Dadweyne iyo Mujaahidiin Taageersan Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka Oo Magaalada Burco Ku Qabtey Kulan ay Ku Naqdiyayaan Xukuumada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dadweyne iyo Mujaahidiin Taageersan Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka Oo Magaalada Burco Ku Qabtey Kulan ay Ku Naqdiyayaan Xukuumada
September 22, 2013 - Written by editor

Hargeysa habeen walba Ciidamada ayaa la cadibayaa, weydin arkeyseen shaley waxa lagu diley Berbera Afhayeenkii Xisbiga Ucid oo ay gacan saareen ninka Dekeda Haysta iyo Ciyaala Suuq la Socda oo Guulwadayaal Waligoodba la yaqaaney

Burco(HWN)-Qaar kamid ah Masuuliyiinta Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka iyo Xubno badan oo kamid ah Mujaahidiintii Snm ayaa maanta Shir Jaraa,id oo ay ku naqdiyayaan Xukuumada ku Qabtey Huteelka Golis ee Magaalada Burco.

Xubnahan ayaaXukuumada Siilaanyo u direy fariin adag oo Isugu jirta Digniin iyo in aanay dalka ka abuurin Xaalad buuq iyo Qulqulatooyin ka Siyaasadeed ah Islamarkaana, ay Iska Deyso faraglinta iyo Iska Dhagamrinta Mujaahidiintii dalka usoo halgamay sida ay hadalkooda u dhigeen Waxaanay ka Digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta hadii la isku dayo in Xadhig iyo wixii lamid ah loola Yimaado Mujaahidiinta Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka.

“Waxaanu halkan kasoo jeedinaynaa in Madexweynuhu umada u cadeeyo Waxan uu u diidan yahey in Wasiirkiisa Macdanta iyo Duulsta Hawadu ay Baarlamaanka hor yimaadaan oo umada u cadeeyaan Musuqmaasuqan lagu eedeynayo Hadeynu Reer Burco nahay Waxaanu leenahay Ragaasi Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranku waa Ragii Waaweynaa ee Snm xaqbay u leeyihiin in ay hadlaan waxaanay yidhaahdeen Muhiimada Madexweyne La Xisaabtan dadkaaga Madexweynuhu Mushkilad ayuu galinayaa dalka si aan loola Xisaabtamin kolba Ciidanbaa la daadinayaa Hargeysa habeen walba Ciidamada ayaa la cadibayaa, weydin arkeyseen shaley waxa lagu diley Berbera Afhayeenkii Xisbiga Ucid oo ay gacan saareen ninka Dekeda Haysta iyo Ciyaala Suuq la Socda oo Guulwadayaal Waligoodba la yaqaaney ah umada iyo Shacbigu way kula Xisaabtamyaane aawey Cashuurtayadii ayay ku leeyihiin kolba meel ha isku qaadin Madexweyne”Sidaa waxa Yidhi Siciid Xaaji Axmed Qulumbe oo kamid ah Xubnaha Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka.

“Waxaan aaminsanahay hadaan la helin cid hadasha oo ka hadasha Wacyiga taagan inaan waxba jirin, waxaan leeyahey Ragaa Mujaahidiinta ahi in ay yihiin rag Wadankan wax badan usoo marey in ay yihiin ma noqon karaan rag wax burburinaya waa rag isku xilqaamey toosinta iyo Dhaliisha Wadanka Mujaahidiintan Waaweyni dadka ayay indho u yihiin ee hadaad diidaan in la idiin sheego waxa idinka khaldan la idinka yeeli maayo Madexweyne malaha ma diidin in dowladaada loo Sheego wixii ka xun laakiin sikale ayaa wax laguugu sheegay, Madexweynuhu markuu safarka ugu soo baxey Gobolkan ilaa halkii uu ugu dambeeyay ee Baligubadle waxa uu dhiyay Dhagax waa la arki doonaa halka ay ku dambeeyaan iyo in ay noqdaan kuwii aynu ku nacney Dowladii Rayaale ee iyaduna dhigi jirtey, Waxaan hadalkeyga kusoo gunaanadayaa Madexweyne Waxaanu kaa eegayney inaad Waxqabad dhab ah la timaado laakiin lagaama fileyn in aad Odoyaasha Madasha iyo Dadweynaha isku reebto oo aad tidhaado iska ilaaliya Madasha kuwa Madasha wax ka sheegayaan ma aha dadkii loo baahnaa in ay ka hadlaan Masiirka umada”Sidaana waxa yidhi Siciid Xasan Nuur Waaye oo kamid ah Xubnaha Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka ee Burco.

Mujaahid Axmed Qori Gubtey oo kamid ah Mujaahidiintii waaweynaa ee Snm islamarkaana, Halganka Snm la bilaabay Mujaahid Maxamed Cali oo ka hadley halkaasi ayaa si qiiro leh u sheegay in Xoriyada iyo dowladnimada maanta la haystaa ay kutimid dhiigii usoo daatey, ee kumanaanka qof kusoo shahiideen, waxaanu Madexweyne Siilaanyo ku eedeeyay in uu ku tuntey halgankii Snm Mujaahidiintii oo dhan Xaquuqdoodii maantana uu afartii kasoo hadhey doonayo in uu gumeeyo isagoo ooyay, markii uu ku guda jirey hadalkiisa  Waxaanu si qiiro leh u xusey in uu ragii aasaaska u ahaa halgankii hubeysnaa Xaasaskoodii xadhig ugu abaal gudey.   

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadley Siciid Calas, Mujaahid Mustafe Aw Nuur(Gacan), iyo Xubno kale oo kamid ah Dadweynaha Reer Burco iyo odoyaasha taageersan Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka.  oo kamid ah Taageerayaasha Madasha wadatashiga iyo Toosinta Qaranka.

Shirkan Jaraa,id ee Mujaahidiinta iyo Dafweynaha Taageerayaasha Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranku ku qabteen Magaalada Burco ayaa ka dambeysay kadib markii, ay dhawaan Maamulka D/hoose ee Burco abaabuleen dad loo soo ururiyay in u jawaabaan Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka oo Beryahan Dambe Xukuumada Madexweyne Siilaanyo Sida fiinta uga Qeyliday.

 

WAJAALE NEWS DEK

HARGEISA OFFICE

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS