|
|||||
WAJAALE NEWS
Al-Shabaab Iyo Kenya Oo Ku Muransan Dhimashada Samantha Lewthwaite Oo Ah Hogaamiyihii Al-Shabaab Ee Hawlagalka Oo La Sheegay In Maydkeega Lagu Arkay Dabaqa Saddexaad Ee Westgate
September 24, 2013 - Written by editorAl-Shabaab Iyo Kenya Oo Ku Muransan Dhimashada Samantha Lewthwaite Oo Ah Hogaamiyihii Al-Shabaab Ee Hawlagalka Oo La Sheegay In Maydkeega Lagu Arkay Dabaqa Saddexaad Ee Westgate
Daqiiqado kadib markii warkan ah inay dhimatay gabadhan ay soo baxday ayaa Kooxda Shabaab oo xadhiidh la leh AlQacida isla markaana weerarkan sheegatay ay beeniyeen warka ah in ay dhimatay
Wargayska ayaa soo xiganaya Saraakiil Kenyan ah, waxaana warka uu intaas ku darayaa in gabadha ladilay ay xijaaban tahay. Xogta ayaa sidoo kale waxaa faafisay Wakaalada Warraka Reuters, waxaana la leeyahay meydka yaala gudaha dhismaha waa Samantha Lewthwaite oo ah gabadh uu qabay nin is qarxiyay oo lagu magacaabi jiray Jermaine Lindsay, taas oo ahayd gabadh aad ay ubaadi goobayeen ciidamada Kenya isla markaana howlgalkan hogaaminaysay. Waxaa kale oo jirta xog sheegaysa in laga yaabo in qofka meydka ah uu yahay ruux cadaan ah oo loo galiyay dhar uu watay mid kamid ah kooxihii weerarka soo qaaday. Saraakiisha amaanka Kenya oo la weydiiyay hadii meydka dhismaha lagu arkay ay tahay Lewthwaite, ayaa waxaa ay sheegeen “ma garanayno inay iyada tahay” Daqiiqado kadib markii warkan ah inay dhimatay gabadhan ay soo baxday ayaa Kooxda Shabaab oo xadhiidh la leh AlQacida isla markaana weerarkan sheegatay ay beeniyeen warka ah in ay dhimatay Lewthwaite, Bogooda Twitterka ayay ku yiraahdeen “Lewthwaite waa safe wax dhibaato ahna ma qabto. Arintan ayaa imaanaysa xili ciidamada gaarka ah ee Kenya ay weerar ku qaadeen xarumaha ay ku sugan yihiin kooxda weerarka soo qaaday, isla markaana laga sii daayay dad lahaystayaal ahaa Dad goob joogayaal ah waxaa ay sheegayaan in ku dhawaad afar qarax oo waa weyn iyo kuwa kale oo yar yar ay dhismaha ka dhaceen. Sidoo kale dagaal toos ah ayaa galabta iyo caawa laga maqlay dhismaha Westgate halkaas oo wali ay ku jiraan kooxihii weerarka soo qaaday Wali waxaa gubanaysa qeyb kamid ah dhismaha oo maanta qaraxyada ay saameeyeen, waxaana la arkayaa qiiq cirka isku shareeray. Wasiirka Arimaha Gudaha Kenya Joseph Ole Lenku ayaa goordhow sheegay inay dileen sedex kamid ah kooxda weerarka soo qaaday isla markaana ay dhamaan bad baadiyeen dadkii lahaystaasha ahaa ‘waxaan sheegaynaa in howlgalka uu haatan ku dhow yahay dhamaad, dhamaan dabaqa anaga ayaa haysana, argagaxisada waa ay cararayaan iyagoo isku qarinaya baqaarada, mana jirto qol ay ku fakan doonaan” ayuu sheegay Wasiirka Arimaha gudaha Hay’ada Red Cross ayaa hoos udhigtay tirada dhimashada, waxaana hatan lasheegayaa inay 62 tahay, waxaa la la’yahay 63 ruux halkan 175-na ay dhaawac yihiin, dadka dhaawaca ah waxaa ku jira caruur. Waxaa jirta cabsi ah in ay soo baxaan dad dhintay oo ku jira dhimsha, ciidamada amaanka ayaana haatan baaritaan ku wada. Related posts:DAAWO;-Maxamuud Xaashi Oo Shaaciyay In Uu Usharaxan Yahay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Muxuuse Ka Yi... Maxkamadda Sare Ee Jsl Oo fadhigii labaad Ku Dhagaysatay Dacwadaha La Xidhiidha Natiijadii Doorashad... Daawo:Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Kulankii Saaka ay Yeesheen Sadexda Xisbi Qaran Iyo Waxa Ay ka... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|