|
|||||
WAJAALE NEWS
Caasimadaha Adduunka Dadkoodu ugu DaacadsanYihiin iyo Kuway ugu Khiyaamada
September 27, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News)Shandadahan oo ay ku jireen lacag xoogga ah ayaa laga daba keenay qofka tijaabaday wadday ee meel magaalooyinkaas ka mid ah kaga tegay si uu cilmi-baadhista loogu ogaado. Tiro dhan 16 caasimadood oo ay ku jiraan magaalooyinka Nw York, London iyo Mumbia ayaa daraasad cusub oo la sameeyey ku soo baxay inay yihiin caasimada shacabkeedu ugu daacadsan yihiin, kadib markii lagu tijaabiyey meelo ka mid ah shandada jeebka lagu qaato, kadibna loo soo celiyey dadkii laha. Shandadahan oo ay ku jireen lacag Shandadaha jeebka lagu qaato ee dhama 192 shandadood oo magaalooyinkan lagaga tegay ayaa kala badh ka mid ah dib loogu soo celiyey dadkii lahaa, balse natiijooyinkan tijaabadan ka soo baxday ayaa aad ugu kala gedisana magaalooyinka lagu tijaabiyey. Tusaale ahaan magalada Helsinki waxa 192 shandadood ee lagu tijaabiyey ka soo noqday 11 ka mid ah, halka magaalada Lisbon ay ka soo noqotay shandad kaliyi, balse magaalada Mumbia ee dalka Hindiya ayaa noqotay caasimadda labaad ee dadkeedu ugu daacadsan yihiin, kadib markii ay ka soo noqdeen 12 shandadood oo midkiiba ay ku jireen 3000 Rupee, magaalada Zurich ee dalka Sweitzerland waxa ka soo noqday afar shandadood. Haddaba, caasimadda ugu daaccadsan iyo kuwa ugu khariban waxay u kala dhaceen sidan 1. Helsinki, Finland ? waxa ka soo noqday 11 ka mid ah 12 shandood oo lagu tijaabyey 2. Mumbai, India – 9 sagaal ka mid ah 12 shandood ee lagu tijaabiyey 3. Budapest, Hungary – 8 sideed Shandadood 12 shandood ee lagu tijaabiyey 3. New York City, USA – 8 ka mid ah12 shandood ee lagu tijaabiyey 5. Moscow, Russia – 7 ka mid ah 12 shandood ee lagu tijaabiyey 5. Amsterdam, Netherlands – 7 ka mid ah 12 shandood ee lagu tijaabiyey 7. Berlin, Germany – 6 ka mid ah12 shandood ee lagu tijaabiyey 7. Ljubljana, Slovenia – 6 ka mid ah 12 shandood ee lagu tijaabiyey 9. London, UK – 5 ka mid ah 12 shandood ee lagu tijaabiyey 9. Warsaw, Poland – 5 ka mid ah 12 shandood ee lagu tijaabiyey 11. Bucharest, Romania ? 4 ka mid ah 12 shandood ee lagu tijaabiyey 11. Rio de Janeiro, Brazil – 4 ka mid ah12 shandood ee lagu tijaabiyey 11. Zurich, Switzerland – 4 ka mid ah 12 shandood ee lagu tijaabiyey 14. Prague, Czech Republic – 3 ka mid ah 12 shandood ee lagu tijaabiyey 15. Madrid, Spain – 2 ka mid ah 12 shandood ee lagu tijaabiyey 16. Lisbon, Portugal – 1 ka mid ah 12 shandood ee lagu tijaabiyey
Wajaale News Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|