| WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
September 6, 2013 - Written by editor
SHARIIKADII CAANKA AHAYD EE TELEPHONDA GACANTA NOKIA OO LA IIBSADAY

 

Nokia waxaa iibsatay Shirkada weyn ee Microsoft ee soo saarta Barnaamishyada Compuyuterada iyo qalabka isgaarsiinta ah ee aalada internetka taas oo iyana laga leeyahay dalka Mareeykanka HOOS KA DAWO ……

Waxaa lacag aad u farabadan badan lagu iibsaday shirkada caanka ah ee soo saari jirtay Telefoonada gacanta ee loo yaqaan NOKIA taas oo laga lahaa mid ka mid ah dalalka Yurub gaar ahaan wadanka Finland.
Shariikada NOKIA waxaa sanadahan dabe ku habsaday hoos u dhac dhaqaale waana tan sababtay in la iibsado NOKIA. hadab yaa iibsaday nokia.

Nokia waxaa iibsatay Shirkada weyn ee Microsoft ee soo saarta Barnaamishyada Compuyuterada iyo qalabka isgaarsiinta ah ee aalada internetka taas oo iyana laga leeyahay dalka Mareeykanka . In ka badan 32.000 oo shaqaalihii Nokia ah ayaa u wareegaya dhanka xafiiska shirkada Microsoft ee gudaha dalka Mareeykanka .

Qiimaha laga baxshay shirkada Telefoonada gacanta ee NOKIA oo mudo dheer caan ka ahayd aduunka ayaa waxaa lagu sheegay 5 Bilyan oo Euro waxaana iibsiga iyo xaraashka lagu sameeyay shirkada Nokia Waxaa warkan ku tilmaayay naxdin iyo taariikh madoowa oo soo waajahday wadanka filand wasiirka ganacsiga dalka Finland Mr. Jan Vapaavuori .

 

 

Wajaale news Desk

 

 

 

COMMENTS
LINKS