Degmada Alleybadey Dhibaatooyin Kajira Gudaha Magaalada Oo Biyo Fadhiistey Ku Qudhmeen iyo Cabashada Dadweynaha Reer Alleybadey Warbixin | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Degmada Alleybadey Dhibaatooyin Kajira Gudaha Magaalada Oo Biyo Fadhiistey Ku Qudhmeen iyo Cabashada Dadweynaha Reer Alleybadey Warbixin
September 13, 2013 - Written by Wariye:

Alleybadey(Wajaale News)-Degmada Alleybadey oo katirsan Degmooyinka Gobolka Gabiley oo kutaala nawaaxiga Xuduuda u dhexeysa itoobiya iyo Somaliland ayaa indhawaale siweyn looga cabanayay Biyihii Roobabka oo buux dhaafiyay Dhijaamo ka Dhex dilaacay Gudaha Magaaladaasi kuwaas oo halis u ah Xanuuno ka dilaaca kadib markii ay ku dhex xumaadeen khashinka lagu dhex qubayo iyo Biyaha oo mudo badan kujirey dhijaamahaasi ka Dhex dilaacay Gudaha Magaalada Alleybadey.

Dadweynaha kunool Gudaha Magaalada Alleybadey ayaa indhwaale siweyn uga cabanayay

Biyo fadhiistey dhijaamaha jeexjeexyo ka dilaacay Gudaha Magaaladaasi kuwaas oo halis u ah cuduro ka dilaaca Islamarkaana, dhibaato ka haya Nadaafada iyo saxada Guud ee Magaalada Alleybadey maadaama, ay Biyahaasi qudhmeen lagana dareemayo Gudaha Magaalada urtaasi islamarkaana, siweyn loo dhibsanayo urtaasi iyadoo shacbiga reer Alleybadey uga cabsi qabaan in cuduro ka dilaacaan.

Axmed Maxamed Muxumed(Codey), oo kamid ah Dadweynaha kunool Degmada Alleybadey oo Shabakada Wararka Hadhwanaagnews uga waramey Dhibaatada halista Caafimaad ee kasoo fool leh biyo qudhmey oo kujira Dhijaamaha iyo jeexjeexyada Gudaha Magaalada Alleybadey kuwaas oo khashin badanina ka buuxo Islamrkaana urtooda laga dareemayo Gudaha Magaalada saxada iyo Caafimaadkuna halis u ah.

“Hadaanu nahey Shacbiga Reer Alleybadey waxaanu khaati ka taaganahay Biyo Roobabkii da,yay Bishii Ramadaan iyo intii ka horeysay oo ka dhex buuxa Jeexjeexyada ka dilaacay Gudaha Magaalada Alleybadey kuwaas oo aan cidina ka hagaajin khashina ka dhex buuxo oo hada qadhmuunkooda loo mari laayahey gudaha Magaalada  manajiro Maamul ka damqanaya Arintan oo halis u ah Cuduro ka dilaaca oo Dhibaatadeeda wakhtigan Siweyn looga dareemayo Gudaha Magaalada waxaanan filayaa Maamuladii soo Alleybadey waxey u badnaayeen kuwa usoo jeeda dhibaatooyinka Saxada guud iyo fayodhowrka laakiin Maaamulkani ma garanayo in xal laga Sameeyo laga dhaqdhaqaaqo waxaananu ugu baaqeynaa Wasaarada Caafimaadka iyo Haya,ada Bisha cas in ay nooga Soo guramadaan Dhibatn Jirta”Ayuu yidhi Mr Codey.

Sidoo kalena Arinatn Waxa ka Cowdey  Qeybo badan oo kamid ah Bulshada Magaalada Alleybadey Kunool.

Mar aanu isku deynay in aanu wax ka Weydiino Maamulka Degmada Slleybadey dhibaatada Arinatn ay ka Cabanayeen indhawaale Dadweynaha Reer Alleybadey ayaaney noo Suurataglin maadaama Telefoonkoodu gacantu dansanaa.

Degmada Alleybadey ayaa kamid ah Degmooyinka ugu diiranaan jirey dhinaca Warbaahinta Xiligii Xukuumadii hore ee Xisbiga Udub haseyeeshee, aan hada laga warheyn inta badan Dedaaladii dhinaca Waxsoosaarka Beeraha iyo arimaha Bulshada.

Wajaale News

Hargeysa Office

wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS