Xukuumada Somaliland Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadashay Koox Kubadda Koleyga Ah Oo Ka Socota Djibouti Oo Safar Ciyaareed Ku Timid Dalka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadashay Koox Kubadda Koleyga Ah Oo Ka Socota Djibouti Oo Safar Ciyaareed Ku Timid Dalka
August 24, 2013 - Written by editor

Waa markii ugu horeysay ee aanu xidhiidh saxiibtinimo la samaynay waddamada jaarka ah oo ay suurtagashay in koox ka socota waddanka Djibouti ay ciyaaro saxiibtinimo u timaado Somaliland.” Maxamed Xuseen Dhabeeye.

Berbera(WJN):-Koox kubada Kolayga oo ka socota dalka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa Maanta Jimcihii si diiran loogu soo dhaweeyey gegeda diyaaraha ee Magaalada Berbera,isla markaana loo soo galbiyey Caasimada Somaliland ee Hargeysa, si ay ciyaaro saaxibtinimo ula yeeshaan dhigooda.  

Mdaarka Magaalada Berbera waxa ku soo dhaweeyey masuuliyiinta Wasaarada Ciyaaraha oo uu hogaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Md.Maxamed Xuseen Dhabeeye oo uu wehelinayeen Agaasimaha waaxda ciyaaraha iyo qaar ka mida Xildhibaanada golaha deegaan Berbera iyo marti sharaf kale.

Kooxdan Kubadda kolayga ayaa lagu wadaa inay ciyaar saaxibtinimo la yeelato kooxaha kubadda Kolayga ee ka dhisan Caasimada Somaliland ee Hargeysa.  

Kooxda Kubadda Koleyga ee Reer Jabuuti Ka Socotey ee Socdaalka Ku Timid Somaliland

Munaasibadii soo dhaweynta Kooxdan Kubadda Koleyga Jabuuti  ayaa waxa ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye, waxaanu yidhi “Kooxdan dalka aynu jaarka nahay ee Djibouti waxay ciyaaro saaxiibtinimo la yeelan doonaan kooxaha Kubadda Kolayga ee Gashan iyo Asluubta.Si rasmi ah ayaanu ugu fidinay casuumad annagoo ka jawaabayna codsi nooga yimid Xafiiska gudoomiyaha Kubada Kolayga ee Dalka Djibouti oo ahaa inay ciyaaro saxiibtinimo layeelan doonaan walaalahooda Somaliland. Maalinta Axada iyo maalinta Salaasada ayay ciyaaro saxiibtinimo layeelanayaan kooxaha Gashan iyo Asluubta.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi”Waa markii ugu horeysay ee  aanu  xidhiidh saxiibtinimo la samaynay waddamada jaarka ah oo ay suurtagashay in koox ka socota waddanka Djibouti ay ciyaaro saxiibtinimo u timaado Somaliland. Arintanina waxay wax ka tari-doontaa is dhexgalka iyo wada-shaqeynta  saxiibtinimo ee labada dal.”

Md.Dhabeeye waxa uu soo jeediyey kooxaha kubadda Koleyga ee Gashan iyo Asluubtu iyo dhamaan shacab weynaha reer Hargaysa inay u diyaar garoobaan soo dhaweynta kooxda reer Djibouti ee markii ugu horeysay 22-sano ee ay Somaliland jirtay ku timid safar ciyaareed Caasimada  Somaliland ee Hargeysa.

Kooxdaan Kubadda Kolay ee ka socota Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxa hogaaminaya gudoomiyaha iyo gudoomiye kuxigeenka Xidhiidhka Kubadda Kolayga ee dalka Jabuuti waxaanay ka koobnaayeen 20 xubnood,waxaanay masuuliyiintaasi ka mahad-celiyeen hab maamuuskii aadka u sareeyey ee lagu soo dhaweeyey.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS