Eng: Faysal Cali Waraabe Iyo Mujaahid Cali Guray Oo Taageersan Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka Ayaa U Muuqda Siyaasiyiinta Mucaarid Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Eng: Faysal Cali Waraabe Iyo Mujaahid Cali Guray Oo Taageersan Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka Ayaa U Muuqda Siyaasiyiinta Mucaarid Ah
September 5, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa(Wajaale News):-gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Ucid Eng:Faysal Cali Waraabe iyo Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ah gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbigaas Ucide  ayaa noqday mucaaridka ugu adag ee ka soo hor jeeda xukuumada Somaliland ee uu hogaaminayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa hadyo jeer xukuumada u soo jeediya dhaliilo is barkan iyada oo ay xukuumadu inta badan ka war wareegto inay si toosa uga soo jawaabto eedaha kala duwan

ee uga imanaya hogaanka xisbiga mucaaridka ah ee Ucid.

Gudoomiye xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa sidoo kale ka mid ah siyaasiyiin miisaan culus leh oo ku bahoobay madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka taas oo inta badan ay xukuumada kaga yimaadeen dhaliilo tira badan oo ay u soo jeediyaan siyaasiyiinta ka tirsan madashaas kuwaas oo inta badan xukuumada ku haya weerar culus oo mucaaridnimo ah taas oo aanu madaxweyne Siilaanyo la kulmin labadii sano ee u horeeyey ee uu xilka hayey, iyada oo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng:Faysal Cali Warabe uu dhinaciisa weerar ba?an oo mucaaridnimo ah ku  hayo xukuumada uu hogaanka u hayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa  haatan u muuqda mucaaridka  ugu adag ee ka soo hor jeeda xukuumada kaas  inta badan dhaliilo tiro badan u soo jeedinaya hogaaminta madaxweyne Siilaanyo isaga oo dhawaana waraysi ay la yeelatay shabakada Hadhwanaagnews ku sheegay inuu madaxweyne Siilaanyo ku fashilmay hogaaminta dalka  isaga oo tilmaamay inuu hore-na ugu fashilmay hogaamintii ururkii ku guulaystay xoraynta dalka ee SNM.

Gudoomiye xisbiga Ucid ayaa sidoo kale dhaliilaha kala duwan ee uu madaxweynaha u soo jeediyo ku sheega inaanay madaxweyne Siilaanyo gacanta ugu jirin talada qaranka ee isaga loo doortay, isaga oo tilmaama in qaar ka mid ah golihiisa wasaarada gaar ahaan wasiirka wasaarada madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan  uu la wareegay awoodii loo doortay madaxweyne Siilaanyo ee hogaaminta qaranka.

Faysal Cali Waraabe waxyaabaha uu sida weyn ugu eedeeyo xukuumada ayaa waxa kale oo ka mid ah dhinaca musuq maasuqa isaga oo sheegay in musuq maasuqa lagu lunsanayo hantida dalka ee umada ka wada dhaxaysaa ay  marayo meeshii ugu saraysay, isaga oo dhinaca kalana ku eedeeya inay xukuumadi tahay mid soo noolaysay qabyaaladii ay shacabka Somaliland waa hore iska dhaafeen, waxaanu madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey in shaqaalaha uu beeshiisa u qoray mudadii uu xilka hayey ay ka badan tahay inta loo qoray shacabka Somaliland ee kale.

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray ayaa isaguna ka mid ah siyaasiyiinta mucaaridada ugu adag la hor taagan xukuumada, isaga oo soo bandhiga inta badan dhaliilaha ay leedahay xukuumadu.

Sidoo kale mujaahid Cali Maxamed Yuusuf  waxa uu si buuxda u taageeray madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka  oo  siyaasiyinta ku jiraa ay mucaaridad xoogan ku hayaan xukuumada waxaanu  xukuumada madaxweyne Siilaanyo  inta badan ku  eedeeyaa inay tahay xukuumadii ugu liidatay ee soo marta shacabka Somaliland wixii ka danbeeyey dib ula soo noqoshadii madax banaanida qaranka ee lagu dhawaaqay sanadkii 1991, isaga oo sida gudoomiye Faysal madaxweynah  ku tilmaama mid aanay taladu farahiisa ku jirin isla markaana ay u gacan gashay shakhsiyaad  aan loo dooran hogaaminta qaranka.

Sidoo kale Cali Guray waxyaalaha ugu muhiimsan ee xukuumada madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilo ayaa waxa ka mid ah isaga oo ku eedeeya inay tahay xukuumadii ugu horaysay ee Somaliland soo marta taas oo looga shakiyo madax banaanida somalilane, waxaanu si weyn u dhaliila shirarka ay xukuumadu la gasho dawlada fadaraalka ee somaliya, kaas oo intii madaxweyne Siilaanyo xukunka qabtay markii ugu horaysay la furay wada hadalo la xidhiidha mustaqbalka labada dal.

Inkasta oo aan halkan lagu soo koobi karin dhaliilaha faraha badan ee gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo mujaahid Cali Guray u jeediyeen xukuumada madaxweyne Siilaanyo ayaa hadana waxay u muuqdaan inay ilaa hada yihiim mucaaridka ugu adag ee xukuumada ka hor jeeda, iyaga oo waliba taageero iyo ka mid noqosho la garab taagan madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka oo ah mid ay ku midoobeen siyaasiyiin magac ku dhex leh shacabka Somaliland kuwaas oo iyaga laftooda mucaaridad adag kala soo horjeeda xukuumada madaxweyne Siilaanyo.

 

Wajaale News

Office Hargeysa /Somaliland

COMMENTS
LINKS