|
|||||
WAJAALE NEWS
Yaa lahaa masuuliyada baaqashada kulankii la filaayey inuu xalay Qasriga Madaxtooyada ku dhexmaro Madaxweyne Siilanyo iyo Asaasayasha Golaha wadatashiga
August 1, 2013 - Written by editorYaa lahaa masuuliyada baaqashada kulankii la filaayey inuu xalay Qasriga Madaxtooyada ku dhexmaro Madaxweyne Siilanyo iyo Asaasayasha Golaha wadatashiga Hargeisa-(Wajaale-news)-Kulan maalmahan la hadal hayey inuu Qasriga Madaxtooyada ku dhexmari doono Madaxweyne Siilanyo iyo qaar ka mid ah Xubnaha ugu tunka waaweyn asaasayaasha golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka ayaa hakad iyo dibudhac ku yimi. Sababta dibudhaca kulankan oo la filaayey inuu habeenkii xalay qabsoomo ayaa loo tirinayaa dhanka madaxtooyada oo ka luqun diinlaynaysay kulankaas inuu u qabsoomi sidii iyo waqtigii loo qorsheeyay .
Sida xoggo hoose oo Wajaalenews heshay sheegeen waxaa intaas dheer muran hoose oo ka dhex istaadhmay koox salaadiina oo hawlahadhexdhexaadinta waday oo u kala jabsan labagarab oo qaarna hawshan dhexdhexaad ka yihiin qaarna xukumada isku jaal yihiin balse jilayaan inay qadiyadan wadahadlaka dhex ka yihiin. Isku soo wada duuboo isfahama-daraadaa ka taagan salaadiinta gudahooda iyo Qasriga Madaxtooyada oo aanay ka soo go’in, daacadna ka ahayn wadahadalo dhexmara siyaasiyiinta ku bahowday golaha wadatashiga ayaa dibudhacaa loo aanaynayaa.
WAJAALENEWS DESK wajalenews@gmail.com Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|