Xisbiga UCID Oo Sheegay Inay Tahay Wax Laga Xumaado Qaar ka mid ah Hooyooyinkii Mujaahidiintii SNM Oo La Xidhay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga UCID Oo Sheegay Inay Tahay Wax Laga Xumaado Qaar ka mid ah Hooyooyinkii Mujaahidiintii SNM Oo La Xidhay.
August 19, 2013 - Written by Wariye:

Hargaisa(Wajaale News)-xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa canbaareyey xadhiga qaar ka mida ah hooyooyinka mujaahidiintii ururka SNM ee ku guulaystay xoraynta dalka somaliland

Xisbiga cadaalada iyo daryeelka oo warsaxaafadeed uu soo saaray soo gaadhsiiyey shabakada wararka Hadhwanaagnews xafiiskeeda magaalada Hargeysa ayaa waxa uu u dhignaa sidan ?Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahey
windowtext 1pt; FONT-FAMILY: ´Arial Narrow´,´sans-serif´; BORDER-RIGHT: windowtext 1pt; BORDER-BOTTOM: windowtext 1pt; COLOR: #696868; PADDING-BOTTOM: 0in; PADDING-TOP: 0in; PADDING-LEFT: 0in; BORDER-LEFT: windowtext 1pt; LINE-HEIGHT: 115%; PADDING-RIGHT: 0in; mso-bidi-font-family: Arial; mso-border-alt: none windowtext 0in”>18/08/2013uu war Saxaafadeed uu si kulul ugu Canbaareynayaa Xadhiga Xaqdarada Ah ee loo geestey HOOYOOYIN Si Salmiya Cabasho ula hortagey Xarunta  Madaxtooyada

Hooyooyinkaas oo ahaa hooyooyinkii ay ka tageen Mujaahidiintii Naftooda u waayey Wadankan,iyaga oo doonayey iney Cabashadooda u gudbiyaan madaxweynaha Jamuriyada S/land oo ahaa Hormoodkii Halgankii ragoodu ku Nafwaayeen
Hooyooyinkaas oo Tirsanayey in ay xukuumadu ka gaabisey DARYEELIDII Caruurta ay ka tageen iyo in aan lasiin Xuquuqdii,Milgihii iyo Ixtiraamkii Ragoodii dhintey dalkan ku lahaayeen
Hooyooyinkaas  oo ku sugnaa Xarunta Madaxtooyada Horteeda ayaa Ciidamada Boolisku Xabsiga u Taxaabeen iyaga iyo Wariye Goobtaa ku sugnaa oo gudanayey waajibaadkiisii shaqo Maalmeed
Magaciisana layidhaahdo C/RAXMAAN C/LAAHI CISMAAN (DHAADHEERE)oo ka hawlgala shabakada wararka ee (RAMAASNEWS)
Hadaba waxaanu Cod dheer ku Canbaareyneynaa Xadhiga Xaqdarada iyo Cabudhinta ah isla markaana Lidi ku ah Xoriyatul Qawlka Qarankan  ee lagula kacey HOOYOOYINKAAS IYO WARIYE C/raxmaan C/laahi Cismaan (Dhaadheere)
Sidaa daraadeed waxaanu Xukuumada Xasuusineynaa in markaad Ololaha ku jirteen Balan Qaadyadiinii ay ka mid aheyd in aad Daryeeleysaan Agoontii Mujaahidiintu Ka Tagtey ama (ka dhinteen)
Hadaba waxaa ayaan daro ah in aad abaalkoodii ka dhigtaan XADHIG
iska daa Wax Qabad aad u qabataane isla markaana waxaad Xasuusiseen Geeridii Rogooda, oo ay Maanta Ogaadeen iney Cidla ka Taagan yihiin Xukuumadooda ay isku Haleynayeen
Ugu danbeyntii waxaanu Xukuumada ugu baaqeynaa iney si deg deg ah Xoriyadooda Ugu Soo Celiso Hooyooyinkaas iyo Wariyaha?

Xoghayaha Warfaafinta Ee Xisbiga Ucid

Md Yusuf Keyse Alaahi

Wajaale News
Hargaisa/Somaliland

COMMENTS
LINKS