Xukunka Lagu Riday Aqoon Yahan Jiir Waa Xoriyatul Qawlkii Oo Al-baabada Loo Laabay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukunka Lagu Riday Aqoon Yahan Jiir Waa Xoriyatul Qawlkii Oo Al-baabada Loo Laabay.
August 25, 2013 - Written by editor

Hadaba waxaa war aan lagu farxin si hose loga heelay maxkamadda degmada Hargeisa

 

Intii u soo baxay warkii naxdiinta lahaa ee lagu dulmiiyay aqoon yahan jiir oo ahaa wiil dhalin yaro ah oo intiisa ka weyn ,isla markaana ahaa mid lagu suurayn karo  qoraaga madaxa-banaan ayaa ahaa mid sii weyn iga dhiidhiya.dulmiga iyo siyaasad xummada ay dalka ku haayso maamulka siilaanyo oo u ban-baxay .cabuudhintaa rayuul-caamka,aqoonyahan jiir u iftiinka u ahaa .

Hadaba waa sidee qaabka lo xidhay iyo ka lo xukuumay,mr jiir ayaa la qaabtay labadii biishi barakaysnayd ee ramadaan ayaa lagaqabtay agaagarka qasriga madaxtooyada ayaa sidaa xoolaha lo taxabay xabsigga. Aqoon yahan jiir ayaa muddo bil iyo badh ah lagu hayay saldhigga dheexe ee Hargeisa mudaadasi oo dheerayd ayaan lagu oogiin wax-dacwad ah manu jiirin garyaqan u dooda aqoon yahanka

Hadaba waxaa war aan lagu farxin si hose loga heelay maxkamadda degmada Hargeisa.warkaasoo sheegay in aqoon yahan jiir lagu riday xukun cadaaladda ka fog,kaaso lagu xukumay afar sanno oo xadhig ah iyo hal-milyan oo ganax ah lama ogaa sababta ay u cuskatay maxkamaddu xadhiga aqoon yahanka balse sidaa ay iloo u dhun-daloola sheegen waxaa maxkamadda lagu war-galiyay ay ku xukunto afar sanno waxaana lagu salleeyay labada sanno ee u hadhay siilaanyo iyo labada la fiilayo in kordhisto.markii u xukunku dhacay ayaa lo dhaadhiciyay aqoon yahanka jeelka weyn ee Hargeisa intaasi uun kumma eekeyn balse ca-daawadda lo hayo aqoon yahanka ayaa loga sii kexeeyay jeelka loona dhaadhiciyay xabsigga mandheera.

Hadaba yaa ka danbeeyay xadhigga aqoon yahanka sidaa ilo lagu kalsoon yahay laga heelayo waxaa u kaasoo fuulay go?aanku wasiirka madaxtooyadda xirsi cali xaaji xasan  xataa la sheegay in marar badan ku hammiyay sidii u ammani laahaa maamulka u ka tirsan yahay waxaana intaas sii dheer in marar badan u ergo u diray aqoon yahanka kana codsadeen in u lacag qaatto balse u aqoon yahanku ka dhaggo adaygay tasani sababtay in markii labaad la xukummo

Aqoon hayanka ayaa ahaa mid ku sifoobay ruun sheegnimo isla markaana lagu tiiriyaa mid neceb dulmiga isaago  haddo jeer markay khaldanto ciid ka tirsan maamulka oo ay isku hayb ahaayeen u xaalka bixiin jiray waxaa bulshada Somaliland laga rabba in ay ka hadlan xaq-daradda lagula kacay aqoon yahanka isla markana warbaahintu ay faafiyaan macluumad la xidhiidha xadhigga aqoon yahanka dadka rauyidka ahna in ay fariiimmaha isagu diiraan SMS Facebook iyo meelkasto ay bulshadu ku kulaanto

Cabdi Asiis Bashiir Nuur

Tel 4144434

Ama c.casiis98@hotmail.com

Hargeisa/Somaliland

COMMENTS
LINKS