Xisbiga Kulmiye Oo Cambaareeyay Booqashadda Uu Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Ku Yimid Degmada Taleex Iyo Warsaxaafadeed Ay Ka Soo Saareen Xisbiga Kulmiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Kulmiye Oo Cambaareeyay Booqashadda Uu Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Ku Yimid Degmada Taleex Iyo Warsaxaafadeed Ay Ka Soo Saareen Xisbiga Kulmiye
August 29, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa (Wajaale News) Xisbiga Taladda Wadanka Haya ee Kulmiye ayaa cambaareeyay Booqashadda  uu Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Puntland uu ku yimid Magaaladda Qadiimiga ah ee Taleex.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Xogyaha Guud ee Xisbigaas Xasan Siciid Yuusuf oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska wararka ee Hadhwanaagnews ayaa waxa uu ku sheegay in ay tahay booqasho daan-daansi ah.

Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan  Xisbiga KULMIYE wuxuu u arkaa gardaro iyo xad-gudub Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Putland kula kacday xuduudaha dalka Jamhuuriyada Somaliland.

Xuduudaha Somaliland  waxay la mid yihiin kuwa dalalka African-ka ku dhisan yihiin, sidii lagu aasasay uruka  Midawga Afrika iyo kuwii ka horeeyeyba.

Maamulka Puntland waxay ka tirsan tahay sharciyan wadanka Soomaaliya ee uu talyaanigu guumaysan jiray, sidaa darteed Madaxwayne-ku-xigeenka Puntland inuu xuduudaha Somaliland soo faragaliyaa waxay ka soo horjeeda qawaaniinta caalamiga ah, qabaa?ilada Afrika iyo adduunka oo dhami waxay ku kala nool yihiin dalal kala duwan, macquul maaha inay Puntland ku andacooto isir ahaan baannu u leenahay deegannadaas.

Waxay ka soo horjeeddaa hannaanka siyaasadeed ee adduunku ku dhisan yahay, Afrika ay ku dhisan tahay iyo habka ay u shaqeeyaan ururrada caalamiga ah; sida UN iyo AU.
Sidaa darteed, waxaannu ugu baaqaynnaa inay Putland joojiso xad-gudubka iyo farogalinta ay kula kacayso xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Somaliland waxay diyaar u tahay nabad, iskaashi iyo jaarnimo, waxayna ka soo horjeedaa inay gobolka ka kacaan colaado aan loo baahnayn, waase ku waajib Somaliland inay difaacato xuduudeheeda iyo qarannimadeeda.

Waxa kaloo iyana xusid mudan warar maalmihii u dambeeyay saxaafadda ku baahinayay xisbiga UCID, waxaannu xisbiga KULMIYE ka taaganyahay eedahaa xisbiga UCID; baryahan dambe guddoomiyaha xisbiga UCID waxa ka soo yeedhayey weedho xanaf leh iyo eedaymo culus oo ku waajahan Madaxwaynaha.

Haddaba, waxaannu u sheegaynaa xibiga UCID inaan erayada xanafta iyo qadafka ah aannu waxba tarin ee ay ummadda kala fogeeyaan,  kordhiyaanna xasaasiyad iyo kala fogaansho bulshada ah. Eedaymihii shalay (Salaasadii) ku qornaa wargayska Geeska Afrika waa qaar u baahnaan doona in loo gudbiyo hay?adaha sharciga oo adigana (Guddoomiyaha UCID) caddayntooda lagaaga fadhiyo.
Xisbiyada qaranku waa inay ummadda u horseedaan isku soo dhawaansho, iskaashi iyo talo hormarineed, waxaanuna u soo jeedinaynaa Guddoomiyaha Xisbiga UCID inuu si waayeelnimo ah wixii talo ah ee qaranka anfacaya u soo jeediyo.

Madaxwaynaha qaranku wuxuu leeyahay karaamo iyo xisaanad dastuurku huwiyey, sidaa darteed marka talo la soo jeedinayo waa in hab qadarin iyo is-qancin ah wax la isugu sheeego.

ALLAA MAHADLE
Xasan Siciid Yuusuf
Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE

Wajaale News
Office: Hargeisa/Somaliland
Email;wajalenews@gnail.com

COMMENTS
LINKS