|
|||||
WAJAALE NEWS
Dhalinyaro Hargeysa Loogu Soo Gunaanaday Tababar La Baxay Dhis Ganacsigaaga
September 30, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa (Wajaale News) – Waxaa magaalada Hargiesa ee Somaliland lagu soo gaba-gebayey barmaamij la yidhaahdo ?Dhis Ganacsigaaga? ama Build your Business (BYB) oo ay qabatay hay?ada Silatech, oo ah urur aan doowli ahayn, xarunteeduna tahay Qatar, oo la kaashatay Shaqodoon Org. oo ah hay?ad ku hawlan shaqogeynta iyo tababarada dhalinyarada.
Yemani ah, Mr. Adnan Qatinah, aya waxa ka soo qaybgalay 20 hay?adood oo ah kuwa ka shaqeeya horumarinta ganacsiga dhalinyarada Somaliland. Tababaryaashani dhamaystay barnaamijkani, iminka waxay awood u leeyihiin inay hay?adahooda ka hirgeliyaan barmaamijkan la yidhaahdo ?Dhis Ganacsigaaga? manhajkiisa, taasi oo boqolaal dhalinyaro Soomaliyeed u suurtogelinaysa in ay bartaan xirfado ay ku abuurtaan ganacsiyo. Tababarkan ? Dhis Ganacsigaga? waa markii ugu horaysay ee lagu qabto deeganada Soomalidu degto. ?Dhis Ganacsigaaga ama ?Build Your Business? (BYB) waa tababar ganacsi ay soo saareen International Youth Foundation iyo Microsoft oo loogu tala galay in dhalinyarada lagu baro xirfadaha aasaasiga ah sida, hirgeelinta, iyo weliba xirfadaha loo baahanyahay si ay igu guulaystaan furitaanka, hagista iyo kobcinta ganacsiga yaryar. Silatech waa hay?ad goboleed la shaqaysaa bulshooyinka si ay u dardar geliso, shaqo abuuris balaaran, hal abuurka ganacsi , helitaanka hantida iyo gaadhsiinta suuqyada iyo weliba ka qayb qaadashada iyo dhiiri gelinta, horumarinta dhalinyarada, dhaqaale iyo bulsho ahaanba. Shaoqodoon waa hayad somaliyeed oo u shaqaysa dhalinyarada somaliyeed siisana adeegyo ay ka mid yihiin, tabaro xirfadeed, shaqo gelinta, fursado shaqo barasho (Internship) iyo weliba fursado qofku uu shaqo ku abuuraynayo. Tababarkan Ganacsi Abuur ee dhalinyaro, wuxuu muhimad gaar ah uleeyahay gobolada Soomalidu degtoo, taaso dadk ku nool deegaanadan 70% da?doodu ka yartahay 30. Islamarkana Shaqo laanta oo ka badan 65%, qaybaha kale ee loo shaqo tegikaraana koobantahay, waxay kaliftay in Soomali badani ay ku biiraan Shaqo Abuur aan nidaamsanayn. Iyadoo la tixraacayo, Agasimaha Silatech Mr. Justin Sykes, wuxuu yidhi? waxa jira baahiyo dhab oo loo sameeyo horumar iyo taageero loogu tala galay in lagu caawiyo, laguna dhiiri geliyo dadka wata fikradaha firfircoon ee ganacsi ee ku dhaqan meelaha Soomalidu degto. Waxaan rumaysanahay in barmamijkan la yidhaahdo Ganacsigaag uu muhiim u yahay dhalinyarada soomaliyeed ee ku fikiraya inay abuurtaan ganacsi inay helaan xirfado ay u baahnayeen si ay u furtaan una kobciyaan ganacsiga yaryar oo waara?. Hay?adaha ka soo qayb galay tababarkan waxay iminka awoodan inay sii tababaraan qaarkale, oo barnarnakijka ?Dhis Ganacsigaga? uu ka mid noqdo barnaamijyadooda tababarka ee caadiga ah. Ururada ka soo qoo ayb galay waxaa ka mid ahaa, Shaqodoon oo isku duba riday barnaamijka, Horn of Africa Voluntary Youth Committee (HAVOYOCO), Taakulo Somaliland, Doses of Hope, SONYO and Kaaba Microfinance. Tababarkan wuxu kugu xidhayaa barnaamijyadeeda Silatech ay ku taagerto abuurista ganacsiyada. Bishan dabayaaqada, 10 qof oo ku soo baxay ?Baratanka Qorshe Ganacsi? (Business Pan Competition) oo wadajir u soo bandhigeen, Silatech iyo Shaqodoon ayaa waxay heli doonan tababar ku saabsan Dhis Ganacsigaag. Tartankan waxa lagu shaaciyey Carwadii Shaqogelinta (july 2, 2013), iyadoo la gaarsiiyey kumanan dhalinyaro ah oo degan Somaliland.Tobankii qof ee ku soo baxay waxaa lagu tababari- doona barmaamujkan ?Dhis Ganacsigaaga (BYB) taas oo weliba laga duubayo fikradahooda gancsi oo ay qiimayn doonan dad Somali ah oo khibrad aad u saraysa leh bisha danbe horaanteeda. Bulsho TV waa shirkad duubitaan oo la shaqaysa Silatech iyo Shaqodoon oo barmaamijyadeedu gaadhaan meelaha ay Soomalidu degto oo dhan, Bulsho ayaa samayn doonta barnaamij taxane ah oo ku saabsan tobanka dhalinyaro ee ku soo baxay qorshayaashan ganacsi si loo xoojiyo korna loogu qaado dhaqanka ganacsi abuurka wadanka. Wajaale News COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|