Burco: Madaxweyne Siilaanyo oo Maalintii 3aad ku sugan Burco, Saakana Mashaariic badan furay, qaar dhagax dhigay kuwo kalena xadhiga ka jaray +SAWIRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Burco: Madaxweyne Siilaanyo oo Maalintii 3aad ku sugan Burco, Saakana Mashaariic badan furay, qaar dhagax dhigay kuwo kalena xadhiga ka jaray +SAWIRO
September 17, 2013 - Written by editor

madaxweynuhu waxa uu maanta dhagax dhigay Saddex iskuul oo ay 2 ka midi yihiin Secondary School loo dhisay xafadaha Saleeban kulul iyo October, Madaxweynuhu wuxuu guddida horumarinta ku wareejiyey 4 Cagaf-cafag oo kala duwan oo ay ugu talo gashay Hay?adda Wadoonyinka ee Wasarada Madaxtooyada  Hoos tagta..

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo weftigii ku wehelinaayey Safarkii shaqo ee ay maalmaahanba ku joogeen gobolka togdheer ayaa maanta waxa uu halkii ka sii waday dedaalkii iyo dhiirigelintii uu madaxweynuhu ugu kicitimay gobolada dalka qaar ka mid ah halKaas oo uu madaxweynuhu maanta dhagax dhigay Saddex iskuul oo ay 2-ba ka midi yihiin Secondary School loo dhisay xafadaha Saleeban kulul iyo Xaafada October , sidoo kale madaxweynuhu wax au dhagax dhigay Dugsi hoose dexe ooo loogu talo galay xaafada Maxamed Cali.

 

intaasi ka dib waxa uu madaxweynuhu u dhaqaaqay dhanka wadada hada hawsheedu socote ee Oodweyne oo isku xidhi doonta Burco ilaa Hargeysa oo maanta Madaxweynuhu uu ku wareejiyey 4 Cagaf-cafag oo kala duwan oo ay ugu talo gashay Hay?adda Wadoonyinka ee Wasaada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Wasiirkana uu ka yahay Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo madaxweynaha ku soo dhaweeey wareejinta Cagaf-cagaf-yadan.

halkaas oo madaxweynuhuna uu ku wareejiyey Gudida Wadadaasi Afarti Fure ee Cagaf-cagaf yadasi Gudoomiyaha Gudida Wadada Oodweyne Oday Maxamuud Aadan Dheri.

intaasi ka dib madaxweynuhu waxa uu ku soo noqday magaalada Burco isaga oo halkii ka sii waday hawlihii shaqo ee uu saaka mashariicdaasi waxqabadka ah ku dhagax dhigaayey waxaana ka mid ahaa Dhul cabirkiisu yahay 250 Balaadho oo laga dhisaayo 200 oo guri oo ay dawlada hoose ee burco u soo rari doonto marka la dhamaystiro dadka ku jira guriyihi dawlada ee loo baahnaa in ay noqdaan xafiisyo dawladeed, balse ay hore u surageli wayday in laga raro maxaa yeelay dadkaasi wadad aad u jilisan o anay suuragal ahayn in meel cidla ah la dejiyo.

hadaba si loo helo Xafiisyadii ay xukuumadu ugu shaqyan lahayd dadka gobolka ayey dawlada hoose iyo UN-Habitat iska kaashadeen dhismayaasha Guryahan oo ka kobnaan doona 3 Qol iyo Suuligii iyo Kijadii Hay?ada.

Intaasi ka dib waxa uu madaxweynuhu soo kormeeray oo kale laba gobood o kala ah Kawaanka Xoolaha lagu qali doono oo burco loo sameey oo hada dhismihisi dhaaystiran yahay marka laga tago xoogaa xaal xaal ah o u hadhay.    isaga oo madaxwynuhu uga sii Gudbay Jaamacada Burco University oo madaxweynuhu uu saxeexay Buug aad u qiimo badan oo ah buuga Waxbaqadka Gobolka cidii gacan ka geysataa ay saxeexaan sidoo kale waxa uu madaxweynuhu shahaado sharaf ay ugu talo galeen jaamacadu Gudomiyaha Gudidada wadada Oodweyne ahna Gudoomiyaha Jaamcada, mudane Maxamud Aadan Dheri iyo Maayarka Burco iyo Badha-saabka gobolka Togdheer oo madaxweynuhu gudoonsiyey Shahaado sharaftasi, ka dib waxa uu madaxweynuhu ku soo noqday Hotel City Palace- Burco.

dhinaca kale marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwo Amina Xaaji Maxamed Jirde amina Weris ayaa iyana waxa ay soo kormeertay isla maanta xarunta Agoomaha ee Magaalada Burco loo dhisaayo oo ay gacanta ku hayso.

Wajaale News Desk
Contact Us : Wajalenews@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS