Xukumada Siilanyo oo Guryahooda kala baxday Ganacsato iyo Culimo caan ka ah Burco iyo halka la geeyay!.. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukumada Siilanyo oo Guryahooda kala baxday Ganacsato iyo Culimo caan ka ah Burco iyo halka la geeyay!..
August 21, 2013 - Written by editor

War degdeg ah. Xukumada Siilanyo oo Guryahooda kala baxday Ganacsato iyo Culimo caan ka ah Burco iyo halka la geeyay!..

 

Burco-(Wajaale-news)-Ciidamadda RRU-da iyo SPU-da oo is-garabsanaya ayaa Saaka waaberigii u daatey Guryo ku yaala xaafado ka mid ah magaalada Burco,soona qabqabtay Ganacsato iyo culimo waaweyn oo magac ku leh Togdheer,kuwaas oo loo qaaday ama loo dhaadhiciyey Jeelka Magaalada Hargeysa.

 

Ilo xogogaal ah ayaa Wajaalenews u xaqiijiyey in ciidamadu guryahooda kala baxeen Dhawr Qof oo uu ka mid ahaa Sheikh Siciid Axmed Jaar oo ah Ganacsade iyo weliba Shiikh si weyn looga yaqaano Gobolka Togdheer ,waxaa kaloo isna la qabtay Shiikh ka mid ah culimada Togdheer oo la yidhaahdo Ina Caarre.
Geesta kalena Sheikh Maxamuud Cabdilaahi Xagar oo isna ka mid ahaa dadka u qorsheynaa in xukumada Siilanyo qab-qabato ayaa gurigiisii oo ciidamadu u daateen ka waayeen,Hase yeeshee waxay kaxaysteen Caruur uu dhalay oo Arday Isguul ahayd.

 

Ilaa iyo hada ma jiraan warar rasmiya oo ka soo baxay dhinaca xukumada siilanyo,balse dhawr masuul oo ka tirsan xukumada oo Wajaaalenews xidhiidh Telefoon la sameysayna wey ka gaabsadeen arintaas iyo ujeedada rasmiga ah ee ay Xukuumadda Siilaanyo ka leedahay Qabqabashadda dadkan.

arintu si kasta ha ahaatee qabqabashada ganacsatadan iyo arday- isguul ka dhacday Burco ayaa ku soo beegantay xilli ay magaalada Burco gaadheen,kuna sugan yihiin wasiiro ka tirsan golaha xukumada Siilanyo oo uu horkacaayey Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan ,xubnana ka yihiin wasiirka xanaanada xoolaha iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukumada siilanyo.
Isku soow ada duuboo Sheekh Saciid Axmed Jaar iyo Sheekh Caarre oo ka mid ah dadkii xalay la qabqabtay,Jeelalka Hargeysana loo dhaadhiciyey ayaa xilligii xukumadii Rayaale talada dalka haysay sidan oo kale loo xidhay,Hase yeeshee mudo dhawr cisho ka diba la sii daayey markii waxba lagu waayey.

 

 

 

WAJAALE NEWS DESK

 

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS