WAJAALE NEWS
Bixitaankii iyo Joogsigii Sahaminta Shidaalka iyo Duulimaadka Ethopia Airline iyo Xogaha Ku Duugan Musuqmaasuq ay Ka Dareemeen Maamulka Somaliland
September 12, 2013 - Written by editor
Haseyeeshee, waxa isaguna Si cadho leh uga hadley Shirkan Jaraa,id Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada Somaliland Cismaan C/laahi Saxardiid(Cadaani), oo daaha ka rogey in Bixitaanka Shirkada Sahaminta Shidaalka ee Genal-Energy ay sabab u ahaayeen Xisbiyada Mucaaridka Somaliland
Hargeysa(WJN)-Xukuumada Somaliland ayaa markii u horeysay maanta Si cadho badani ka muuqato uga jawaabtey, hadalada ku wajahnaa fursada ay Xisbiyada Mucaaridku uga faa,ideysteen bixitaankii Shirkada Sahaminta Shidaalka ka wadey Gobolada Bari ee dalka iyo waliba hakadka kuyimid Duulimaadkii Diyaarada Ethopian Airline, oo rakaab badani ugu xaniban yahey Gudaha Caasimada Hargeysa.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir(Cakuse), ayaa Shir jaraa,id oo uu maanta ku qabtey Xarunta Wasaarada Warfaafinta Somaliland waxa uu kaga Jawaabey labadaa Qodob oo goldoloolo badani kasoo Waajahay Xukuumada isagoo Wasiirku carabka ku adkeeyay in wadahadal ay kujiraan Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo uu Wehelinayo Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale iyo waliba Madaxda Shirkada, taas oo aanu Wasiirku faafaahin ka bixin ujeedada nuxurka wadahadladaas iyo asbaabaha ugu waaweyn ee kalifey ka bixitaanka ay Markilaya Go,aanka ku qaateen isagoo u guud marey in khaladaad dhici karo ama la is diidi karo amaba la isku dhici karo.
Haseyeeshee, waxa isaguna Si cadho leh uga hadley Shirkan Jaraa,id Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada Somaliland Cismaan C/laahi Saxardiid(Cadaani), oo daaha ka rogey in Bixitaanka Shirkada Sahaminta Shidaalka ee Genal-Energy ay sabab u ahaayeen Xisbiyada Mucaaridka Somaliland oo farta ugu fiiqey sida uu hadalkiisa u dhigay in Dalka Somaliland ay kajirto Nabedgelyo daro.
“Waxa ay Shirkadahani ka Qaadanayaan hadaladani waa Xisbiyada Mucaaridka ah oo (puplic) iyagu aan xishooneyn oo dalkooda iyo dadkooda u daneyneyn Mucaaridnimo si ay Kursi helaan iyo si ay dadka u kiciyaan awgeed mooyaane wax walba ku saleeynaya nabedgelyo iyo waxyaabo kale oo aan meesha oolin ninka doonaya inuu kursiga wadankan ku fadhiisto oo madax ka noqdo ama Wadani ha noqdo ama Ucid ha noqdo ama nin kale oo iyaga la Xidhiidha ha noqdo inay ku khamaaraan waxa qudha ee aynu ku faano hadeynu dal iyo dad nahey oo ah nabedgelyada Somaliland waxey tahey”Ayuu Yidhi Cadaani.
|
|
Hadaba marka si dhab ah loo Tixraaco hadalka Kasoo yeedhay Wasiiru Dowlaha waxa oo uu iftiimiyay in ay Shirkada Genal Energy dalka uga baxdey arinta dhinaca amaanka ee carabka loo badinayay isagoo eeda arintaasina dusha ka saarey Xisbiyada Mucaaridka ah, iyadoo aynu ognahey in ay Xisbiyada Mucaaridka ahi gaar ahaan Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Fayasl Cali Waraabe ka hadley ka hor intii aanay Shirkadaasi bixin in ay wax badani ka khaldan yihiin nidaamka loo wado Howshaasi sahaminta Shidaalka ee Gobolada Barri oo aaney jirin habyaraatee Wacyaglin loo sameeyay Dadweynaha Deegaanada ay Shirkadu ka howl galeysey iyadoo ay muuqdeen dhaqdhaqaaqyo lagaga hor yimid howshaasi oo gaadhey xabad, inkastoo Wariyayaasha ku sugnaa Shirkaa jaraa,id ee Wasiiradu qabteen aanay weydiinin labada Wasiir in ay jireen falal dhinaca amaanka ah oo lagaga hor yimid Shirkadani markii hore iyo markii dambeba islamarkaana, aanay Shirkadan Genal energy iyo howsheedani aheyn mid la hor keenay Golaha Wakiilada Somaliland, waxey xogo badani daah furayaan in ay jireen kharashaad malaayiin dollar ah oo ay Shirkadani horaantii ku bixisey arimaha amaanka iyo in Deegaanada howsha laga wado iyio Shacbigoodaba u qabtaan adeegyo dhinaca Arimaha Bulshada ah.
|
|
Sikastaba ha ahaatee waxey fadeexada ugu Weyni ka taagneyd, hakadka kuyimid duulimaadkii Diyaarada Ethopian Airlines oo ay Caasimada Hargeysa gudaheeda ugu xanibnaayeen laba boqol oo qof dad gaadhaya oo isugu jira caruur haween, dad xanuunsanaya, kuwa jilicsan iyo dad kaleba dhamaantoodna ay ka Xanibmeen beylahdoodii hadey tahey shaqooyin hadey tahey Waxbarasho iyo hadey tahey Muraad safarkoodu kalifeyba Waxaana Xusuus mudan in Maalintii ugu horeysay ee ay Soo fadhiistey Madaarka Caasimada Hargeysa Diyaarada Ethopian Airline uu Wasiirka Duulista Hawada Somaliland u diyaariyay Baylootkii diyaaradaasi dhamaanba Warbaahinta Somaliland taas oo uu siwanaagsan hadalka u furey haseyeeshee, uu mar kaliya Wajigiisu is badelay markii uu si fiican u dhugtey hadalka Wasiirka oo ay ku jireen tirtirsiiyo, baanis faan, iyo gabayo tilmaan ka bixinaya in ay fari ku godan tahey Mashruuca Dhismaha Madaarka Hargeysa, “Waxba yaanu xeerna i marin Xoolana isiine Xaashaa ba,e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe”iyo hadalo kale oo dirir badani ka muuqato, isagoo Wasiirku u muuqdey in uu halmaan san yahey in uu luuqado badan yaqaan Beylootka Itoobiyaanka ahi xataa hadey af Soomaaliga tahey.
Gabagabadii Waxaan marnaba ka madhneyn Dhismaha Garoonka Diyaaraduhu ka haadaan soona caga dhigtaan ee Caasimada Hargeyasa Musuqmaasuq badan marka loo eego kharashka uu in badan ku celceliyay in dhismihiisu ku baxey ee afar milyan iyo dheeraadka ah, Waxaana ay Dadweynaha Reer Somaliland intooda badani ka milicsadeen Talafishanka Madaxa Banaan ee Horn CableTv dhismaha Madaarka Jigjiga oo ay ku baxdey lacag kayar tan lagu Sheegay Madaarka CaasimadaHargeysa.
|
|
Related
COMMENTS
|
|