Wasiirka Duulista Oo Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Hargeysa Ku Qaabilay Qaar Ka Mid Ah Ardayda Jaamacadaha Caasimada Gaar Ahaana Kuliyada Engineering-ka ,Faah Faahina Ka Siiyey Dhismaha Garoonka+Daawo Sawirada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Duulista Oo Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Hargeysa Ku Qaabilay Qaar Ka Mid Ah Ardayda Jaamacadaha Caasimada Gaar Ahaana Kuliyada Engineering-ka ,Faah Faahina Ka Siiyey Dhismaha Garoonka+Daawo Sawirada.
August 15, 2013 - Written by editor

Hargeysa(WJN):-wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta garoonka diyaaraha ee magaalada Hargeysa ku qaabilay ardayda wax ka barata qaar ka mid ah jaamacadaha ku yaala magaalada Hargeysa gaar ahaan kuliyada Engineering-ka.

Hargeysa(WJN):-wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta garoonka diyaaraha ee magaalada Hargeysa ku qaabilay ardayda wax ka barata qaar ka mid ah jaamacadaha ku yaala magaalada Hargeysa gaar ahaan kuliyada Engineering-ka.

Ardaydan wax ka barata qaar ka mid ah jaamacadaha ku yaala caasimada Hargeysa oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan dalada dhalinyarada Somaliland Ee Sonyo ayaa kormeer indha indhayn ah ku kala bixiyey qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay garoonka diyaaradaha ee magaalada

Hargeysa, gaar ahaan waxay ardaydani u kuur galayeen sida loo dhigay dhismaha cusub ee garoonka.

Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo markii ay ardaydani kormeerkooda dhamaysteen ku qaabilay gudaha garoonka ayaa faah faahin ka siiyey dhismaha garoonka diyaaradaha ee Hargeysa isaga oo sheegay inay farxad u tahay inay ardaydu garoonka yimaadaan waxaanu yidhi ?Farxad aad u weyn ayey noo tahay aniga iyo masuuliyiinta wasaarada iyo madaxda garoonka maadaama oo aad nagu soo booqateen madaarka anaga oo gabagabadii dhismaha garoonka  wadna, hawsha ayaa nagu badnayda balse aad ayaanu  u jecelnahay inaanu helno ardayda jaamacadaha gaar ahaan kuliyada Engineering-ka iyo saxaafadaba, ardaydan quruxda badan ee bari wadan qurux badan dhisi doona  inay wax ka korodhsadaan waxna ku biiriyaan dhismaha garoonka waanu soo dhawaynaynaa taladana qof waliba way ku  jirtaa.?

Wasiirka duulista oo hadalkiisa sii wata ayaa u mahad celiyey maamulka iyo macalimiinta jaamcadaha ay ardaydani ka socdeen waxaanu yidhi ?Jaamacadaha  Hargeysa,Golis iyo Admas aad ayaan ugu hanbalyeynaaa inay noo soo direen ardayda qiimaha badan, idinkuna inaad noo timaadeen oo aad indha indhayseen madaarkiinii sharaf ayey noo tahay, Somaliland mudadii ay jirtay maalinba wax ayaa lagu soo darayey garoonkan, taariikhda ayaana xustay  nin waliba waxa uu ku daray,cid kasta oo wax ku darsatay garoonkana wax la dafiri karo maaha, wadankan waana guri oo kale oo nin waliba wax ayuu ku darayaa?ayuu  yidhi wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi

Sidoo kale wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu ardayddan uga waramay wax qabadka xukuumada Somaliland isaga oo sheegay in mudadii ay xukuumadu jirtay ay wax badan qabteen isla markaana sii wadi doonaan.

Dhinaca kale waxa iyaguna kulankan ka hadlay xubno ka mida dalada dhalinyarada Somaliland  Ee Sonyo iyo qaar ka mid ah ardayda ka socotay jaamacadaha kala duwan ee caasimada Hargeysa gaar ahaan kuliyada Engineering-ka kuwaas oo sheegay inay ka mahad celinayaan sida loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, iyaga oo tilmaamay inay wax badan ka faa,iidaysteen dhismaha garoonka.

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS