xisbiga Waddani oo si kulul u canbaareyay falkii Xukumada Siilanyo kula kacday hooyoyinka mujahidiinta SNM, kana hadlay shirkada shiidalka ka qodaysa Bariga Somaliland‏ | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
xisbiga Waddani oo si kulul u canbaareyay falkii Xukumada Siilanyo kula kacday hooyoyinka mujahidiinta SNM, kana hadlay shirkada shiidalka ka qodaysa Bariga Somaliland‏
August 20, 2013 - Written by editor

xisbiga Waddani oo si kulul u canbaareyay falkii Xukumada Siilanyo kula kacday hooyoyinka mujahidiinta SNM, kana hadlay shirkada shiidalka ka qodaysa Bariga Somaliland‏
Xisbiga Muacaradka ee Waddani ,

Warsaxafadeed ka soo baxay Xisbiga mucaradka ah ee Waddani xafiiska laantiisa U S A

Xisbiga mucaradka ah ee Waddani wax uu si kulul u canbarayna falka foosha xun ee lagula Kacay qaarka mida Hooyooyinka ay ka tageen Mujahidiinti u geer yooday xornimadii dalkeenan Somaliland ee aynu manta ku nalonayano ,

Hoyooyinkaa oo is ku dayayay in ay caba shooyinkooda u gud biyaan Madaxtooyada somaliland,
Iyaga oo ka cabanayay dayac ay dayacday xukuumadu oo aan wax daryeela lasiin aya waxa ay is soo hortubeen aqalka madax tooyada halkaas oo lagu dalbaday askar boolisa loona taxabay Xabsiga iyaga iyo wariye isguna gudanayay how shiisa shaqo , wariye cabdi raxaman cisman dhaadhere,

Hadaba xisbiga mucaradka ah ee waddani waxa uu si kulul u can baaraynaya falka foosha xun ee lagula kacay hooyooyin ay ragoodii ku geryoodeen halgankii dheraa ee madaax wayne silaanyo ka mid ahaa hogamiyayshi xiliyada qaar hogaminayay SNM ,

Wax ayan dara ah in xisbiga kulmiye iyo madaxwaynuba ay ilaween balan qaadki ay u qadeen Hooyooyinka mujahidiin , uguna badleen xadhig iyo tacdi

Hadaba xisbiga mucaradka ah ee waddani wax uu farayaa xukuumada in ay u soo celiso xoriyadoodii sida u dhakhsaha badan,

Waxa kale xisbiga mucaradka ahi ee Waddani ka digaya shirkada shiidalka ka qodaya Somaliland ee buuqa ka abuuraya degaamo ka mida degamada somaliland gaar ahan gobolka Togdheer magalada Burco, in xukuumadu ka dig toonato in aanay ka abuurin is ku dhac ku yimada muuwadiliinta rer somaliland ee wadda degan degaanka, oo anay ka abuurin xasilooni daro horle ,

Xukumadu iyadaa ka masuula dalka iyo dadkaba ee waa in ay u dhaxaysa dadka deganka iyo Shirkadaa shiidalak ee doonaya in ay dul tuntaan dadka xoola dhaqatada ah

Waxanu farayna xukuumadu in ay u dhega nuglato cabashooyinka ka soo yeedheya dadka ku dhaqan degamadaa oo lagu dhamay tiro si xasiloni ku dhehantahay oo aan lagu dayin in xoog wax lagu maquuniyo, ,

Xidhidhiya guud north america iyo arima saxaafada.

mudane Salebaan Ali Bille

COMMENTS
LINKS