Caasimadda Ethiopia Addis-Ababa Oo Laga Dhisayo Fooqa Bariga Afrika Ugu Dheer Oo 99-Dabaq Noqon Doona | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Caasimadda Ethiopia Addis-Ababa Oo Laga Dhisayo Fooqa Bariga Afrika Ugu Dheer Oo 99-Dabaq Noqon Doona
September 2, 2013 - Written by Wariye:

Addis Ababa, (Wajaale News):- Warbaahinta dalka Ethiopia ayaa, sabtidii ku waramayay dhisme ganacsi oo noqon doona ka ugu dheer geeska Afrika kaas oo laga dhex qotomin doono magaalada Addis Ababa, Dhismahan oo noqon doona mid ganacsi ayay warbaahintu sheegtay in ay hir galin doonto shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo, (Guangdong Chuanhui Group) taas oo galin doonta aduun lagu qiyaasay sadex boqol oo milyan oo dollar ka Maraykanka ah.
Dhismahan oo 99-Dabaq ka koobnaan doona waxa la

dhamaystiri doonaa sanadka, 2017-ka, waxaanu dhererkiisu gaadhayaa ilaa 320-mitir, halka baaxada dhuleed ee uu ka dhismi doonaana ka tahay, 41,000 sq.
Wargeyska afka xukuumada Ethiopia ku hadla ee lagu magacaabo, (The Ethiopian Herald) iyo Idaacada Dawladu Maamusho ee Radio FANA, oo baahiyay warkan ayaa waraysi kala yeeshay maamulaha shirkada (Guangdong Chuanhui Group), oo magaciisa ay ku sheegeen Yanlin Liu, u xaqiijiyay In  xukuumadu siisay dhulkii laga dhisi lahaa fooqaas oo ah mid ku haboon, dhinac kastana u dhamaystiran.

Waraysigaas ayuu maamuluhu faah faahin kaga bixiyay dhismahan iyo ujeedada laga leeyahay iyo waliba waxa uu noqon doono, marka la dhamaystiro, ugu horayn waxa uu maamuluhu ka waramay, in dhismahaasi noqon doono xarun ganacsi, isaga oo tilmaamay in dherarkiisu noqon doono, sadex boqol iyo labaatan mitir.

Maamulaha shirkada Shiinaha ah ee hirgalinaysa mashruucan ayaa muddada lagu wado in lagu dhamaystiro dhismahaas ku tilmaamay, afar sanadood ugu badnaan, waxaanu ku tilmaamay in arrimo farsamo oo kaliya laga wada hadlayo laakiin wax dhimani aanay jirin.

Dalka Ethiopia ayaa tan iyo intii uu talada dalkaas qabtay ururka EPRDF, ku talaabsaday horumar balaadhan oo dhinac kasta leh, waxaanu dalkaasi wakhti xaadirkan noqonayaa ka ugu horeeya dalalka qaarada afrika ee saxaraha ka hooseeya, waxaana si wayn horumarkaasi ku hir galay, hanka sareeya iyo dedaalka hogaamiyayaashii u kala danbeeyay dalkaas ee Meles Zenawi  iyo Hailemariam Desalegn, oo dhaxlay fikirkii Meles hirgalintiisana kaga dhabeeyay.

 

Wajaale News
Office:Hargeisa/Somaliland

COMMENTS
LINKS