Dawladda Hong Kong oo soo Saaray Baabuur Shidaal La’aan ku Shaqaynaysa si Dikhawga Hawada Looga Hortago | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladda Hong Kong oo soo Saaray Baabuur Shidaal La’aan ku Shaqaynaysa si Dikhawga Hawada Looga Hortago
September 11, 2013 - Written by Wariye:

untitledHong Kong (Wajaalenews)Magaalada Hong Kong ee dalka Shiinaha, ayaa markii ugu horraysay laga soo saaray bas  kuwa rakaabka ah oo ku shaqaynaya baytari, isla markaana aan wax shidaal ah u baahnayn, kaasoo si rasmi ah u bilaabay hawlihiisa shaqo shalay.

 

Ikhtiraacidda baskan cusub waxa

ay qayb ka tahay olole dadka magaaladaas ku nool ugu jiraan ka hortaga dikhawga hawada ee baabuurtu sababaan.

Mr. Leung Chun-ying oo ah madaxa guddida fulinta Hong Kong, ayaa sheegay in ballanqaadyadooda ugu weyn ka mid ahaayeen in ay muddo shan sanno ah dikhawga hawada ku yareeyaan, isagoo tilmaamay in wasakhawga hawadu yahay waxyaabaha ugu waaweyn ee khatarta geliya caafimaadka bulshada.

Shacabka degaankaas oo aad ugu farxay gaadhiga cusub, waxaanay sheegeen in aan baskan oo kaliyi ku filnayn ololaha ka-hortagga dikhawga hawada, balse loo baahan yahay in caasimadaha kale ee dalkana la geeyo baabuur sidan oo kale ah aan shidaal ku shaqaynayn.

Shirkad kale oo ku taal koonfurta dalka Shiinaha ayaa iyaduna hore u soo saartay tagaasi ku shaqaynaya elektari, kuwaas oo la soo bandhigtay bishi May ee sannadkan.

Xoghayaha maamulka dawladda ee degaanka Mr. Wong Kam-shing, ayaa sheegay in dawladdiisu bixisay $ 23 milyan oo dollar oo u dhigtanta HK$180 milyan oo lacagta Shiinaha ah si ay ugu soo iibsato qalabka lagu samaynayo 36  bas oo koronto ku shaqeeya dhammaadka sannadkan, waxana samayntooda ku hawlan shirkado gaar loo leeyahay.

Hadafkayaga fog waa in meesha laga saaro dhammaan dikhawga ka dhasha qiiqa baabuurtu sii daayaan, annagoo aan kharash sidaa u badan ku bixinayn, waxaanuna doonaynaa inaannu tallaabo tallaabo arrinta u qaadno, ayuu Mr. Wong Kam-shing ku yidhi war-saxaafadeed uu warbaahinta dalkiisa kula hadlay.

 

COMMENTS
LINKS