|
|||||
WAJAALE NEWS
Daawo Video: Maayarka Burco ookulan casho sharaf ah u sameeyey inta badan imaamyada masajida Burco iyo Guddi loo sameeyey deyr ku warejinta iyo dayactirka xabaalaha Burco
September 6, 2013 - Written by editorMaayarka, Badhsab ku xigenka iyo culimadii kulanka ka qaybgashay waxay ila qaaten in khudbadaha jimcaha lagu soo qaato cawaaqibka iyo dhibta ka iman karta in la dego oo la dhisto xabaalo dad muslimiin ah, sido kalena qaadhaan loo ururiyo xabalaha bulshadana la wacyigelyo
Daawo Video: Maayarka Burco ookulan casho sharaf ah u sameeyey inta badan imaamyada masajida Burco iyo Guddi loo sameeyey deyr ku warejinta iyo dayactirka xabaalaha Burco. Maayarka magaalada Burco maxed murad ayaa xalay kulan casho sharaaf ah u sameeyey inta badan imaamyada masajida Burco kaso u kaga codsanayey in lagala shaqeeyo sidii looga hor tegi lahaa dhul boob lagu hayo xabaalihii magaalada burco oo xattaa dad raba inay sharci u samaystaan la qabtay. Wuxu maayarku culimada xog warran buuxa ka siiyey ujeedada kulankan iyo sida dhul boobku xadhkaha u goostay ee xatta xabaalihii loo dhaafi la? yahay. Sh.yusuf cabdi cawad oo gudoomiye u ah guddiga deyr ku warejinta, ilaalinta iyo dayactirka xabaalaha burco ayaa isna culimada ugu baaqay in doorkii culimada loo bahan yahay wakhtigan isla markaasna ay haboon tahay in abaabul xooggan loo galo sidii deyr loogu warejin lahaa xabaalaha oo dayac badani ka muuqdo. Dhinacooda waxay culimadu ballanqadeen inaay mayark iyo gudiga la magcabayba kala shaqayn doonaan arimaha deyr ku warejinta ilaalinta iyo dayactirka xabaalaha, iyago sido kale xusay inay culimo ahan xil weyn iska saari donaan wacyigelinta bulshada. Ugu danbaynti kulankan ayaa la iskula qaatay in khudbadaha jimcaha lagu soo qaato cawaaqibka ka iman kara iyo dibta ka iman karta in la dego oo la dhisto xabaalo dad muslimiin ah, sido kalena khudbada kadib masajid walba qaadhaan looga ururiyo deyr ku warejinta iyo dayactirka xabaalahani. Iyado loo sameyey Acount yo looga furay Dahabshiil iyo Telesom, iyado cid kasta oo ka qaybqadanysa tabrucaadkuna ku soo hagajin karaan Ackoondan
WAJAALE NEWS DESK
CONTACT US : Wajalenews@gmail.com
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|