Ciidamada Booliska Magaalada Hargaysa Oo Xidhay Dad lagu Eedeeyay Inay Foojari-Galiyeen Buuga Caafimaadka Ee Xujaajtu Qaataan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Booliska Magaalada Hargaysa Oo Xidhay Dad lagu Eedeeyay Inay Foojari-Galiyeen Buuga Caafimaadka Ee Xujaajtu Qaataan
September 27, 2013 - Written by Wariye:

xajkaHargeysa (Wajaale News) booliska magalada Hargaysa ayaa   xidhay saddex qof oo lagu eedeeyay inay foojari gareeyeen buuga caafimaadka ee ay qaataan dadka Xujayda ah ee Somaliland ka tagaya sannadkan.

Buugga caafimaadka oo qofka Xajayaa ka qaato goobo gaar ah oo Wasaaradda caafimaadka Somaliland ugu talo-gashay, ka dib marka qofka la talaalo, ayaa waxa laga war helay inay jiraan buugaag la mid ah oo la foojari gareeyay isla-markaana dadka u baahan ay ka iibiyaan qaar ka mid ah sariflayaasha Magaalada

Hargeysa, kuwaasi oo ka siiya qiimo ka jaban ka Wasaaradda caafimaadka Somaliland bixiso.

Buugga caafimaadka oo si caalami ah u bixiso hay?adda caafimaadka adduunka ee WHO, balse marka qofku qaadanayo lagu dhufto shaambada Wasaaradda caafimaadka, ayaa dadkan loo xidhay lagu eedeeyay inay sameeyeen mid been abuur ah oo ay si aan sharci ahayn uga baayac  mushtaraan xiliga hawlaha Xajku socdaan.

Madaxa caafimaadka guud ee Wasaaradda Caafimaadka u qaabilsan Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Faarax Axmed, ayaa  xaqiijiyey xadhiga saddexda qof, waxaanu sheegay in markii ay ka war heleen buuggan been abuurka ah ee qofku suuqa ka iibsanayo isaga oo aan talaalka qaadan ay ciidamada booliska ka codsadeen inay talaabo ka qaadaan ciddii lagu helo, markaa ka dibna ay ku guuleysteen inay xidhaan saddex qof, kuwaasi oo  uu sheegay inay ciidamada dambi-baadhista ee CID-du baadhitaan ku samaynayaan, si wax looga waydiiyo waxyaabaha ku kalifay inay talaabadan sharci darada ah qaadaan, si buu yidhi looga hor tagi karo wixii kale ee falalka noocan oo kale ah ku kacaya ?Ciddii ku lug leh waxa baadhitaan ku wada ciidamada CID-da? ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray, isaga oo fariin u diraya muwaadiniinta Xajka soo gudanaya ee doonaya inay qaataan buugga caafimaadka ?Waxaanu ku wargalinaynaa Madaarada in buugga shaambada wasaaradda caafimaadku ku taalo mooyaane aan mid kale lagu dhoofi Karin, dadka Xajaya tallaalka iyo buuga caafimaadka haka qaataan goobaha loogu talo-galay?

Talaabada ciidamada boolisku ku xidheen dadka foojari-gareeyay buugga caafimaadka, ayaa noqonaysa mid lagaga hor tagayo fadeexado caafimaad daro oo xujayda reer Somaliland ku soo waajaha dalka Sucuudiga oo sanadkan aad u adkeeyay  adeegyada Xujayda ka tagaya dalalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Wajaale News
Hargeysa Office
wajalenews@gmail.com

Wariye:Abdiqadir Abdiraxmaan Habane

COMMENTS
LINKS