DEEQ WAXBARASHO OO LA DEEDAFAY – GOBOLKA GABILEY | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DEEQ WAXBARASHO OO LA DEEDAFAY – GOBOLKA GABILEY
September 12, 2013 - Written by editor
DEEQ WAXBARASHO OO LA DEEDAFAY – GOBOLKA GABILEY

 

Hadaan wax yar taariikhda dib u eego waxaan ka mid ahaa ardaydii lagu furay ama bilaabay Dugsigii Sare Timacade Gabiley sanadkii 1976

 
Intaanan ka dhawaajin ama iftiimin dulucda cinwaankan ,waxa aan shaki inagaga jirin faaíidooyinka aakhiro iyo aduun ee wax akhrigu leeyahay.
Aan soo qaato maqaalkii Akhri oo Qaadka iyo Qolqolka ku badal Buuggaagta oo 22/8/13 ay ku soo daabacday Gabiley net Aqoonyahan Faruus Maax Xasan (Ottowa) ayaa runtii igaga filan sida wanaagsan eey Farduus u qaada dhigtay mudnaanta wax akhriska iyo saamaynta ay leedahay.
Hadaan wax yar taariikhda dib u eego waxaan ka mid ahaa ardaydii lagu furay ama bilaabay Dugsigii Sare Timacade Gabiley sanadkii 1976 iyadoo si qasaba la nooga soo firxiyay dugsiyadii aadka u mudnaa wakhtigaa ee 1st july secondary & Amoud Secondary oo termkii hore ee Form 1 aanu ku qaadanay. Wakhtigaa dugsigani muu dhamaystirayn dhisma ahaan oo dhinac baa laga dhisayay, library ma jirin waxa qudha een haysanay maclimiin aad u heer saraysa ooy ka mid ahaayeen Alla ha u naxariistee Prof.Maxamoud (Ina Afay), Mohamed M Libaan, Abdi Askar Abokr, Mohd mumin Rijaal, Ali Chemistry , aw nuur Aamin iyo Maamulihii Ali Jamac qalinle iyo ku kale badan.
Marka aanu cabano waxa nala hadli jiray odayaashi waxbarshada jeclaa ooy ka mid ahaayeen Xaaji Barkhad, Xaaji Askar abdillahi, Mohamed Xaaji, aw Adan iyo kuwo badan oona hakan ku koobi karin ilaahay dhamaantood ha janeeyee.
Hadaladoodii aanu ku casho furfuri jiray ama ku qanaci jiray waxa ka mid ahaa « Waxaad tihiin ushii ceelka la iskaga dayayay iyo sahankii ee dusha ku qaata dugsiga qarbaqarbad ah kuwa idinka danbeeyaa u aayiyee »
37 sanadood ka dib wakhtigaa waxa jirta baahidii aanu u qabnay buug la akhristo waxaan filayaa in ay maantana taagan tahay. Sidaas darteed waxa loo baahan yahay bulshada Gobolka Gabiley gaar ahaan kuwa qurba jooga ahi inay xooga saaraan siday u kordhin lahaayeen tayada iyo tirada buugta dugsiyada iyo jamacadda Timacade. Hadii mar kasta ood dalka timaado aad ku soo fara laabto laba buug (Two books a trip) waxa laga yaabaa sanadkiiba in boqolaal qof ay dalka keenaan books loo baahan yahay.
Hada bal aan u soo dago ujeedadii qoraalkan, waxa aan tagay Gobolka Gabiley anigoo sida Buuggaag acedamic ah oo tiradoodu ka badan tahay 100 books si aan ugu deeqo Jamacadde Timacadde Gabily
Buugtan oo kala ahaa badankoodu social sciences(Arts) kuna jireen Economics(Micro & macro-economics), Political science, Management, Accountancy, Business administration iyo other various subjects & Novels. Dhamaantood heer jaamacadeed ah iyo office stationaries fara badan.
Sanadkii 2011 ayaan jamacadda Timacade booqday waxaan arkay in Library u baahan yahay in la tayeeyo lana balaadhiyo sidaas darteed, Waxa ka door biday ama goaansaday inaan kaligay haysto ama akhristo buug tiradaa lehinay ka mudan tahay inaan ugu deeqo ama dhigo Library Timacadde University oo boqolaal arday ay sanad walba ka faaíidaystaan.
Maaha markii u horaysay, hore qurba joogtu u keentay buug Jamacadda taasa anigana I dhiiri galisay inaad Personal library aan lahaa oo dhaaqal badan galiyay aan dhamaantii ku fikiro inaan Timacadde Universty ugu deeqo. Dad badan baa aad ila yaabay in buugta tayadaa leh aan bixiyo oo qaar kamidi yihiin bulshad loo maleeyo inay Gobolka daneeyaan ama aqoonta lagu tuhunsan yahay, laakiin aniga waxa ii muuqatay sidii aan wax ku soo bartay Timacadde secondary school bilawgii iyo siday ay u anfci doonto cid kastoo akhrisata.
Waxa aan war galiyay si la igala wareego cid kastoo aan is idhi way danaynaysaa. Waxaan igu xidhay naanulka jaamacadda Gudoomiyaha waxbarashada ee Gobolka Ali Bayle iyo Gudoomiyaha waxbarashadda ee Deg. Arabsiyo Fadxiya maax xasan. Si wanaagsan bay ii qabileen cidii ku sugnayd Xafiisyada Jamacada wakhtigaa waxaanay war galiyeen maamulkii sare Timacadde University. Waxaan ku sugnaa Gobolka Muddo 50 maalmood ah intaasna way suuroobi wayday in ayay gudoomaan, markastan maamulka jaamacadu way ila balamayeen waxbana kamay hirgalin.
Si aan wakhtiga aan haystay oo koobnaa iga dhamaan waxan war galiyay Bashasaabka G.Gabiley Mud. Yusuf, Badhasaab Ku-xigeenka Muj. Ali case,Maayarka Mud. Shucaybe, Xoghayaha D. Hoose Abdirahman, xildhibaanda cusub qaar ka mida iyo waxgarad fara badan oo Gobolka ku sugan si jaamacadda arinkan loogu guubaabiyo. Ma Jaamacadda maamulkeedaa cidi wax u sheegi Karin ma dadkaan la hadlayaa caqliga dooni laga saaray oon isku dan ahayn !!!!! mooyi????? garan waayay anigu halkay wax si ka yihiin !!!!!!!!
Hadaan jamacaddah kale Somaliland ugu baaqi lahaa waxa hubanti ah gabalku ugama dhaceen in si sharaf leh u gudoomaan. Somali horay u tidhi “Doqoni saaftin caro loogu riday galad ma moodo”.
Waxa nasiib daro inteed leeg ah in mudadaa 50 cisho ah ay suuroobi wayday in saacad kaliya laga waayo in deeqdaa buugta aan la danayn xil wayna la iska saarin in la gudoomo halkiina aan kala soo noqo.
Waxa wakhti badan iyo media lagula ordaa khilaafa iyo is cambaarayn lagu saxi karo dhexooda bulshada Gobolkana ragaadisay oo gaadhayn in ilaa qaar ka mida siyaasintii sare ee gobolka u dhashay ay saamaysay.
Gabogabadii: Qurba jooge iyo Qolqol joogba waa in loo soo gurmadaa jamacadda Timacade oo u baahan in la balaadhiyo Library iyo maamulka oo laga gargaro wixii ay u baahan yihiin. Ficiltanka aan salka lahayna laga daayo danta guud gaar ahaan waxbarashada jaamacadda
Baaqaygu waa(Message)
Soo qaad 2 books markasta ood imanayso dalka, wakhtigaaga wax ka sii inaad ardayda jamacadda Timacadde wax barto ama Maamulka la shaqayso intaad ku sugan tahay Gobolka.

Ahmed Maax Hassan

COMMENTS
LINKS