|
|||||
WAJAALE NEWS
September 4, 2013 - Written by Wariye:
Hargeysa(Wajaake News) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Oo Maanta Shahaadooyin Gudoon Siiyay 415 Arday Oo Ka Qalin Jabiyay Jaamacadda ADMAS ee Magaaladda Hargeysa. Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khudbad ka jeediyay xafladaasi ayaa ugu horayn bogaadiyay ardayda qalin-jabisay oo uu ku tilmaamay kuwo aqoon u soo kordhin kara dalka, waxaanu yidhi ?Waxa sharaf weyn ii ah inaan ka soo qeyb gallo xafladan qiimaha iyo qaayaya leh oo intaas oo arday ah oo dalka wax ku baratay oo dalka wax u baratay ay maanta ku qalin-jabisay waxaanan rajaynayaa inay noqdaan qaar dalka iyo ummaddaba anfaca. Marka u horraysa waxaan idiin soo jeedinayaa hambalyo, ILAAHAY-na waxaan ka baryayaa inuu idinka dhigo kuwii dalka iyo dadkaba anfaca ee waxtara dalka.? ?Waxaan idiin rajaynayaa inaad fursad u heshaan oo aad wax-qabataan, idinka oo ah Hoggaamiyeyaashii mustaqbalka dalka. Waxaan hambalyo iyo ammaan aad u balaadhan-ba u dirayaa macalimiintii, maamulkii iyo cid kasta oo gacan ka geysatayba waxbarashadiina,?ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inay xukuumadda Somaliland ka go?an tahay inay si joogto ah u dhiiri-geliso taabo-gelin iyo kor u qaadista waxbarashadda dalka, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi ?Dawladda Somaliland waxay balan-qaadaysaa, horena uga muuqatay inay dhiiri-gelinayso waxbarashadda dalka, si ay dhalinyaradeenu u noqdaan qaar dalka iyo dadkaba anfaca oo aan haajirin oo aan badda isku tuurin oo aanay noqon qaar tuugo iyo xumaan u dhaqaaqa. Maskaxdiina, ra?yigiina iyo hogaamintiina ayaanu sugaynaa inshaalaahu tacaalaa. Waxaanan ILAAHAY ka baryaynaa inuu dhammaanteen innaga dhigo kuwii guulaysta. Waxaanan mar labaad hambalyo u dirayaa maamulkii iyo macalimiintii jaamacadan aad ka qalin-jabiseen.? Guddoomiyaha Jaamacadda ADMAS qeybteeda Hargeysa Ixsaan Cumar Ismaaciil oo ka hadlay xafladaasi ayaa dhambaal hambalyo ah u diray ardayda ka qalin jabisay jaamacadda ADMAS, waxaanu tilmaamay in ducfadan oo ahayd tii shanaad ee ka baxda jaamacadda ay wax ka barteen kulliyaddaha Ganacsiga, Maamulka iyo Maareynta, IT-ga iyo kuwo kaleba. Guddoomiyaha Jaamacadda ADMAS waxa uu sheegay in ardaydani ay dedaal badan sameeyeen mudadii ay waxbaranayeen. ?Jaamacadda ADMAS waa Jaamacad leh tayo iyo waxbarasho lagu soo hiran karo maantana waxaan u fadhinaa daadihinta dufcaddii 5aad ee ka qalib jabisay Jaamacadda Admas,? ayuu yidhi Gudoomiye Ixsaan Cumar. waxa isaguna xafladaas ka hadlay maamulaha guud ee Jaamacadaha ADMAS Mr Molla Tsegaye oo ka yimid Magaaladda Addis Ababa, waxaanu sheegay inuu ka maamul ahaan ku faraxsan yahay inuu illaa halkaa uga yimid sidii uu ardayda ula wadaagi lahaa farxadda qalinjabintooda. ?Waxaan maanta Aad iyo Aad ugu faraxan nahay inaan idin kala soo qaybgalo faraxadda qalinjabintiina oo ahmiyad weyn inoo wada leh dhammaanteen,? ayuu yidhi maamulaha guud ee Jaamacadaha Admas Mr Molla Tsegaye. Sidoo kale waxa xafladaasi ka hadlay aasaasaha jaamacadda ADMAS faraceeda Hargeysa Cadnaan Daahir Axmed iyo Wasiirul dawlaha wasaaradda waxbarashadda Somaliland kuwaasi oo ka hadlay ahmiyadda ay waxbarashadu u leedahay bulshadda isla markaana hambalyo u diray ardayda qalin jabisay
Wajaale News Office Hargeysa Somaliland Related posts:Garabka La Baxay Badbaadada Xisbiga Waddani Oo Dacwad Ka Dhan Ah Gudoomiye Cirro U Gudbiyay Gudida D... Dadweynaha Degmada Tog wajaale Sideebay U Dareemeen Maamulka Cusub Ee Loo Magacaabay Iyo Dareenka So... DAAWO; Mo Farah Oo Soo Bandhigey Waxyaabaha U Sahla Inuu Guulo Ka Gaadho Tartanada Ciyaaraha. Muxuu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|