Xarunta Hayaad Diagnostic Center Oo Daah Furtay Mishiinka Dalka Ku Cusub Kaas Oo Lagu Ogaanayo Xannuunka Jidhka Gudihiisa Qofka Ka Haleela(MRI). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xarunta Hayaad Diagnostic Center Oo Daah Furtay Mishiinka Dalka Ku Cusub Kaas Oo Lagu Ogaanayo Xannuunka Jidhka Gudihiisa Qofka Ka Haleela(MRI).
August 26, 2013 - Written by editor

Hargaysa(WJN):- Xarunta Hayaad Diagnostic Center ayaa maanta Hotelka Ambassador Ee Magaalada Hargaysa ku soo bandhigtay.

Hargaysa(WJN):- Xarunta Hayaad Diagnostic Center ayaa maanta Hotelka Ambassador Ee Magaalada Hargaysa ku soo bandhigtay mishiin cusub oo ay tahay markii ugu horaysay ee dalka la keeno  kaas oo lagu ogaanayo xanuunka qofka ka haleela jidhka gudihiisa kaas oo loo qaban jiray dalka dibbadiisa .

Haddana munaasibada Lagu daah-furayey mishiinkan ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiir Ku Xiggeenada wasaarada Caafimaadka Iyo Ganacsiga , Xildhibaano, Salaadiin, Culimo-awdiin , Dhakhaatiir Iyo Aqooyahan kala duwan.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Cali Maxamed Magan oo ka mid ah Masuuliyiinta Xarunta Hayaad Diagnostic Center waxaana uu ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Xarunta Hayaad Diagnostic Center waxaana uu sheegay in xaruntan la aas-aasay mudda haatan laga joogo ku dhawaad saddex sanno , u jeedadii loo aas-aasayna ay ahayd  ka dib markii ay arkeen dhibaatooyinka dadka reer Somaliland ay kala kulmaan dhakhaatiirta ay dalka dibbadiisa u qabtaan isagoo dhinaca kalena xusay in xaruntani  bulshada ka furatay safaradii dhinaca caafimaadka ee ay dalka dibbadiisa u qaban jireen  e lacagta badanina  kaga bixi jirtay  ayna ka shaqeeyaan xaruntan soddon qof oo shaqooyin kala duwan  u qabta.

Mar Cali Maxamed Magan uu ka hadlayey Mishiinkan cusub  ee ay maanta daah-fureen oo magaciisa la yidhaahdo MRI uu yahay Mishiin  Loogu Talo galay in lagu ogaado jugaha ama waxyaabaha qofka ka gaadha jidhka gudihiisa iyadoo soo iibinta  mishiinkan a ay ku  baxday  lacag dhan Lix Boqol Oo Kun Oo Dollar(600,000$) halka markii hore ee ay xaruntan yag-leelayeena ay kaga baxday furitaankeeda  hal milyan oo dollar (1000,000$) .

Geesta kale mar uu ka hadlayey caqabadaha ka hor yimaada dadka ganacsi abuuraya  ayaa waxa uu si gaara u soo qaatay in ay adag tahay helitaanka  goobtii uu qofkaasi ganacsigiisa ka furi lahaa iyo sidii uu u  heli Koronto  ku filan taasina ay kalifayso in qofka raba in uu ganacsi dalka ka abuuro uu ka niyad jabo.

Drs Edna Aadan Ismaaciil oo halkaasi iyana ka hadashay ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in dalka ay keento xarunta Hayaad Diagnostic Center Mishiinka MRI oo dadku si aada ugu baahnaayeen , waxa kale marwo edna aadan ismaaciil si qoto dheer uga warantay dhibaatada dadku ay kala kulmaan dhakhaatiirta ay dibbada ama dalalka jaarka ah u tagaan iyadoo si gaara uga hadashay  kharashka tirada badan ee ku baxa safarada caafimaad ee ay dadku dibbada u tagaan kuwaas oo ay tilmaantay in in badan oo bulshadeena ka mid ah aanay awoodin.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay wasiir Ku Xiggenka Wasaarada Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir, Sheekh Maxamed Aadan Muxumed ,  Xildhibaan C/raxmaan Xoog Oo Ka Mid ah mudanayaasha aqalka wakiilada , Boqor Raabi Yuusuf  , Suldaan Maxamed Iyo  Dr Mukhtaar  Jibriil oo isna si waafiya uga waramay qaabka uu u shaqeeyo Mishiinkan Cusub ee MRI kaas oo wax ku gubinaya hab Magnet ah.

Waxa xafladaasi soo xidhay Wasiir Ku Xiggeenka Wasaarada Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan waxa ay tilmaantay in ay soo dhawaynayso  Mishiinkan Cusub ee MRI ee ay keentay xarunta Hayaad Diasnostic Center kaas oo wax weyn ka taraya ayey tidhi baahidii dadku u qabeen mishiinkan .

Waxa kale oo Marwo Nimco Xuseen Qawdhan si faah-faahsan uga warantay Horumarka dhinacyada kala duwan leh ee uu Cisbitaalka guud ee hargaysa ku talaabsaday muddadii ay dalka ka talinaysay xukumada haatan dalka ka talisa ee kulmiye.

Ugu danbayntii waxa ay ugu baaqday ganacsatada dalka iyo cid kasta oo rabta in ay dalka wax gashadaan in dalku si aada ugu baahan yahay cisbitaalo gaar loo leeyahay kuwaasi oo wax ka tara baahida dhinaca caafimaadka ah ee ay bulshada reer Somaliland tabayaan ama u baahan yihiin .

Gabagabadii Wasiir Ku Xiggeenka Caafimaadku waxa ay halkaasi ku guddoonsiisay shahaado sharafyo xarunta Hayaad Diagnostic Center ay ugu talo gashay  Masuuliyiin,  Culimo-awdiin  Iyo Qaar ka mid ah shaqaalaha xarunta Hayaad ee sida fiican ula shaqeeyey waxaana dadkii halkaasi lagu xusay magacyadooda ka mid ahaa Wasiirka Maaliyada Somlaliland , Wasiir Ku Xiggeenka Caafimaadka , Sheekh Aadan Siiro iyo qaar ka mid ah Dhakhaatiirtan xaruntan ka hawl-gala .

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS