Dharaaro Xusuustood Qormadii 7aad ee Prof.Gees | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dharaaro Xusuustood Qormadii 7aad ee Prof.Gees
September 3, 2013 - Written by editor

Dharooro xusuustood 7
Xasanaw xoolodhaqasho iyo markaad xilli ka weynaatid
Saw dharaaro tegay xasuustood dib uma soo gocatid

gees
Aniga oo ah Wasiirka Qorshaynta iyo Isku dubariddida ee Jamhuuriyadda Soomaaliland sanadadii (1997—1999) ,ayaa arooryo si lama filaan ah Madaxweyne Cigaal iigu yeedhay oo yidhi “ Geesaw bal galabta ii keen wixii odayaal Warsangli magaalada jooga aan la sheekaystee”.Galabtii ayaan ilaa toban oday oo kuwii ganacsada ahaan jray oo hadda magaalada iska joogaa oo aan wax hayn, ayaan ugu keenay madaxtooyada oo fadhi loogu diyaariyey. Halkii ayaa Berbera iyo waayo laga sheekaystay . Waxa ku jiray rag garanaayay Xaaji Ibraahim Cigaaln oo la ganacsan jiray , waa (ina Xaadhxaadhato )Madaxweynaha aabihii.
Cigaal ayaa sheekayey oo yidhi ,waxa war ii keenay wardoonka oo yidhi nin Hawiye ah ayaa bakhaar ka furtay magaaladan Hargeysa , ninkaasi oo iibsadaa hubka.Qolada warka ii kentay waxa ay u arkayeen in ay arrin dhiilo ah tahay . Aniguse waxa aan ku idhi waa war yididiilo leh. Hawiye maahe waxan jeclaan lahaa in Hindi iyo Carabiba ay meherado ka furato Hargeysa ,taas oo yididiilo u ah nabadda dalku gaadhay. Dhinaca iibsashada hubka waxan ka iri waar ka iibsha ka dawladana ,qorigii inaka tagaaba ,waa nabad inoo soo korodhay. Kaaf iyo kala dheeri aragtidaas iyo madaxa Soomaaliya ee meel walba u tegay cunqabtaynta hubka ha nagala qaado ee hubka cusub raadsanaysa.
Waxa culumada cilmi naftu( Psychologists) xaqiijiyeen ,in haddii qorigu kaa ag dhaw yahay ,isticmaalkiisuna waa fudud yahay . Waxay si farshaxanleh u sheegeen ,farta ayaa keebka jiidda marka la ridayo qoriga hadda keebkuna farta waa uu soo jiitaa markiisa oo qorigu wuu isridaa. Beryahan dambe wax magaalada ku soo badanaya dilal toogasho ah ,tolaw ma qorigii ayaa dib la inoo ku soo celiyey.
Waxa aan xusuustaa, markii sanadkii 1993 ,anaga oo ergo ah aan tegnay magaaladii Ceerigaabo oo Beelihii Hartigu ka maqan yihiin , ayaanu aragnay ragii oo budh wada sita. Markii aan weydiinay qoladii Musa Ismaaciil ( Habar Yoonis ) sabata ku kaliftay qaadashada waxan oo budh ah oo weliba ay jiraan dukaamo lagu iibiyo budhaadhku .Waxay noogu jawaabeen: Markii aanu ku kelyaaysanay magaaladii qorgii waxa uu nagu noqday dhibaato . Labadii isqabtaaba kaw ,xabad ayaa la isku dhiftay . Dilkii ayaa batay ,waxa aan doorbidnay in la isbudheeyo oo an la istoogaan oo qorigii ayaan iska fogeynay. Sidaas ayaa budhadhku u bateen oo hadda waa isbudhaynaa!!. Arrin macquul ah ayey u ekaatay oo Cilmiga psychologyga la socota..
Haddii aan ku soo noqono fadhigii Marxuun Cigaal iyo odayaashi Warsangeli. Waxa dhacday in oday ka mid ahaa odayaashu, uu Madaxweyne Cigaal u sheegay inuu Hargeysav ku lahaa
warshad saabuuunta samaysa . Warshaddii burburkii ay raaacday oo waa la fadhataystay. Gidaaradii ayuunbaa ka hadhay . Hase yeeshee meeshii cidbaa haysataa . Maxkamadihii oo dhami aniga ayey ii xukumeen oo waraaqihii haysta,ayuu yidhi. Isla markaas ayuu fayl Marxuun Cigaal u dhiibay. Cigaal faylkii ayuu aad u akhriyey ,deeto waxa uu yidhi ,” Dee arrintani waa dhan tahay ee maxaa jir?” Odaygii waxa uu yidhii “ waa dhan tahay ,waxa dhiman fulintii, markii aan u tegay taliyihii qaybta booliska ee lahaa inuu fuliyo go’anka maxkamada,waxa uu igu yidhi nin reer Sheekh Isaxaaq ciidan ku saarimaayo.” Cigaal intuu cadhooday ayuu ku dhawaaqay “ Aabahaa iyo reer sheikh Isaxaaq wa— war ma ku caddaynaysaa?“, Odaygii waa iska aamusay sarkaalkaas oo xidid ila ahaa darted.Madaxweyne cigaal talefoon ayuu qabsaday oo amar bixiyey odhanaya afar iyo labaatan saacadood gudahood waa in la fuliyaa go’anka maxkamadda , saac saacdna ha la iila socodsiiyo ,halka xaal marayo. Aroortii markii meeshii ciidan xoogan oo cagafcagfyo wata la geeyey ,ayaa qoladii haysatay ergo soo dirtay oo tidhi si nabadgelyo ah ayaan ugu guuraynaa. Sidaad ayaa odaygii dulkii ku helay oo mar dambe lacag badan kaga iibiyey Dahabbshiil.Arrimahaas iyo qaar kale oo la mid ah ayaa keenay kalsoonida ay Soomaliland ku hanaqaaday.
Fiiro gaar ah , Websiteka Halbeegnews waxa lagu soo daabacay qorall been ah oo la ii nisbaynayo oo ka hadlaya Shirka Sacad Muuse ee Agabar . Waa been abuur shaqo kuma lehi . xaafadi waxay xaafad kale ugu soo wareegtaa waa xasarad.
Maxamed Saciid Gees
Hargeysa

COMMENTS
LINKS