Xildhibaanada Golaha Deegaanka Burco oo ku Hawlan Mooshin ay xilka kaga qaadayaan Maayarka Degmadaasi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaanada Golaha Deegaanka Burco oo ku Hawlan Mooshin ay xilka kaga qaadayaan Maayarka Degmadaasi
August 2, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa (Wajaale News)- Xildhibaano ka mid ah Mudayaasha  Golaha Deegaanka Burco ayaa la sheegay in ay badhasaabka Gobolka Togdheer iyo Maayarka Burco u gudbiyeen Mooshin ay ku dalbanayaan kalfadhi aan caadi ahayn in la qabto, iyagoo doonaya in ay Maayarka Xil ka qaadis ku sameeyaan.

Sida ay sheegayaan Dad Xogogaal ah oo degen Gobolkaasi waxa Mooshinka gudbiyay Toddoba Xildhibaan oo ay ka mid yihiin: Xildhibaan Nuux Maxamed Xuseen, Xildhibaan  Siciid Axmed Raage, Xildhibaan  C/risaaq Xuseen Obsiiye (shine), Xildhibaan  Axmed Cabdi Dhinbiil, Xildhibaan Gaboobe Jaamac Basaale iyo Xildhibaan Khadar Nuux Siciid, hase yeeshee ilaa hada si rasmi ah looma oga in laga aqbalay iyo inkale.

Mooshinkan ayaa la sheegay Xildhibaanadu in ay u dalbadeen sidii ay Xil ka qaadis ugu samayn lahaayeen Maayarka Burco, kaasoo ay ku Eedaynayaan Gaadiid iyo Iskaraab Dawladda Hoose lahayd in uu ka Iibiyay dad gaar ah oo ay sheegayana in ay Xidhiidh hoose leeyihiin.

Sida uu ku soo waramayo Wariyuhu Maayarka iyo Maamulka Dawladda Hoose waxa ay qoraal ogolaansho ah uga soo qaateen Xaraashka Hantidan Guddida Qandaraasyadda Qaranka balse xubnaha Golaha Deegaanku waxa ay tuhunsan yihiin Dadka laga Iibiyay in ay wadashaqayn dhaw leeyihiin Maayarka, sidaas Darteed-na aanu Cadaalad u dhicin Iibkaasi.

Ilo wareedyo uu  helay Xafiiska war qabadka Mareegtan Wajaalen ayaa sheegaya in uu Hotelka Blaza ka socday shir doceed lagu furdaaminayay khilaafka Dawladda Hoose soo dhex galay wallow aan natiijada ka soo baxday si rasmi ah loo ogayn, hadana kulankaasi waxa uu daaranaa sidii Mooshinkaasi loo hakin lahaa.

Isku soo duuboo, waxa soo if-baxaya khilaafaad iyo Maamul xumo saamaysay Golayaashii Deegaanka Dalka, kuwaas oo isku haysta waxaan mudnayn, halka ay ka baylahsan tahay intooda badan shaqooyinkii loo Igmaday.

 

Wajaale News Desk

Hargeysa / Somaliland

COMMENTS
LINKS