Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Sheegay In La Kor Dhiyey Da’da Caruurta Lagaga Talaalayo Cudurka Dabaysha, Faah Faahina Ka Bixiyey Ka Bixitaanka Hay?adda MSF Ee Cusbitaalka Burco | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Sheegay In La Kor Dhiyey Da’da Caruurta Lagaga Talaalayo Cudurka Dabaysha, Faah Faahina Ka Bixiyey Ka Bixitaanka Hay?adda MSF Ee Cusbitaalka Burco
August 18, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa(Wajaale News)-wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed(Xaglatoosiye) ayaa sheegay in talaalka cudurka dabaysha la bilaabi doono maalinta salaada ah oo taariikhdu ay ku beegan tahay 20/07/2013.

wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed(Xaglatoosiye) ayaa sheegay in talaalka cudurka dabaysha la bilaabi doono maalinta salaada ah oo taariikhdu ay ku beegan tahay 20/07/2013.

Wasiirka wasaarada caafimadka Somaliland oo maanta shir jaraa,id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa ayaa  sidoo kale ka war bixiyey ka bixitaanka hay?adda MSF ay ka baxday cusbitaalka magaalada Burco.
Ugu horayn wasiirka caafimaadka oo ka hadlaya talaalka cudurka dabaysha  ayaa waxa
uu yidhi ?talaalka cudurka dabayshu waxa uu bilaabmayaa bisha labaatankeeda waxaanu socon doonaa lix cisho, talaalkan oo ah wareegii lixaad ee cidhibtirka cudurka dabaysha waxa uu kaga duwan yahay wareegyadii hore ee Somaliland laga sameeyey waxa la kordhiyey da?da lagu talaalayo caruurta waxaana la gaadhsiiyey toban jir,?
Wasiirka caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed oo faah faahin ka bixinaya sababaha keenay In la kordhiyo da?da lagu talaalayo caruurta ayaa waxa uu yidhi ?sababta keentay in la kordhiyo da?da caruurta lagu talaalayo waxa weeyaan  iyada oo aynu ognahay in wadanka somaliya  uu cudurkani ku dhacay caruurta da?doodu ka weyn tahay shan jir, sidaas darteed maadaama oo aynu hayno cadaynta noocaas ah waxaanu go?aaminay in la kordhiyo da?da caruurta ee laga talaalayo cudurka dabaysha.?

Sidoo kale wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland waxa uu sheegay in ka bixitaanka Hay?adda MSF ay ka baxday cusbitaalka magaalada Burco aanay la xidhiidhin wax amaan daro ah oo soo foodsaartay , waxaanu hay?addaas uga mahad celiyey shaqada ay ka qabatay cusbitaalka magaalada Burco mudadii ay ka hawl galaysay waxaanu yidhi ? hay?addaasi waa mid wax weyn ka qabatay cusbitaalka magaalada Burco waanan uga mahad celinaynaa, sababaha ay u baxeen maaha kuwo aynu inagu lug ku leenahay , mudadii ay Somaliland joogeen wax amaan daro ah oo soo foodsaartay ma jirto, dhibaatooyin fool xun oo looga gaystay wadanka somaliya way jirtay, waan la xidhiidhnay waanay baxeen go,aankana iyaga ayaa iska leh waxaanay ka baxeen dhamaanba deegaanada ay somalidu degto oo dhan, mudadii ay nala joogeen shaqadii ay qabteen waan uga mahad celinaynaa? ayuu yidhi wasiirka caafimaadka Somaliland

Wajaale News
Hargaisa/Somaliland

COMMENTS
LINKS