Dawladdii Intay 40 Baabuur Cashuurtii Danyarta Ku Kaxaysatay Ayay Tidhi Waan Ku Soo Dhaweynaynaa” Jamaal Cali Xuseen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladdii Intay 40 Baabuur Cashuurtii Danyarta Ku Kaxaysatay Ayay Tidhi Waan Ku Soo Dhaweynaynaa” Jamaal Cali Xuseen
September 30, 2013 - Written by editor

Sidoo kale-na waxa uu si weyn u duray hannaanka loo maray xero-gelinta raggaas iyada oo la adeegsanayo cashuurtii danyarta oo lagu kaxaystay gaadiid badan. Sidaas waxa uu Jamaal Cali Xuseen

Hargaysa(WJN)Murashaxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa si kulul u naqdiyay ku-biiritaanka KULMIYE ee Maayarka Berbera C/Shakuur Maxamed Xasan (Cidin) iyo Xildhibaan C/Rashiid Maxamed Xaaji Yuusuf oo labadooduba ka soo baxay UCID, balse dhawaan u diga-rogtay Xisbiga Talada haya.

Sidoo kale-na waxa uu si weyn u duray hannaanka loo maray xero-gelinta raggaas iyada oo la adeegsanayo cashuurtii danyarta oo lagu kaxaystay gaadiid badan. Sidaas waxa uu Jamaal Cali Xuseen ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu

ku leeyahay Facebook oo u dhignaa sidan

?Ninka ku qudbadeeyay ” Muuqayguna waa UCID, Maskaxdayduna waa Kulmiye” weliba dawladda intay 40 baabuur iyo 7 wasiir u soo kaxaystay inay tidhaahdo waanu ku soo dhaweeynaynaa oo xoolihii danyarta isticmaallaya ma wax caqliga suubani qaadan karo baa, ama sharciyadda waddanku ogoshahay. Ilaahayoow yaan caqliga lanaga caayin.

Ugu dambayntii waxa uu Jamaal Cali Xuseen bulshada u soo jeediyay inay goaan ka gaadhaan khubadaha madashaas laga arkhriyay oo uu ku tilmaamay riwaayad lagu metelay Berbera.

WAJAALE NEWS DESK OFFICE

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS