Burco :Shaqaalihii shirkada shidaal baadhista ee Gannel Energy oo mar kaliya maanta si lama filaana uga soo baxay xarumihii shidaal baadhista ay ka wadeen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Burco :Shaqaalihii shirkada shidaal baadhista ee Gannel Energy oo mar kaliya maanta si lama filaana uga soo baxay xarumihii shidaal baadhista ay ka wadeen
September 7, 2013 - Written by Wariye:

Burco(Wajaale News)-Waxaana maanta duhurkii mar kaliya ay bulshada magaalada Burco ka war heshay kolonyada gaadiidka ah oo siday qalabkii iyo agabkii ay istcimaalayeen mudadii ay wadeen hawsha shidaal baadhista oo ku sii jeeday magaalada Berebera

Burco :Shaqaalihii shirkada shidaal baadhista ee Gannel Energy oo mar kaliya maanta si lama filaana uga soo baxay xarumihii shidaal baadhista ay ka wadeen iyo maagalaada Burco oo ahayd xarunta ay deganaayeen.

Waxaana maanta duhurkii mar kaliya ay bulshada magaalada Burco ka war heshay kolonyada gaadiidka ah oo siday qalabkii iyo agabkii ay istcimaalayeen mudadii ay wadeen hawsha shidaal baadhista oo ku sii jeeday magaalada Berebera ee xarunta Gobolka Saaxil.

Bixitaanka shaqalahani hay?ada Gannel Energy ayaan la ogayn sababta rasmiga ah ee bixitaankeeda keentay xiligani balse waxa hadana ilaa shalay soo baxaysay hadalhaynta inay dalka ka baxayaan ka dib markii ay ka soo guureen Xarunta Naqdhabiijo oo ahayd oo fadhiisinka ugu weyn ee laga hagayay shaqaalaha kala gadisan ee shidaal baadhista ka waday goobo kala duwan.

Dhinaca kalena Xukuumada Somaliland ayaan iyadu weli ka hadlin arintani cusub ee ka soo baxday shirkadii shidaal baadhita ee gannel Energy.

Waxana Bixitaanka shaqalahani shirkada sahaminta shidaalka ee Gannel Energy Ku Soo Beegmaysa xili Maalintii shalay ahayd Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee ucid uu shaaciyay in shidaal baadhista dalka laga wadaa tahay mid ay wadaan shirkado sharci daro oo ah oo calooshood u shaqaystayaal waxaana si wayn loo wada eegi donaa jawaabta xukuumadu ka bixin doonto arintani iyo weliba burburka heshiiskii ay sheegtay inay hore ula galeen shirkadaha shidaal baadhista wada.

 

Wajaale News

Office Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
LINKS