Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Maanta Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhasha Shilalka Gawaadhida Iyo Saamaynta Ay Ku Leedahay Am Ku Keento Wasaarada Caafimaadka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Maanta Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhasha Shilalka Gawaadhida Iyo Saamaynta Ay Ku Leedahay Am Ku Keento Wasaarada Caafimaadka.
August 25, 2013 - Written by Wariye:

Hargaysa(Wajaale News)-Wasiirka wasaarada caafimaadka ee Somaliland Dr saleebaan ciise axmed xaglo toosiye ayaa maanta kulan uu ku qabtay xafiiskiisa waxa uu kaga hadlay khasaaraha ka dhasha shilalka wadooyinka iyo saamaynta ay ku leedahay am ku keento wasaarada caafimaadka.
Kulanka oo ay goob jooga ka ahaayeen masuuliyiinta ay ka mid yihii wasiirka ku xigeenka wasaarada caafimaadka Somaliland Dr Nimco Xuseen Qawdhan,badhasaabka maroodi jeex Maxamuud Axmed Jeena yare Maayarka degmada gabiley Agaasimaha Waaxda Maamulka Ee Wasaarada hawlaha guud gadiidka iyo guryanta Somaliland iyo saraakiil ka tirsan wasaarada caafimaadka.

Dr cabdilaahi Agaasimaha Xog uruurinta wasaarada caafimaadka ayaa si faahfaahsan uga waramay qasaaraha ka dhasha shilalka gadiidka gaaro ahaana 6bilood ee ugu dabeyey isga oo cadeyey in ugu yaraa kun iyo saddexe boqol iyo laba ruux ay ku dhaawaca meen shilalkaasi halka 32kalen ay ku dhintee inta sida rasmiga loohayo.

Dhanka kale waxa isna shirkaasi lagu gorfaynayey shilalka wadooyinka iyo inta badan halkay ka dhacaan ayaa waxa ka hadlay wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan ciise axmed xaglo toosiye ayaa kulankaasi ka sheegay in ay samaynayaan gudi isku dhaf ah oo ka kooba dawlada hoose,badhosaabada dalk iyo wasaarada caafimaadka si loo dajiyo qorshe si marka uu shilku dhaco sid dag dag ah loogu gurman karo loona dajiyo  hanaan lagu yarayne karo shilalkaasi.

Wajaale News

Office Hargeisa/Somaliland

Email: wajalenews@gmil.com

COMMENTS
LINKS