Diyaaradda Ethiopian Airline Oo Markii Labaad Hakad Gelisay Duulimaadkeedii Hargeysa Iyo Rakaabkii U Diiwaan-gashanaa Oo Hor Tuban Xafiiskooda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Diyaaradda Ethiopian Airline Oo Markii Labaad Hakad Gelisay Duulimaadkeedii Hargeysa Iyo Rakaabkii U Diiwaan-gashanaa Oo Hor Tuban Xafiiskooda
September 9, 2013 - Written by editor

Waa Yaabe Wasaaradii Duulista Hawadda Somaliland Maxay Uga Amusan tahay Waxa Ku Dhacaya Rakaabkii Diyaaradda Ethiopian Airline

Hargeysa (WJN) – Diyaaradda Rakaabka ee Ethiopian Airline ayaa maalintii labaad aan soo cago dhigan Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa, kaas oo saamayn xoogan ku yeeshay rakaabkii diyaaradaasi u diwaangashanaa in ay u sii raacaan Magaaladda Adis Ababa Ee Xarunta dalka Ethiopia.

Si dhab ah looma oga sababta ay diyaaradaasi duulimaadkeedii u hakisay iyada oo ay noqonayso markii labaad ee ay joojiso, iyada oo todobaad uun ka hor ay ku beegnayd markii maalin keli ah laga war helay in ay hakisay duulimaadkeedii Hargeysa.

Rakaabka diyaaradaasi ayaa maalintii labaad hor tuban Xafiiska ay shirkadaasi ku leedahay Hargeysa, kuwaas oo rajo ka qaba in ay mar uun u raacaan diyaaradaasi halkii uu duulimaadkoodu ku eekaa.

Xafiiska Shirkadaasi oo aanu goor dhaweyd booqanay si aanu xog-ogaal ugu noqono bal waxa ka socda meesha ayaa gabi ahaanba qufulnaa, noomaynay suurtogelin in aanu la kulano cid ka tirsan shirkadaasi.

Qaar ka mid ah rakaabkii diyaaradaasi u diiwaangashanaa oo aanu isku daynay in aanu waraysiyo ka qaadno ayaanay noo suurtogelin, waxaanay gabi ahaantoodba ka gaabsadeen in ay wax ka yidhaahdaan dhibaatadda la soo deristay.

Wasaaradda Duulista Hawadda iyo gaadiidka Cirka oo iyadu hore u shaacisay In ay dhamaystirtay Dayactir lagu sameeyay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ayaan wax war ah ka soo saarin waxa ku dhacay Diyaaradda Ethiopian Airline.

COMMENTS
LINKS