Deegaan Kalabeydh Oo Ka Aradan Adeegyada Aasaasiga ah iyo Xukuumada Oo Maalintii Alle Keenaba Lacagta Shilin Ka Somaliland ah Ka Qaada Cashuuraha Qaadka, Warbixin . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Deegaan Kalabeydh Oo Ka Aradan Adeegyada Aasaasiga ah iyo Xukuumada Oo Maalintii Alle Keenaba Lacagta Shilin Ka Somaliland ah Ka Qaada Cashuuraha Qaadka, Warbixin .
September 2, 2013 - Written by Wariye:

Kalabeydh(Wajaale News)-Magaalada Kalabeydhee kutaala Bar Dhexaadka Kulmisa Jidadka Gaadiidka isga kala Goosha DeegaamadaGalbeedka Somaliland sida  Boorame iyoGabiley Jidka u dhexeeya iyo Jidka u dhexeeya Tog-Wajaale iyo Gabiley, iyadoouu kuyaalo Kastamka Cashuuraha Qaadka ee Wasaarada Maaliyada Somaliland uga SooXeroodaan maalintii alle keenaba lacag dhan Afar Boqol oo Milyan oo Shilinka Somaliland ah.

Tan iyo intii ay jireen Xukuumadihiiisaga dambeeyay talada dalkan Somaliland Magaalada Kalabeydh oo Dhinaca Galbeed tobaneeyo Km ka Xigta Gabiley waxa Saameyn raadad adag leh kuyeeshay

baaba,aadeegyada Aasaasiga ah iyadoo Mch ay halkaa ka dhiseen Sanadkii 1993kii Dhakhaatiirtii Faransiiska ahaa ee Mdm ayaan wali la howl galinin, Islamarkaanamudo labaatan sano iyo dheeraad ah Iridihu u xidhan yihiin kaas oo Xuubka caaradu buuxsantey nawaaxiga Gidaarada Aqalkaasi iyo Guud ahaanba Eeeriyada uukuyaalo iyadoo mararka qaar ay Deganayeen Qoysas danyar ah oo Kamid ah Bulshada Magaalada Kalabeydh, iyo Deegaanada Beeraleyda ah ee ku Xeeran Waxaanay intaugu badan Dadweynaha ku nool Tuulada Kalabeydh dhibaato xoogani ka haysataa dhamaanbaAdeegyada Aasaasiga u ah Bulshada oo aanay labaatan Sano iyo dheerad waxba kahelin taas, oo Haweenka Tuuladani la ila daran yihin arimaha Caafimaadka eedhalmada Hooyada iyo Arimo badan oo kale Sidaa daraadeedna ay dhwaan ka reeyeen dhinaca Caafimaadka Kadib markii Cusbitaalka Shifo laga Bineeyay halkaasi.

Dhinaca kale Duqeyda iyo OdoyaashaDeegaanka Kalabeydh ayaa had iyo Jeer dhibaato ba,ani ka haysataa sidii ayMaamulada Beenta badan ee Xukuumada Madexweyne Siilaanyo ugu wargalin lahaayeen Dhibaatooyinka iyo Duruufaha Saameynta adag kuyeeshay Tuulada Kalabeydh iyoBulshada kunool iyadoo Dhinaca D/hoose ee Gabileyna ay ka aradan yihiin Maamulahaan iyo Waxtar ahaanba Sababtoo ah marka laga Yimaado Dhaqaalaha Xoogan ee Maalin walba Dowlada dhexe uga Soo xerooda Tuulada Kalabeydh waxa iyana Intii ama Sedkii ay Kalabeydh ka heli laheyd dakhligaas qaata D/hoose ee Degmada Gabiley oo aan kuumiyataano kusoo celinin Kalabeydh iyadoo, ay ka Sinaayeen arintaasi Maayaradii isaga dambeeyay Maamulka D/hoose ee Degmada Gabiley, marka laga Reebo Gudoomiyihii Gobolka Gabiley ugu horeeyay Maamulka Gobolka ee xiligii Xukuumadii Rayaale inkastoo, ay Dhinaca kalena Kalabeydh ka aradan tahey dhinaca Duqeyda iyo Waxgaradka dhalasho ahaan kasoo Jeeda oo aan laheyn habayraatee karti ay ugu soo gooyaan cadka ay Tuuladaasi ku leedahay boqolaalka Milyan ee maalin walba laga Xerooyo Dakhli ahaan Wasaarada Maaliyada Somaliland.

“Hooyo Maalin Walba waxa halkanlaga raraa lacag gaadheysa Afar boqol oo malayuun Somaliland Shilin ah  wax alaale iyo wax Magaaladaa Kalabeydh uga cabaana majiraan, umusha xabad kiniina loogama soo helayo Mchkiika furnaa waakaasoo wali albaabada ayaa u Xidhan maalin dhaweyd ayaa lalahaa Gabadh Wasaarada Caafimaadka ah ayaa Timid laakiin anagu waxba ka arki mayno Hooyo nabsi maalku Geediga hayinkuu ku guraa ayaanu leenahay wali may dhalan Dowladii Kalabeydh hoos u eegi laheyd, waa Sodoh la ilaawey”Sidaa waxa Tidhi Hooyo Faadumo cali Xasan oo kamid haweenka kunool Magaalada Kalabeydh.

Sidoo kalena Qeybo badan oo kamid ah Bulshada kunool Magaalada Kalabeydh ayaa ka deyriyay, Guud ahaanba Watarka Dhinaca Xukuumadaha kaga Soo noqda Tuulada Kalabeydh.

Dhinaca kale Xoghayaha Fulinta Maamulka D/hoose ee Degmada Gabiley C/raxmaan Nuur Abokor oo warbaahinta qaar  wax ka Weydiisey waxyaabaha ay Maamul ahaan ka Qabteen Kalabeydh ayaa Sheegay in ay Maamulkii hore intii aan Golaha Deegaanka Cusubi soo bixin ay ka Dhiseen Iskuul loogu talagaley Dugsi sare islamarkaana, ay Qorsheynayaan Wakhtigan Xaadirkan in ay dhawaan ka Dhisaan Saldhig Boolis oo laga Sameeyo Kalabeydh Waxaanu carabka Ku Dhuftey Xoghayuhu in ay Sameynayaan dhawaan sariimada iyo XafiiskaMaamulka tuulada Kalabeydh ah.

 

Wajaale News
Office:Hargeisa/Somaliland

COMMENTS
LINKS