Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Dhanliyarada , Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Oo Soo Kormeeray Goobaha Aasaarta Qadiimiga Ah Ee Laas-geel. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Dhanliyarada , Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Oo Soo Kormeeray Goobaha Aasaarta Qadiimiga Ah Ee Laas-geel.
September 4, 2013 - Written by Wariye:

Hargaysa(Wajaale News):- Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhanliyarada, Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Axmed Xuseen (Dhabeeye) oo uu wehelinayo Agaasimaha Waaxda Dalxiiska Ibraahin Shide ayaa manta kormeer shaqo ku tagay xarunta aasaarta qadiimiga ah ee laas-geel.

Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale halkaasi kula kulmay Georgina Jamieso oo u dhalatay Wadanka Scottland kana socotay haayada magaceeda la yidhaa Dunira Strategy  oo ka shaqaysa horumarinta dalxiiska .

wasaarada dhakinyarada
Ka dib markii agaasimaha guud iyo xubnaha la socdayba ay soo kormeereen godadka ay ku xardhan yihiin aasaarta qadiimiga ah ayaa waxa ay halkaasi kula hadleen saxaafada .

Ugu horayn Agaasimaha waaxda dalxiiska Mudane Ibraahin Shide ayaa uga warbixiyey waftiga goobihii ay soo mareen ee deegaanka laas-geel  isagoo sheegay in sawirada ku xardhan godadku ay yihiin kuwo cadaynaya in dad hore ay ku noolaayeen dalkeena wakhtiyadii hore .

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhanliyarada,Ciyaaraha Iyo Dalxiiska oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay  in markii hore goobtani ay daahfurtay haayad faransiis ah imikana ay rajaynayaa in iyada iyo kuwo kaleba dalka yimaadaan goobo cusubna daah-furaan .

Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale bulshada reer Somaliland iyo dalxiisayaasha kaleba ugu baaqay in bookhashada goobaha dalxiiska u maraan sifo sharciya oo ay marka hore soo maraan foonkana ka soo goostaan wasaarada Dhanliyarada , Ciyaaraha Iyo Dalxiiska isla markaana ay lacagta dalxiiska ku soo bixiyaan wasaarada Maaliyada qayteeda cashuuraha Bariga kana soo goostaan warqada Cadaynta , waxaana uu agaasimaha guud ugu baaqay shaqaalaha goobaha dalxiiska in aanay cid aan sidan warqada cadaynta aanay u fasixin goobahaasi .

Gabagabdiina  Georgina Jamieso oo ah madaxa cilmi baadhista Haayada Dunira Strategy   ayaa sheegtay in ay maanta halkan u timi kormeer balse shaqaalaha haayadu wakhtiyada soo socda ay iman doonaan dalka wasaaradana ay kala shaqan doonaan dhinaca horumarinta dalxiiska .

 

Wajaale News

Office Hargeysa Somaliland

COMMENTS
LINKS