Wasiirka madaxtooyda Somaliland xirsi cali xaji xasan ayaa si waafiya uga hadlay bixitaankii MSF ka baxday Dalka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka madaxtooyda Somaliland xirsi cali xaji xasan ayaa si waafiya uga hadlay bixitaankii MSF ka baxday Dalka.
August 25, 2013 - Written by Wariye:

Hargeisa (Wajaale News)-Wasiirka madaxtooyda Somaliland xirsi cali xaji xasan ayaa si waafiya uga hadlay bixitaankii MSF ka baxday Dalka.”Waanu u baahanahay caawimada iyo gacan-qabashada Hay?adaha Waanan uga mahad-celinaynaa wixii ay qabatay MSF Wakhtigii ay nala shaqaynaysay balse waanu ka xunahay in ay dalkayaga uga baxday wax aan na khusayn, waxaanse ku kalsoonahay in dadkayaga iyo dawladooda oo iskaashadaa ay buuxin doonaan kaalintaa”

Waxaa laga jooga  maalmo kooban ka dib markii Hay?adda Gargaarka ee MSF ay gabi ahaanba joojisay hawlihii gargaarka caafimaaad ee ay ka haysay Dhakhtarka Burco, waa talaabo ku soo boodo ku noqotay shacabka ku dhaqan Burco iyo  guud ahaanba Somaliland, balse aan marnaba ka naxin karin qaluubta dadka Alle ku xidhan, aan waxba u  dhimi karin raja-da iyo hawl maalmeedka dhakhtarka Burco, waa talaabo kaliya inoo kordhinaysa hal adayg iyo isku duubni, waxaan leeyahay dhakhtarka Burco MSF horteedna uu jiray Hadana uu  jiri waligiina uu jiri doona Insha Allahu.

Waa xaqiiq iyo wax aan indhaha la iska qaban karin Mudadii MSF inala shaqaynaysay wax tarkii iyo garabkii ay ina siisay balse waan ka xunahay in ay dalkayaga uga baxday wax aan na khusayn digniin iyo diyaar garow la?aan.

Waxaanu ka dawlad ahaan diyaar u nahay in aan buuxino inta uugu badan kaalintaa inagu soo baylahday, balse waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in Bulshada qaybaheega kala duwan sida ganacsatada, shaqaalaha iyo Dhakhaatiirtuba ay ka qayb qaataan in ay dadkooga jilicda-san ay la garab istaagaan maal, maskax iyo Muruqba.

Shacabka reer  Burco waxaan leeyahay hadii MSF baxday Dhakhtarku Dumi Maayo loona dhiman maayo, Ajal baa loo dhintaa, Alle Ina Caawiya waan leenahay, shacab isku filan oo is garab istaaga way inoo joogaan, Dawlad shacabkeega ku Filana waan haysanaaa.

Shacabka Somaliland waxaa soo martay marxalado ka adag kana dhib badan in ay Hay?ad bixitaankeedu wax u dhimi karto Himiladooda iyo Kalsoonida ay marwalba iyagu isku qabaan waxaan leeyahay “Hadii MSF baxday dadkii reer Somaliland wuu jiraa, Dawladii Somaliland way joogtaa, dadkii reer Burcana may dhamaan” taas haku qalbi qabowsadaan dadkeena la itaal daran caafimaad darada iyo inteena kaleba.

Dalkaneena Somaliland waa dal isagoon Ictiraaf haysan isagu isku tashaday oo  maalinba maalinta ka dambaysa Horumar ku talaabsada oo Miisaniyadiisu kor u kacdo oon u liicin cid baa baxday iyo cid baa soo gashay.

Ugu dambayn waxaan leeyahay aan ku qaabilno dhacdadan Niyad Sami, isku duubni, iyo in aan meel uuga wada jeesano, taasi ayaan ku buuxin karnaa Kaalintaa inagu banaanatay.

COMMENTS
LINKS