiil. 5. Shirkaddii petrolka ee dhowaan dalka ka guuray, waxa sababay qabiil. 6. Qandaraas yada qaar baan “Tender” lagu bixin. Fadeexadda dhismaha madaarka Cigaal ee Hargeysa, waxa sababay waa qabiil. Xukuumadda hawlo badan baa u yaal oo ay ka mid yihii:- 1. Civil Registration iyo Voter Registration”, si doorashadu u qabsoonto wakhtigeeda. 2. Tahriibka dhaliyaradu ku le’atay iyo hooyada ciqaabtu u dhamaatay, ayaa mudan wax ka qabad. Dhakhso ah. 3. Shaqo abuur, looga faa’ideeyo dhalin-yarta iyo waayeelka shaqa la’aantu dishootay. 4. Daryeelka shaqaalaha iyo ciidamada. 5. Ku dhaqanka sharciga Dalka iwm. ISKU SOO DUUB, DHIBAATADA U WEYN EE DALKU WAA QABIIL iyo MAAMUL ka lunsan dhabadii toosnayd. Kor waxa aan ku soo xusnay in cashuura badani DIHIN yihiin 84%. Waxa loo baahan yahay habkii lagu soo ururin lahaa, ee looma baahna Cashuur cusub oo la saaro Xooliha dhoofaya iyo gaadiidka. Waxa la yaab leh, halka wasiirka Madaxtooyadu la marayo Xukuumaddii Dalka. Wuxu wasiirku dhowaan warbixin ka jeediyay G/Wakiilada. Wuxu ka war-bixiyay Wasaradaha iyo Ha’yadaha Dawladda. Waa arrin ka baxsan Protocolka in wasiiro iyo maareeye jooga magaalada uu wasiirka madaxtooyadu ka war bixiyo, hawlihii Madaxweynuhu iyaga u igmaday. Waxa Iyana ka sii yaab badan; war-bixinta uu wasiirka madaxtooyadu golaha u jeediyay, waa tii madaxweyne jeedin lahaa. Shirguddoonkii goluha iyo xil-dhibaanadii la soo doortay may odhan wasiirka, ku ekow wasaaraddaada. Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku labaduba magaaladay joogeen markaa uu war-bixinta jeedinayo. Mudane Madaxweyne Axmed, Dalkan waa loo soo halgamay, dad iyo maal ba waa loo huray. Talo iyo Toosin aad baa maanta loogu baahan yahay. “Maxay idin la tahay” ma aha wax culus. Dariiqa Xukuumaddu haysaa ma aha mid toosan. Ma haboona inaad dadkii soo halgamay, u nisbayso inay tacab kooda khasaare la rabaan. Cidi noogama lexejeclo badna Dalka. ALLAA MAHAD LEH.
Eng. Maxamed Xaashi
COMMENTS
|
LINKS
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|