Dawlada Hoose Ee Caasimada Hargeysa Oo Shirkad Caalami Ah La Saxeexatay Heshiis Ku Saabsan Dab Damiska(Warbixin Ayaan Idiinka Haynaa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Hoose Ee Caasimada Hargeysa Oo Shirkad Caalami Ah La Saxeexatay Heshiis Ku Saabsan Dab Damiska(Warbixin Ayaan Idiinka Haynaa
September 2, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa, Somaliland, (Wajaale News):- Maayarka Hargeysa Md:Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Dalka   Switzerland , kaas oo dalka u yimid sidii ay daraasad ugu samayn lahayeen baahiyaha xaga dabdamis ah oo baahi weyn ay u qabto caasimaddu.

Weftigan oo uu hogaaminayey khabiir dhinaca dabka ah, isla markaana ah ninka labaad ee ugu

khibradda badan caasimadda Zurich ee dalka Switzerland ayaa booqasho ku tagay toddoba goobood oo ay u calaamadiyeen Maayarka Hargeysa in la dhigo kooxaha gurmadka dabka iyo gaadiidkoodda.

Maayarka ayaa khabiiradan ka socda dalkaasi  uga xog waramay baahidda weyn ee ay u qabaan dabdamisyo caasimadda ku filnaadda, waxaanu sheegay in khaasaare badan gaadhsiiyey dabkaasi maadaama oo aanay ku filnayn dabdamis dawladda hoose yaalla.

Khabiiran oo magaciisa la yidhaa Alex Handke kana socday shirkadda dabdamiska ee GU SICHERHEIT ee ugu weyn Switzerland, isla markaana ah taliye ku xigeenka dabdamiska caasimadda Zurich ayaa booqday toddoba goobood oo ku kala yaalla Hargeysa, kuwaas oo kala ah Kaantaroolka bari ee magaaladda, Masalaha, Maxamed Mooge, dawladda hoose, Daloodho, badhtamaha magaaladda, kantaroolka galbeedka iyo Suuqa gobonimo ayey qiimeyn ku samayeen.

Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiramaan SOLTELCO) ayaa warbaahinta uga waramay kulankan dhexmaray isaga iyo weftigan, waxaanu sheegay inay ka wada hadleen sidii caasimaddu loogu heli lahaa marka ay dhacaan dab yimaado in degdeg loogu gurmado, waxaanu sheegay inay ka dhisamaan todoba goobood oo looga gurmana karo, isla markaana shirkadani ka caawin doonto qaabka loo samaynayo iyo tobabarada shaqaalaha dabdamiska ah.

Sidoo kale waxa uu xusay in dabdamisyadaasi ay ka qaybqaadan doonaan iibintoodda, ganacsatadda, xukuumadda iyo dawladda hoose kuwaas sida ugu dhakhsiyaha badan loo keeni doono.

Maayar Cabdiramxaan Soltelco oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi ?weftigan maanta noo yimid wuxu iskugu jiray laba qaybood, HADIYA Medical Asaisation  oo Switzerland laga leeyahay oo ah hay?ad khayriya gacantana ku haysa cisbitaalka Gabiley iyo shirkad dabdamiska ah oo Switzerland laga leeyahay waxa ay qiimeyn ku samanaynaa dabdamiska aynu u baahanahay, horaanu Hadiya u wada hadalnay fariin aan u diray oo kulan hore oo aan kulanay ayey ku yimaadeen, xubno reer somaliland oo qurbojoog ah oo is xil qaamayna hawshaasi way ka shaqeeyeen, hawl fiicana qabtay oo Switzerland ugu tagay shirkadan , waxaana la samaynayaa waa maxay baahidda dhabta ah ee dabdamis ee caasimadda Hargeysi u baahan tahay, waxa jira wejigii kowaad oo marka aad wax qabsato ayey dadku wax kula qaban karaan oo ahaa in dawladda dhexe oo aanu madaxweynaha mahad uga celinayno iyo wasiirka Maaliyadda lacagtii ay bixiyeen, dawladda hoose iyo ganacsatadii oo aanu hadda sugayno ayey qabsanaynaa, wejiga labaadna lacagtisii ayaa loo doonayaa oo aynu wax sii hayno ayey qiimeyntaasi shirkadaasi waddo ayey inta kalana soo baxaysa oo loo dooni doono qaadhaan caalami ah, imika weftiga waxa la socda nin Injineer ah oo ku takhasusay dabka oo bartay cilmiga Chemestry-ga, waana ninka labaad ee magaaaladad Zurich oo ah magaalooyinka ugu waaweyn ee wadankaasi?

Mar aanu waydiinay goobaha loogu talogalay waxa uu yidhi ?shan goobood iyo xarun degdeg ah oo goobtan ah waxaana yaalla laba gaadhi oo daalay oo aanu ugu nimid, waxaana ugu tallogalnay xarun dhexe oo ay joogaan illaa toban dabdamis iyo afar dabdamis oo magaalooyinka kooneyaashoodda ah midkiiba laba gaadhi aanu ugu talogalnay inay joogaan iyo kooxihii u qaabilsana dabdamiska, taas oo aanu doonayno in magaaladda si aad u weyn uga hawlgalan, maadaama oo uu dabku yahay halis aan hore loo danaysnayn caasimada waa haliso waaweyn ayey ku leedahay dabkaasi, oo imika waxaad ogtihiin marka aan ka soo qaado Jun ilaa August waxa dhacay 17 dab waa halis weyn oo jirta oo u baahan in laga taxadaro wadooyinkiina loobanayn lahaa, waxaanu iska kaashan doonaaa suuqyadda marka loo gurmanayo  hay?ada dawlada marka aanu Suuqa Waaheen, Gobonimo iyo Inji u samayno waxaanu isla kaashan doonaa Wakaalada biyaha, ciidanka nabadgalyada iyo ciidanka booliska?

Maayarka oo shacabka baaq u diray ayaa yidhi ?shacabkana waxaan usoo jeedinayaa ma haysano qalab aynu kaga hortagno dabka, laba gaadhi baynu haysanaa, waxa dhacay in goob aan joogay Dabdamis uu leeyahay DAHABSHIIL oo usoo gurmadya goob in dhagaxaan lala dahcay iyadoo lagu haysto waad habsaantay, sidoo kale dabdamiska dawlada hoose iyana dhagxaan baa lala dhacay, horta ilaahay baa qadaray dabka, wixii hadhayna waanu badbaadinaynaa, laakiin hadii warbaahinta laga arko dadkoo shiidaya dabdamiski usoo gurmaday wax kale oo la samayn karaa ma jiro, dadweynaha waxaan leeyahay waxan aynu haysano maaha wax ku filan waxa aad doonaysaan inuu ku filnaado in loo dhabar adeego lana ilaaliyo dabdamiskan yar ee aynu haysano?.

Dadweynaha caasimadda Hargeysa ayaa si weyn ugu baahan dabdamis markiiba u gurmadda goobaha dabku qabsaday, waxaanay heshiishkan shirkadda Dabmiska iyo dawladda Hoose wada gaadheen rajo ku abuuraysaa dadweynaha oo aad ugu baahan dabdamis degdeg ugu soo gurmadda goobaha gubtay.

Dhinaca kale, waxa maayarka xadhiga ka jaray sariibaddo cusub, waxa kale oo dhagax dhigay wadooyin cusub oo laga hrigalin doono magaaladda Hargeysa.

Wajaale News
Office:Hargeisa/Somaliland
Wariye: C/qaadir C/raxmaan Habane

COMMENTS
LINKS