Wasiirka Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland Oo Si Mug leh Loogusoo Dhaweeyey Gabiley iyo Maamulka Heer Gobol iyo Heer Degmo oo ka Muquurtay Soo dhawayntiisa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland Oo Si Mug leh Loogusoo Dhaweeyey Gabiley iyo Maamulka Heer Gobol iyo Heer Degmo oo ka Muquurtay Soo dhawayntiisa.
August 12, 2013 - Written by editor
Gabiley Ma Waxay Noqotay Meel Ay Wasiirada ka tirsan xukuumada Silaanyo Isigu Awood Sheegtaan Maamulkan Heer Gobol Iyo Heer Degmo Ma Wasiiro Gaara oo Meesha ku ilaashadaa jira ???????????????????
waxaa la inooga baahan yahay inaynu 80-ka miylan ee itoobiya kudhaqan aynu usameyno suuqweyn oo ay ka heeleen…. Daawo Sawirro Aad U Tirro badan

Gabiley (WJN)- Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland Dr:Maxamed C/laahi Cumar Ayaa manta Si Diiran Loogu soo dhaweeyey Magaalada Gabiley Iyadoo Ay Dhamaan Maamulka Ugu sar-sareeya Gobolku Ka Muquurteen Soo dhawaynta Wasiirka.
DSC00022
Dhanka Kale Wasiirku wuxuu Kulan Balaadhan La qaatay Qaybaha kala duwan Ee Bulshada Gobolka Gabiley Sida, Ururka Haweenka Qurbe Joogta UK Ee Al-khayriya, Ururka Samafalka Ee Samokaal, Ardayda jaamacada Timacadde Ee Magaalada Gabiley, Ardayda Reer Gabiley Ee Wax Ka Barta Jaamacada Camuud, Cuqaasha Iyo waxgaradka Gobolka Gabiley, Iyo dadwayne Aad U Tiro Badan oo Kamida Bulshada Gobolka.
DSC09964
Munaasibadaasi Oo ka qabsoontay Hoolka jaamacada Timacadde Ee magaalada Gabiley Ayaa waxa Ugu Horaynba Hadalo koob-kooban Kasoo Jeediyey Xildhibaan Mahdi Maxamed Xaashi, Xildhibaan iid Xasan cabdi Iyo Xildhibaan amiin Cumar cabdi, Oo Dhamaantood Soo Dhaweeyey wasiirka Sheegayna Inay aad uga Xunyihiin In Masuuliyiintii Ugu sar-saraysay Gobolku ay ka Muquurtaan soo dhawaynta Wasiirka.
DSC09986
Waxa kale Oo halkaasi ka hadley Suldaan ibraahin jaamac samter,Boqor muxumed geele seed, Awciise jaamac, iyo madaxdhaqmeenka gobolka gabiley kuwaasi oo aad u soo dhaweeyey wasiirka Ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland , waxaaney wasiirka ka dalbadeen inuu kala sheqeeyo horumarka gobolka,waxaaney ugu mahadnaqeen booqashadiisa.
DSC00023
Xildhibaan ibaraahin axmed haybe , Oo halkaasi hadalkooban ka jeediyey ayaa dadweynaha kula dardaarmey inay muujiyaan isku duubni iyo wadajir, waxaanu ugu mahadnaqay soo dhaweynta ay ku qaabileen wasiirkooda
Gabogabadii waxaa xafladaasi soo afmeerey wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Dr maxamed c/laahi cumar , waxaanu u mahadceliyey dadweynihii soo dhaweeyey, waxanu ardeyda jaamacada ee sanadka qalinjabineysa kula dardaarmey inay ka sheqeeyaan horumarka gobolka waxaanu yidhi “aad baan umahadsan tihiin dhamaatiin dadweynaha faraha badan ee isoo dhaweeyey runtii manta ujeedada safarkaygu waa indho-indhayn xaalada gobolka iyo inaan la kulamo dadweynaha qurbajoogta ah, halkan waxaa aad looga waramay masuuliyadii hore ee arimaha dibada, runtii waxay ahayd hawl qaran, hawshaasi meel wanaagsan ayaan dhigney, runtii magac wanaagsan ayaa inooga soo hoydey,maanta Somaliland iyo Somalia waa laba dal oo kala madaxbanaan, oo beesha caalamka ayaa ina kala saarteyba, xilkan cusub ee kale ee la ii magacaabay kama dhaco xilkii hore waayo waa maalgashiga caalamka,waxaa kujira ina dhalintaradii loo abuuro shaqo, waxaa ugu yar ee ina sugayaa waa 80 milyan ee itoobiyaanka ah inaan suuq u smayno oo alaabta ay u baahan yihiin aynu ka iibino”ayuu yidhi wasiir maxamed c/laahi cumar
DSC00004
Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay ee maamulka heer Gobol iyo heer Degmoba ay ka muquurtaan soo dhaweynta wasiir maxamed c/laahi, arintani ayaa loo aanaynayaa in ay saamaysay loolanka ka dhexeeya Muuse biixi iyo Wasiirka maaliyada Sh.C/casiis Samaale iyada oo wararku sheegayaan Maamulka Gobolku Inuu la Saftay Wasiirka Maaliyada oo Waftigan Wasiirka Ganacsiga loo aanaynayo dhanka muuse Bixii.
DSC00019
DSC00017
DSC00013
DSC00009
DSC09989
DSC09994
DSC00008
DSC00006
DSC00005
DSC00003
DSC00002
DSC00031
DSC09958
DSC00032
DSC09996
DSC09993
DSC09987
DSC09985

 

 

*Kala soco Waraysida aan la  yeelandoono dadka ay  khusayso dhacdadaa foosha xun ee ay ku kaceen Maamulka Heer Gobol Iyo Heer Degmo iyo noqondoonta mid aanu idiin wadi doono ilaa laga sal gaadho ujeedada rasmiga ah ee ka danbaysa* .

 

WAJAALE NEWS DESK

Contact Us : wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS