Xukuumada Somaliland Oo Ciidamo Xoogan Dul-dhigtey Degmada Agabar Si Ay U Carqaladeeyaan Shirweynaha Beelaha SACAD MUUSE Ee HOODAALE Iyo Dadweynaha Deegaankaasi Oo Ka Cadhoday. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Ciidamo Xoogan Dul-dhigtey Degmada Agabar Si Ay U Carqaladeeyaan Shirweynaha Beelaha SACAD MUUSE Ee HOODAALE Iyo Dadweynaha Deegaankaasi Oo Ka Cadhoday.
August 16, 2013 - Written by editor

waxaanay dadweynaha deegaankaasi xukuumada ku eedeeyeen inay faro-gelin toos ah ku hayso carqaladeynta qabsoomida shirweynaha beelaha Sacad Muuse oo la filayo inuu maalinta Axada ah ee fooda inagu soo haysa uu halkaasi ka furmo.

Hargeysa(WJN):-Xukuumada Somaliland ayaa la sheegay inay ciidamo xoogan dul-dhigtey degmada Agabar ee Gobolka oo maalmaha soo socda uu ka furmayo shirweynaha beelaha Sacad Muuse yeelanayaan.

Qaar ka mida dadweynaha ku dhaqan Magaalada Agabar iyo xubnaha guddida qabanqaabinaya shirka beelaha Sacad Muuse ee HOODAALE ayaa xalay u xaqiijiyey Hadhwanaagnews inay xukuumadu dul-dhigtey ciidamo xoogan oo ku hawlan kala daadinta shirweynaha goobtaasi ka qabsoomaya.  

Sidoo kale, Taliyaha qeybta Booliska ee Gobolka Gabiley iyo ciidan uu watay ayaa soo dul-dagay xalay degmada Agabar ee Gobolka Gabiley, waxaanay dadweynaha deegaankaasi  xukuumada ku eedeeyeen inay faro-gelin toos ah ku hayso carqaladeynta qabsoomida shirweynaha beelaha Sacad Muuse oo la filayo inuu maalinta Axada ah ee fooda inagu soo haysa uu halkaasi ka furmo.

Dadweynaha ku dhaqan degmada Agabar oo fidiyey go-gosha Shirka Beelaha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa ayaa la sheegay inay si weyn uga cadhoodeen Ciidamada ay xukuumadu dul-dhigtey shalay iyo xilka qaadista lama filaanka ah ee lagu sameeyey guddoomiyihii degmadaasi,Waxaanay ku doodeen inay xukuumadu faro-gelin qaawan ku hayso habsami u qabsoomida shirweynahaas oo loo bixiyey HOODAALE.

Waxa kale oo ay xuseen in ciidamada la dul-dhigay tahay hadidaad loogu-talagalay in lagu waxyeeleeyo shirka beelaha Sacad Muuse.

Sidoo Kale, Badhasaaabka Gobolka Gabiley Md. Yuusuf Ibraahim Geedi ayaa xilka ka qaaday shalay guddoomiyihii degmada Agabar Axmed Yuusuf Jaamac (Axmed Dheere), kadib markii sida la sheegayuu amar ku saabsan talaabadaas uu ka helay madaxda sare ee Dawlada Somaliland.

Arrintan ayaa ku soo beegantey wakhti qaban-qaabada shirweynaha beelaha Sacad Muuse ee HOODAALE laga dareemayo guud ahaan Somaliland oo lagu sii qul-qulayo degmadaasi si shirka looga qeybgalo, ayey hadana xukuumadu hawlaheeda iska wadataa.

Lama garanayo waxay xukuumadu ka dhex urisay shirweynaha beelaha Sacad Muuse, iyada oo ay hore u jireen beelo shirar noocaan oo kale ah qabsaday,kaas oo ay kaga tashanayaan aayahooda mustaqbal iyo isku xidhnaantooda.

KALA SOCO WAJAALE NEWS ARIMAHA KASOO KORDHA SHIRKA BEELWAYNTA SACAD MUUSE BARI KA FURMIDOONA AGABAR OO KA MID AH GOB, GABILEY

Wajaalenews Desk

Contact Us : wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS