Wasiirka Duulista iyo Hawada oo u Mahadceliyay Labadii Beelood ee ku diriray Deegaanka God Heeli Ajiibista Baaqa Nabada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Duulista iyo Hawada oo u Mahadceliyay Labadii Beelood ee ku diriray Deegaanka God Heeli Ajiibista Baaqa Nabada
August 28, 2013 - Written by Wariye:

Hargaysa (Wajaale News)-Wasiirka Wasaaradda duulista iyo Hawada ee JSL Md Maxamuud Xaashi cabdi ayaa maanta ku mahadceliyey ergooyinkii gobolada Somaliland ee u soo gurmaday shaqaaqadii dhowaan ka dhacday degmooyin reer guuraa ah oo u dhexeeya deegaanada Gar’adag iyo Oog, halka sidoo kalena wasiirku uu u mahadceliyey Ciidamadii Ammaanka sugayey iyo labadii dhinac ee u hogaansamay ergooyinkii nabaddaynta.
Wasiirku waxa uu sheegay in isagoo ku hadlaya magaca xukuumadda, ka mas’uuliyiinta deegaanadas iyo ka shacabka Somaliland-ba uu u mahdcelinayo xukuumadda Somaliland iyo dadweynahii gobolada iyo degmooyinka ka soo kala gurmaday ee hawsha nabadaynta u tegay halkaas, xilli uu wasiirku sidoo kale u mahadnaqay ciidamadii dhaxanta u taagnaa sugidda ammaanka iyo waxgaradkii iyo dadweynahii labada Ardaa oo uu wasiirku ku tilmamay inay si wanaagsan ugu dhego nugladeen ergooyinkii nabadaynta ee u soo gurmaday.

 
Md maxamuud xashi cabdi waxa uu sheegay in hadda ay hawsha dhamaystirkeeda gacanta ku hayaan guddi dhexdhexaad ah oo u kala guraysa labada dhinac waxii loo kala xukumo, hase yeeshee  ay marka hore si toos ah u wada hadlayaan labada dhinac waxii ku adkaadana ay ula soo noqonayaan gudida dhexdhexaadinta
Wsiirka duulista hawada oo la hadlayey dadweynahii deeganka shaqaaqadu ka dhcaday waxa uu u soo jeediyey inay nabadda ilaashadaan iskana dhowraan wax kasta oo wax u dhimaya.

 

Wajaale News

Office: Hargeisa

Email: wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS