Ambassador Axmed Cigaal Oo Xukuumadda Xasan Sheekh Ku Eedeeyey Dawaro iyo lacag Urursi ay Dunida ku Hagardaaminayso | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ambassador Axmed Cigaal Oo Xukuumadda Xasan Sheekh Ku Eedeeyey Dawaro iyo lacag Urursi ay Dunida ku Hagardaaminayso
September 20, 2013 - Written by Wariye:

axmed xasan cigaalHargeysa:(Wajaale News)Axmed Xasan Cigaal Oo ahaa safiirkii Hore Somaliland ugu Fahiyi jirey Magaalada Bejing ee Dalka Chine ayaa sheegay in shacbka reer Somaliland ku tallaabasadeen horumar iyo isku kalsoonaan badan.
Ambassador Axmed oo haatan ah xubin sare oo ka tirsan xisbiga Waddan, ayaa isagoo khadka Telefonka ugu warramayey shabakadda wararka ee Qurbejoog.com ayaa xukuumadda somaliya ku eedeeyey inay qarafaysi iyo lacag urursi ku daalisay dunida kale, isagoo tilmaamay in Somaliland aanay cidna waxba ka sugaynin, islamarkaana gaadhay Nabadgelyo buuxda oo aan qarsoonayn, “Ninka xasan(madaxweynaha soomaaliya)  Habeenkii uu dhiisha madhan la dhex taagnaa Brussels, Madaxweynaheenu waxa uu Safar shaqo ku marayey Gobolada iyo Degmooyinka dalka, isagoo Bulshadiisa ku dhiirrigelinaya innay waxa wada qabsadaan.”  Ayuu yidhi ambassador axmed cigaal.
Sidoo kale waxa uu Ambassadorku soo dhaweeyey Dareenkii toolmoonaa ee shacabka reer Somaliland kaga jawaabeen dhismaha waddooyinka dalka iyo sidii ay ugu badheedheen inay qaybtooda qaataan, waxana uu yidhi, “waxa  dareen gaar ah oo muwaadinimo  samaynaysay Sidii ay dadku ugu yaboohayeen qof waliba waxa uu hayo si loo horumariyo waddooyinka dalka, loogana maarmo gacan shisheeye iyo dawarsi dal kale, arrintaasina waa waxa ay shacabka reer Somaliland heerkaas fiican ku soo gaadheen.”
Ambassadorka oo Hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “isku duubnidaa shacbigu iyo u dabranaantaas wanaagga iyo horumarku waxa ay caddaynaysaa inaanay Somaliland Dib uga soo laabmaynin Goonni isu taagga ay ku tallaabsadeen, diyaaarna aanay u ahayn in wax loo yeedhiyo oo hoggaankooda iyo taladooda gacanta ku haystaan.”
Waxa kale oo uu Ambassadorku cambaareeyey Hannaanka uu caalamku taageerada indho la’aanta ah u siiyo Dawladda Somaliya oo uu sheegay inaanay jirin wax awood iyo maamul ah oo gacanta ugu jiraa, waxana uu yidhi,  “Aduunweynuhuna waxa uu ictiraafay oo lacag ku kiilayaa dawlad ciidamo ajaanib ahi ilaalinayaan oo aan xaafadaha muqdisho ka wada talin, Dadkan iyo qarankani waxbay qabsadeen, waxa gaadheen heer ay mudan yihiin in la qiro waxa ay qabsadeen, mana istaahilaan in la hor lulo Dawlad dhawr Km Ka talisa.”
Ugu dambayntii waxa uu ambassador Axmed ka hadlay safarkii Madaxweyne Siilaanyo ugu kicitimay Gobolada Dalka Qaar ka mid ah, waxan uu ku sheegay mid horumar leh, waxana uu yidhi,  “Safarka madaxweynuhu waa mid lagu toosinayo dadku reer Somaliland inay gacmaha is qabsadaan oo u diyaar garoobaan inay dalkooda dhistaan, kana maarmaan Gacan shisheeye, waana arrin muujinaya inay nahay dad wax-qabad u diyaar ah oo  isku tashanay.”

Wajaale News

Hargeysa Office

COMMENTS
LINKS