|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Daakhiliga oo Baadhaya Fadeexadii Maamulka Gabiley Kula Kaceen Wasiirka Ganacsiga Somaliland Iyo Madaxweyne Siilaanyo oo Lagu Wargeliyey Tallaabadaa + Jawaabta Maayirka Gabilay ka Bixiyey Dhacdadaas
August 14, 2013 - Written by editorCali Warancadde oo ballanqaaday in khilaafkii ka dhex dhacay wasiirka ganacsiga iyo maayirka Gabiley ay xukuumad ahaan sida ugu habboon u xalin doonaan
Hargeysa (WJN) Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa gacanta ku haya baadhis la xidhiidha fadeexadii maamulka Gobolka iyo degmada Gabiley kula kaceen Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo maalintii Insiinta laga qufushay hoolka dawladda Hoose ee magaalada Gabiley oo wasiirku booqasho ku tagay. Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo Jamhuuriya khadka telefoonka ugu waramay xalay waxa uu sheegay inuu madaxweynaha Somaliland gaadhsiiyey tallaabadii maayirka magaalada Gabiley uga qufushay hoolka dawladda hoose oo wasiirku kula shiri lahaa qaar ka mid ah qurba-jooga iyo waxgaradka reer Gabiley. Markii aan shalay (maalintii Isniinta) magaalada Gabiley madaxda gobolka Gabiley way ka war haysay in aan imanayo, maalin ka hor intii aanan magaalada tagin ayaan u sii sheegay. Mana garanayo sababta ay u dhacday arrintii dhacday. Arrintaasna waxa imika gacanta ku haya wasiirka daakhiliga oo baadhaya, ciddii masuuliyadaas lahaydna waxaan filayaa inay caddaan doonto. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland-na arrintaas waan ku wargeliyey oo waannu ka wadahadalnay, waxaana hadda arrintaas gacanta ku haya wasiirka daakhiliga oo ku mashquulsan sidii loo cadayn lahaa ciddii qaadatay go´aannadii meesha ka dhacay iyo ciddii ku lugta lahaydba. Mana doonayo in aan ka sii hordhaco inta natiijo ka soo baxayso baadhista wasiirka daakhiligu wado, ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland. Wasiirka oo la weydiiyey dareenkiisa la xidhiidha tallaabadii loogu diiday hoolka dawladda Hoose ee Gabiley, waxa uu yidhi; “Anigu waxaan u arkay anigoo ah masuul qaran, hawl qaranku leeyahayna gobolka u tagay, masuuliyiinta gobolkuna safarkayga ka warhayeen oo aan hore ugu sii wargeliyey in aan kala kulmi waayo wadashaqayntii aan filayey waxaan u arkaa arrin meel-ka-dhac ku ah midnimada iyo qaranimada Somaliland.” Dhinaca kale, Maayirka Magaalada Gabilay Md. Shacab Maxamed Muuse iyo Wasiirka Daakhiliga Somaliland Md. Cali Maxamed Warran-Cadde, ayaa ka hadlay dhacdadii foosha xumayd ee Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar uu kala kulmay masuuliyiinta Gobolka Gabilay. Wasiirka daakhiliga shalay warbaahinta la hadlay kadib markii uu dhammaaday kulan uu xafiiskiisa kula yeeshay maayirada dalka, ayaa sheegay in khilaafkii ka dhex dhacay wasiirka ganacsiga iyo maayirka Gabiley sida ugu habboon ay xukuumad ahaan u xalin doonaan. Markii aan maqlay arrinta Wasiirka Ganacsiga iyo Maayirka Gabilay, waan u yeedhay maayirkii, waxaanay ii sheegeen in arrintaasi iska dhammaatay oo in yar oo is afgaran waa ah meesha ka yimi, laakiin imika wax dhibaato ah oo ka jiraa ma jirto, Maayirka iyo Wasiirkuna way is arkeen, waana arrin aannu annagu dhammayn doono haddii Ilaahay yidhaahdo,” ayuu yidhi Md. Cali Warran-cadde oo arrintaas ka hadlay. Geesta kale, Maayirka Gabilay Shacab Maxamed Muuse oo warbaahinta shalay kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in aanu waxba kala socon socdaalka Wasiirka Ganacsigu ku tegay magaalada Gabilay, isla markaana uu ku warhelay wasiirka oo xafiiska ugu soo galay, waxaannu yidhi; “Annagu wasaaradaannu hoostagnaa waa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana fiican in qofka shaqadiisa sida uu qabto uun la waydiiyo iyo wixii shaqadiisa ka khaldan, xidhiidhkana qofku ciduu doono wuu la yeelan karaa, dadkoo dhan baana xidhiidh wada leh, laakiin annaga xidhiidh wada shaqayneed wuxuu naga dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo an Wasaaradda aanu hoostagno. Caqliga fayawna wuxuu diidaya wasiir baa kula soo hadlay oo wasiir baa caynkan yidhi, manaan ogayn safarka wasiirka iyo imaanshiyihiisa Gabilay, taasina waxay keentay in qoladii hoolka furayaashiisa haysan aanay diyaar u ahayn oo aanay diyaar garoobin oo uu Gabilay-ba ka maqnaa innankii oo uu xaalad caafimaad u maqnaa, markaa wasiir baa soo hadlay baa la leeyahay waa wax aan caqliga geli karin. Maayirku oo la waydiiyey sababta keentay in xafiiska laga xidho wasiirka wuxuu ku jawaabay; “Kamaan war qabin safarka wasiirka, inankii ka masuulka ahaa hoolka ee furayaasha hayeyna arrin caafimaad buu Hargeysa ugu baxay oo aan u soo fasaxay, haddii la ii sheegi lahaa may ahaateen in inanku meel tago, marka dhibaatada ugu weyn waxa keenay wasiirka oo aan ii sheegin inuu magaalada imanayo oo aan ku war helay markii uu ii soo galay uun, ujeeddada ugu weyna taasay ahayn, arrin la siyaasadeeyo annaga nooma taalo, laakiin waa dayaacad.” Duqa Gabilay Shacayb Maxamed Muuse wuxuu sheegay in masuuliyiintu maamulada gobollada iyo degmooyinka la soo socodsiiyaan markay hawlo u imanayaan, isla markaana la ilaaliyo nidaamka dawladda u yaala, waxaannu yidhi;”Wasiirka degaankiisa imanaya in la soo dhaweeyo xaq buu u leeyahay, arrinta aan ku celinayaana waa in marka uu masuul qaran meel imanayo amma gobol waa masuul qaran in warkiisa la hayaana fiican, baratakoolkuna sidaasu ku fiican yahay. Dawlad baynu nahay oo nidaam baynu leenahay, marka wasiirkii amma masuulkii oo aanad ka war qabin oo xafiiska kuugu soo galay, halkaas ku talogal la´aan baa jirta, qarbo qarbaana imanaysa, waxaanan leeyahay arrinta la buunbuuniyey waxba kama jiraan, wasiirkuna waan imanayaa inuu yidhaahday ahayd, sidaasaad ku mahadsan tihiin.”
Xigasho Wargayska Jamhuuriya
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|